Maamulka
hadda ka jira oo Berbera ka dhigay Meel Ka Guureen ah /
Sumcad Xumona u soo jiiday....
(Warbixin Magaalada Berbera)
Waa meel doolarka laga soo qaado oo aan waxba lagu
celin..ay ku soo hadheen Tukaha
iyo Geelu Xili
Berberi farta lagu soo fiiqaayo inay tahay.. ugu
tacadiyada badan… in ay ka hadlaan tacadiga ku dhacaya
dadkooda,, siiba suxuyiinta ee dhibta badan ay ka soo
gaadhayso haws haa ….... bulshada ku
nooli ay u baahan yiihin inay midoobaan si ay uga baxaan
dhibaatada ku habsatay…
Maalin kasta Saxaafada waxaa lagu soo bandhigaa sawiro
iyo warbixino..Berbera......
Warbixintan waxaan ku eegayaa sababta magaalada Berbera
u noqotay ka guureen,Berbera waa magaalo madaxda
gobolka saaxil waana halbawlahii wadanka,hase ahaatee
magaalada w axaa ka jira dhibaatooyin,ta ugu weyni
waxaa weeye, magaaladii oo noqotay mid laga guuray cid u
soo guuraysa amaba ku soo socotana aanad arkayn,
magaalada waxaa magaaleeye had ba sida loo dego,
qaxa intaa le,eeg waxaa keenay waa Cadaalad daro ,maamul
xumo , dhaqaa le xumo, caafimaad xumo,waxbarasho la,aan
iyo awood la,aan dadka kuu hadhay aanay tahli Karin
laydh iyo Biyo .
hadaba marka loo eego sida ay hada tahay waxaad moodaa
in magaalada bari hore laga guur ay iyadoo ay
sababteeda ay leeyihiin maamulka ka jira halkaasi oo aan
dan ka lahayn ,iyadoo guud ahaan dadkii ahaan jiray reer
Berbera ay uga tageen cadaalada daro iyo camal la’aan
daraadeed waxaana ay gayeysiisay oo ay keentay in
magaalada ay ku soo hadhaan tukaha iyo geelu oo ay
iskaga tagaan dadkii awalba magaaladu ay magaalo ku
ahayd.Hadaba hadii ay sidan ku sii socoto gobolka saaxil
gaar ahaana magaalada Berbera waxay noqon doontaa meel
laga haajiray.
Nasiib darrooyinka ugu waaweyn ee magaalada Berbera
haysata ayaa ah iyadoo ay tahay go obtii ugu
weynayd ee dalka uu ka soo galayey kharashka ugu badani,
haddana Berbera dadkii ku noola ay uga haajireen biyo
la'aan, laydh la'aan iyadoo magaaladu ah magaalo xeebeed
w axaa kaloo haysta dadkaasi Xoriyad la,aan , caafimaad
la'aan oo cisbitaalkii guud ee magaal ada oo ay
afaysay dawo iyo dhakhaatiir la'aan Mar Aanu la kulmay
dad ku sii hadhay Berbera waxay ii sheegeen in mararka
qaarkood cisbitaalka waxaa ka dhaca aad ka naxayso oo
aan la ga heli Karin xabad kiniin ah halka ugu
darin waxaa weeye qaybta Hoyooyinka waa arrin aad u adag
oo foolxun, Berbera waxay lahayd cusbitaalkii ugu
wanaagsanaa, uguna weynaa wada nka markii wadanka
la soo galay
Waxbarashada oo magaalada Berbera ay ku caan ahayd balse
maanta ay ka danbayso gobo lada intiisa kale oo
dhan hadana loogu daray Tacadiyo kale oo ay si badheedha
ugu kacayaan Maamulka halkaa joogaa taasoo ka dhigtay
magaalo laga guuray bari hore.
Xadgudubyada ka socda G/Saaxil ayaa kusoo beegmaya xili
Berberi farta lagu soo fiiqaayo in ay tahay
magaalada Somaliland ugu tacadiyada badan,isla markaana
lagu eedeenayo in maa mulka jiraa in gobaladaasi
ka wado cadaadis aan weligii soo marin, Maalin kasta
Saxaafada wa xaa lagu soo bandhigaa sawiro ay
suxufiyiintan kasoo qaadeen magaalada Berbera, ayadoona
la yaab noqotay in halkii laga waantoobi lahaa lagana
deyn lahaa dadka G/Saaxil u dhashay tacadiga lagu hayo
in Suxuyiinta hawshooda qaranimo gudanaaya loo
geysanaayo xadhig iyo tacadiyo sharci daro ah iyo xukuno
ujeedadoodu tahay waxba kaga sheegana waxaa aanu ka
samaynayno Berbera.
Waxaa ku hadhay magaalada dhismayaal gaboobay oo xashish
aad u badani uu tuulan yahay goobaha qaar oo aad ka
naxayso in xanuuno ay ka dilaacan, waxaad arkaysaa
nolosha dadka aan ka shaqayn ilaha dhaqalaha oo ay
noloshoodu aad u jilicsantahay
Waxaan dadka wax ka weydiyey arimaha caafimadka.
waxbarashada dhaqalaha oo intaba la isheeggay inay
berberi maanta ugu liidato taariikhdeeda, dadka ku
hadhayna ay ku dulman yihiin.
maamul xumo ka jirta ayaa busaarad ama shaqo la?aan ku
dhalisay waxaana ay ii sheegeen dad aan ka wareystay in
loogu talogalay sidan inay noqoto magaaladu ilaa inta
maamulkanu jirana aanay waxba iska bedelayn nolosha
soona noqonayn sucmadii ay Berbera lahayd.
Berbera waxay leedahay
Dekedii ugu weynayd wadanka,
Berbera
waxay leedahay Garronkii ugu dheer Africa,
Berberi
waxay leedahay buuro FadhFadhiya oo Sibidha ,Berbera
waxay leed ahay Haamahii Kaydka Baatroolka ee
Wadanka oo dhan,? Ma magaalo gaajo, Shaqo
La?Cadaalad daro?? Waxbarasho La,aan?? Caafimaad La,aan
? looga qaxaabaa??
Dhibka weyn ee haystaa waa maamulka magaalada oo runtii
ah mid aan ka turjumayn ama a an ka damqanayn
dhibaatada haysta dadka degaankaa oo weliba iyagu ku
haya dhibkale oo ka weyn ta haysta Berberi waa meel
doolarka laga soo qaado oo aan waxba lagu celin, waa
magaalo aanay dawladu wax dana ka lahayn , waa magaalo
bulshda ku nooli ay u baahan yiih in inay
midoobaan si ay uga baxaan dhibaatada ku habsatay .??
Waxaan faalada ku soo koobayaa dadka dega gobolka saaxil
waa in ay ka hadlaan tacadiga ku dhacaya dadkooda
muwaadiniinta saaxil ee ka hadla dhibta taala Gobolkooda
siiba suxuyiinta ee dhibta badan ay ka soo gaadhayso
hawshaa ay u hayaan dadkooda haddii kale mar danbe ayey
is waydiin doonaan sida wax yihiin
Muj
Cabdi Cawil Xasan
Berbera Somaliland |
|