Taageerayaal Ka soo digo ogtay Xisbiga UDUB kuna soo biray xisbiga Kulmiye ayaa xaflad soo dhoweyn ah loogu sameyey Hotel Palaza.

 

Burco (TNN)-Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa maanta boqolaal ka tirsan taageerayaasha xisbiga Udub ee Gobolka Togdheer ku soo dhaweyay Hotel City Plaza ee magaaladda Burco.

Taageerayaashan ayaa ka soo jeeday taagerayaasha dhinaca Galbeed eeXisbiga UDUB ku lahaa magaalada Burco.

Munaasibadda lagu soo dhaweyay taageerayaashan cusub ee kusoo biiray xiisbiga kulmiye ayaa ahayd mid aad u balaadhan, waxaanna ka soo qaybgalay afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Muj-Maxamed Kahin Axmed, Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer Sahal  ada n,waxayna mahadnaq u soo jeediyeen taageryaasha ku soo biiray, iyagoo sheegay in ay  dhalinya rtani maanta garteen in xukumadda hadda talisaa ay waxyaabo badan ku guul darraysatay, waxa yna sheegeen ion ay gacmo furan ku soo dhoweynayaan , dhanka kale sahal adan ayaa sheegay in xisbigooda kulmiye wax badan ka qaban doono dhibaatooyinka da,yarta somaliland waxaannu sheegay inay xukuumadda rayaale ku guul daraystay wax u qabashadda da,yarta somaliland.

Dhamaanba masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa weeraray waxqabadka xukuumadda Riayaale oo ay sheegeen inay tahay mid fadhiid ah kuna guul daraystay himilooyinkii shacabka.


Waxa dib u soo cusboonaaday taagerayaashii isaga kala gooshi jirey axsaabta Qaranka, iyaadoo aad moodo in xisbiga Udub si weyn looga digo roganayo, dadkiina u kala qaybsameen labada Xisbi mucaarad, 2 maalmood ka hor bay ahayd markii xisbiga UCID uu ku qaabilay Hotel Barwaaqo  boq olaal taageryaal ah oo iyaguna sidan oo kalae uga soo digo rogtay UDUB, iyadoo ay taagerada xisbiga UDUB ku leeyahay laga yaabo inay si weyn u daciifiso, ka digo rogashada da´yarta,  waxaa na maalmihii u danbeeyey suuqa aad looga hadal hayey in xisbiga UDUB iyo xukumadduba ay dhali nyarta waxba u hayn, iyadoo munaasibado badan oo dhalinyaro qaybsatayna laguba arki wayay halka axsaabta mucaaradka ahi ay mid walba goob joog ahaayeen.

Isku soo wada duuboo loolanka iyo tartan xisbiga UDUB kula jiro Mucaaradka ayaa u muuqda mod soo daciifaya, maadama aanay jirin soo jiidasho badan iyo ololayn badan oo uu xisbigu ka wado dh inaca da´yarta iyo Gobolada, marka laga reebo tiro Wasiiro ah oo dhowaan Burco u yimi si ay dad ka ugala hadlaan arrimaha doorashooyinka, loona soo diray mid walba beeshiisa, iyadoo taasi aan ay wax saamayn ah oo la arko ku yeelan shacaka Togdheer, ayaa haddana waxa maalin walba laga maqlayaa mushxaradda iyo iyo sacabka ka yeedhaya dad weynaha Burco, oo iyagu u sacab tuma ya mucaaradka, iyago intooda badani is weydiinaya UDUB aan dib u dooranee maxaan ku dooranaa ??????




Source:Hadhwanaagnews