Bogaadin iyo Baroor
midna looma baahna
Tan iyo markii guddiga loo saaray ka soo talo bixinta
furintaan ururo u baratama xusbi qarameed ma ar ag mana
maqal qof iyo koox diidmo ka qabta oo kuma kalsooni ku
tiraabaysa, sidaa daraadeed guddiga l agama fileen gar
laba qof ka wada qoslisiisa, lagama fileen laba go’aan
oo raali geliya labadii kooxood ee kala raacsanaa ha la
furo iyo yaan la furin. Si roonba rabaa ogey, anigu
waxaan waafaqsanaa dhinaca d oonayey in la ogolaado dib u
furista.
Siday sheegeen guddigu iyaga iyo allahoode, kadib markay
sameeyeen la tashi ballaadhan oo heer qara n ah wuxuu
dadweynuhu ka geyn waayey in la furo ururo cusub oo la
tartama kuwii hore u soo baratem ey ee ku guuleystey
xusbi qaranimada. La isma muquunine, qoridii caarradiina
laguma talin, sidaa in uu jeclaa Madaxweynuhu iyo inkale
alla og,waxay u gudbiyeen talooyinkii dadweynaha ee ay
soo ururiyeen xagay u badnayd. Xil loo igmadey ayay
guteen iyaga iyo dadkii talooyinka dhiibtey, sobob loogu
bogaadi yo go’aankii ka soo baxay iyo sobob looga
baroortaa midna meesha ma taal. Waxaa intaa sii dheer in
loo tartamo xusbi qaranimada shantii sanoba mar waa
qodob distoori ah, Kulmiyana ballanqaaday in uu kag a
dhabeeyo qodobka haddii la doorto, waayo xilligiisa ayay
ku soo beegmeysey oo intii hore suurtagalba ma ahayn oo
shantii sano ee hore waxaa carqaladeeyey dib u dhigistii
doorashooyinka, duruufihii jirey iyo duufaantii
mucaaridkii xilligaa ee gebi dhacleyneysey, muxaafidkuna
ka faa’iideysanayey.
Waxaan leeyahay gardiid waa alla diide, arrin la soo
gabgabeeyey oo waqti, mood iyo noolba ku baxeen ayaan
bogaadintiisa iyo baroortiisa lagu dana seegin. Waxaa
haboon in laga gudbo oo loo hogaansamo shar iyo kheyr
wixii ka soo baxana aan ku taamiilo qaadano. Laakiin si
aan sharkiisa uga hortagno aan k a hadlo waxa innagu soo
fool leh iyo tallaabada xigta oo ah urur furashada.
Waxaa quman in la isweydiiyo nooca ururada dadweynihu
doorbideen in la furo ay noqonayaan. Ma jaa ntaa rogan
iyo ninkii waalaayo lagu fasaxbaa? Mise cilmi iyo
caqlibaa innoo siyaadaya? Ma waxaynu u ba ahan nahay
Ururo yeekuhu yahay beesha dhexe baashuhuna yahay Awdal,
oo haddana Awdal iyo Burc o ku kala qaybsanaadaan,
caynina ka dido, mise urur la isku baandhayey oo aan
biig iyo ran kala lahay n? Ma waxaynu u baahan nahay urur
qooqaa ka taliyo beel dabada gashanayaa, hadduu waayana
jilib dabada gashanayaa? Hadday noocaa yihiin waxaan
leeyahay maanta waxaanu ka leenahay kuwaa UCID , UDUB iyo
KULMIYE oo uma baahnin kuwa kale oo isla habkaa
adeegsanaya oo beelaha sii kala qaybsha.
Kuwaas qooqaagu
taliyo oo kale shalay waxaanu ka lahayn Xusbi kacaanka
Somaliyeed, kaasina nama a nfaco oo xusbi qof kelidii
leeyahay waa laga dagaalamay, doraadna waxaanu ka lahayn
kuwo reerba cal an qaatay oo taladood noqotay laguma
dhaamee dhaqaaq. Mujaahid iyo faqashna indhaha ay
leedahay maanta iibgelimaayo, ayaan la isku aaakhiro
seegin. Waa halkii Gaariye eh
“Mujrim ooga madaw oo
islaa m sheeganayana” cidi aamini meyso. Urur ku salaysan
takoor meel gaadhi maayee sida da’da (Age
discri mination), Cunsuriyada(race discrimination) iyo
takoorka jinsiga (gender discrimination) iyaguna
aayatii n ma leh oo waxay kala jebinayaan bulsho meel ku
wada nool.(Waxaan takoorka ku keenay waxaan maq layey
dhallinyaro durba urur ku dhawaaqday oo garaadkii
ururkooda da’ ku saleeyey. Sidaan sawirka ka arkayeyna
ragbay u badnaayeen iyaga oo markaa wixii iyaga ka weyn
iyo waalidiintood haaraamaaya oo eed oo dhan fac gaar ah
u xanbaariyey. Waa gartood lama yaabin oo siyaasi
bulshada adeegsanaya mooyee may arag mid u adeega marka
la reebo mid aan aqaan oo aanay iyagu ku dayan. Wax
jagada dan gaar ah u adeegsanaya mooyee wax qaranka u
adeegya may arag.)
Siyaasadu sida wax loogu tara ma ah in xusbi la furato
oo aad jago qabato keliya. Adigoon Jago ku fadh iyinba
waxbaad bedeli kartaa. Haddii waxaad ku wacdiyeyso aad
ku dhaqanto oo lagaa arko, siyaasigu ku dhiiran mayo
waxaan la isku ogeyn. Haddayse bulshadu tahay wada
dayday, madaxda ka soo baxda ana waa daydaye bal ogow ,
ha da’yaraado amma ha da’ weynaadee, lab ha ahaado amma
dhidig ha ah aadee, beeshiina ha noqdo amma beel kalaba
ha ahaadee.
Haddaba, inta la iska dhaafo hanbalyada iyo baroor
diiqda ku saabsan go’aankii gudida ka soo baxay, in ta
Madaxweynuhu uu soo barakaynayo taladii loo gudbiyey,
inta golaha wakiiladu soo xallaalaynayaan, inta golaha
guurtidu qallinkii xurmada oo aan xajiin lahayn taladaa
dadweynaha ku soo duugayo, hadda ad urur furaneysana soo
bandhig bal waxaad dheer tahay kuwa jira ilayn beeshu
kud intay ka guurto qanjo u guurimeysey, intiina
kalaynaa soo bandhiga waxaad beri ka yeeleysaan iyo
nooca ururka aad ka doorbidaysaan kuwa haatan jira
|