Berbera: Magaalo wada-shaqaynta madaxdeedu u suurtagelisay horumar

 

 

Berbera (TNN)-Tan iyi intii maamulka cusub ee ay la wareegeen awooda dalka, waxa muuq anaysay isbedelo dhinaca dhismayaasha iyo qurxinta ah oo meelo kala duwan oo dalka ah ka socday, hase ahaatee magaalada Berbera ayaa loo arki karaa inay tahay mid si weyn u ga faa’iiday isbedelkaas. Dawladda Hoose ee magaalada Berbera waxay ku naaloonays aa mashaariic badan oo ay ka fulisay magaalada, iyadoo inta badan cidina aanay ka caawin, taasoo caasimadaha dalka ee kalena ay kaga dayan karaan. Magaalo-xeebeedda Berbera, ayaa mudo badan ka o manayd dhaqaalaha mugga leh ee ka soo baxa dekedda iyo ilaha kale ee dhaqaale.

Hasyeeshee waxa muuqata in magaalada Berbera ka soo kabanayso dib-u-dhac iyo horum ar la’aan ragaadiyay addeegyada bulshada Berbera. Tallaabooyinka la taaban karo ee ay xilligan ku tallaabsatay magaalada Berbera, waxa ka mid ah laamiyo si hagar la’aan ah daw ladda hoose uga hirgelisay gudaha iyo dacalada magaalada. Sidaa daraadeed waxay Berbe ra noqotay hormoodka dhinaca waddooyinka, sidoo kale waxa goobaha isgoysyada loo sam meeyay tabeelooyin iyo kaabado si farshaxan leh loo nashqadeeyay, kuwaasoo soo celiyay muuqaalkii magaalonimmo ee Berbera.

Magaalada Berbera waxaa laga hirgaliyay biyo-mareenno u suurtageliyay inay magaaladu nadiif ahaato xiliyada roobabku da’aan, islamarkaana dawladda Hoose ee Berbera waxay haatan wadaa dhismaha garroonkii ugu weynaa kubadda cagta ee laga hirgeliyo Somalilan d. Maamulka dawladda Hoose ee Berbera waxay haatan wadaan qorshe ay doonayaan inay dhir fara badan ku beeraan magaalada gudaheeda iyo hareeraheeda, si loo yareeyo kulaylka xad-dhaafka ah ee xilliyada xaggaaga ka dhaca Berbera, sidoo kalena ka dhigi doo na Berbera magaalo bilic leh oo soo jiidata indhaha dadka reer Somaliland iyo dalxiisayaash aba.

Addeegyada aas-aasiga ah ee nolosha bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada iyo biy aha, ayaa isbedel ballaadhan lagu sammeeyey, taasoo u sahashay boqollaal qoys oo hore uga hayaamay duruufihii adkaa ee hadhaysay magaalada Berbera inay dib ugu soo laabta an wakhtigan, kuna negaadeen. Wada-shaqaynta masuulliyiinta: Tan iyo intii magaalooyink a Somaliland laga hirgeliyay goleyaasha deegaanka ee rabitaanka shacabka ku yimi, waxa inta badan dhegaha shacabka daashaday khilaafaad hadheeyay daladaha hoose iyo maam ulada gobollada, kaasoo ragaadiyay hab-sami-u-socodkii shaqo ee loo igmaday, haseyeesh ee gobolka Saaxil oo ka mid ahaa gobollada dawladda hoose iyo maamulka gobolka isla-jaa nqaadin, ayaa intii maamulka cusub yimi, waxay si la taaban karo uga baxeen mawjaddaas . islamarkaana maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Saaxil waxay si wada jira uga ha wl galaan tallaabo kasta oo horumarineed, nabadgelyo, iskaashi iyo wadashaqayn.


“Tan iyo intii maamulka cusubi awooda dalka la wareegay, runtii waanu isla jaanqaadnay, o o waxkasta oo yimaada badhasaabka oo kale barbarkiisa ayuu haystaa. Waanaanu ka korn ay waxyaabaha khilaafaadka ah ee gobollada kale wareeriyay.”sida waxa yidhi Maayarka D egmada Berbera Md. Cabdalle Maxamed Carab oo dhawaan waraysi siiyay suxufiyiin ka soc da Berberanews iyo Wargeyska Ogaal oo safar shaqo ku tegay Berbera. Inkastoo maayara dda caasimaddaha kale la sheegay inay waxqabteen, haseyeeshee kulan ay isugu yimaade en maayarada magaalooyinka oo sanadkan badhtamihiisa ka dhacay Berbera waxay maay ar Cabdalle u aqoonsadeen inuu yahay maayarka ugu waxqabadka badan Somaliland. Hase ahaatee tallaabadan midaysay maamulka gobolka Saaxil ee heer gobol iyo mid degmo waa mid looga fadhiyo inay la yimaadaan maamulada gobollada iyo degmooyinka dalku, sababt oo ah waxa ku xidhan wanaajinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.



Source:Wargeyska Ogaal