WAR-SAXAAFADEED

 



Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu caawa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1554/0220 13 ku magacaabay taliye ku xigeenka labaad ee booliska JSL iyo Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Asluubta JSL.


MADAXWEYNUUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Ahmiyadda ay Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Asluubtu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliiska JSL iyo Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta JSL;

Markuu Tixgeliyey: La-tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Daahir Cali Wacays, laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliye Ku-xige enka Labaad ee Ciidanka Booliiska JSL.


2. In Mudane, Cali Cumar Axmed, laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliye Ku-xige enka Labaad ee Ciidanka Asluubta JSL, ahna La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.
 

 



Md. Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland