Berbera Noqon mayso Guwaatanama
Bay Cusub

 

Waana wax laga tiiraanyoodo ama laga danqado caqliga suubani uu diidayo, Qarniga maantey la joogo meel tacadi noocaasi ka dhaco....Taariikhda aduunyada kuma qorna goob maxbuus  is agoo oo Koomo ku jira Guwantaamo Baay moyaane , oo katiinaysan in Maxkamad la horgeeyo, mana aqbali karno in ay Berberi ay noqoto Guwantaamo Baay cusub..... Maxay Dadka Saaxil  k aga Nasankaraan Dhibaatadda ka Jirta Gobolkooda oo saameyn weyn ku yeelankarta  noqotay na Mushkilad Gaamurtay ….aduunyada oo hormood uu ka yahay Madaxweyne Obama wuu ku guuleystay in uu alaabada u xidho Guantaamo bay , dibna looma furi karin wax la nooca ....

Waxaa Dunida casrigan aad loo ilaaliyaa xaaladaha Xuquuqul Insaanka ee Caalamka si aanay degaanshaha waxyeelo ugu geysan , hadaba aniga oo doonaya inaan Hadalkayga ku Abla-ab leeyo Xaaladaha Siyaasadda,Dhaqaalaha,Bulshada iyo Xuquuqul Insaanka ee G/Saaxil ka  taag an ayaan waxaan jeclahay inaan Adeegsado Cadaymo iyo Daliilo asal u noqon kara Heerka ay marayso Xaalada Xuquuqul Insaanka ee G/Saaxil , Maanta heerka ay marayso Gaadhsiisay , mid aan la aqbali Karin dhibaatooyinka ka socda Gobolkaasi.

December 17keedii , sannadka 2009 Ciidammada Amniga ee G/ Saaxil waxay qabteen  Muwaa dinka Cali Maxamad Muuse (Cali Ha-la-kaco), kana qabteen Berbera, xarunta Gobolka Saaxil,, Muwaadinkaas iyadoo aan la horkeenin maxkamad sharci ah loona qaban garyaqaan waxaa loo gudbiyey jeelka Weyn, ka dibna waxaa soo gaadhay dhaawacyo ,oo ah dhacdo xanuun leh oo aan la garankarin waxaa ay noqon karto , in xabsiga magaalada Berbera gudihiisa , nabar culus madaxa lagaga dhuftay , isagoo ku jira gacanta Amniga , waqti yar ka dib markii goobtaa la geeyey , Falka nabarkan lala beegsaday muwaadinka , ayaa loo soo qaaday sidii Maxaabiistii Xabsiga Guwaatanba-Bay, iyadoo la walaandaynaayo ,uu katiinaysanyahay , kooma ku jiro  la na dhigay cusbitaalka guud ee Berbera.

Waxaa aan cidina dafiri Karin in falalka noocan ah ee ka dhacaaya G/Saaxil gaar ahaana  Berb era u soo jiita karta Bulshada halkaa ku dhaqan halis ama waxyeelo saameysa haddii sharciga si kale loo isticmaalo…. waa inaynu ku halganaa in sharciyadu shaqayso, Dulmigana halkiisa lagula dagalaamo.

Waxaan xusi lahaa in Guddida ilaalisa Xuquuqal insaanka Somaliland uu magacaabo  Madaxwe ynuhu , waxaana ka qaybgalaya shirkan lagaga hadlayo Xaalada Xuquuqda afrika kana  dhac aya Magaaladda Mombasa ee Dalka kenya,Shirkaasi Mombasa waxaa ka qaybgalaya  Masuuli yiin Somaliland ah iyo Aqoonyahano Somaliland oo iyagu lagu martiqaaday shirkaasi , waxaana la xaqiijiyey in Haayadani Diwaangelisay Tacadigan ugu danbeeyey ee ka dhacay G/Saaxil , Xa aladaha xuquuqal insaanka Somaliland u adeegi mayso in xadgub ka jiro Somaliland taas oo  wa xyeelo gaadhsiinaysa ,Shirkan waxaa soo qabanqaabisay Hay'ad la Yidhaahdo CRC waxaana loogu talo galay in Talooyin looga Soo jeediyo Dhibaatadda Afrika ka taagan xaga Xuquuq  ins aanka .


Waxaana Qurbajooga Saaxil & Hay'ado badan cambareynayaan Hagardamooyinka jira  G/Saa xil ,Gaar ahaana waxaannu cambaareynaynaa xadhigga ninkaasi lagu fuliyey iyo waliba  dhaa waca loo geystay iyo sida loola dhaqmay . Waxaannu u soo jeedineynaa ciidammada iyo  xuku umaddaba inay muwaadinkaas u soo celiyaan xorriyaddiisa, si sharciga waaqfasana loo  baad ho arrintiisa , waxii xadgudub loo geystayna iyo ciddii ka danbaysayba si dhaba sharciga loo horkeeno.

Waxaana Masuuliyiinta Saaxil ka codsanayaa cid kasta oo ay khusayso , in ay arrintaan ay soo faragaliyaan isla markaana u soo dirtaan guddi dhexdhexaada, madaama arintani dhacday ay cadow ku tahay Wadajirka , wada dhalashada , Dadweynaha saaxil oo aad moodo in ay  waay adan ku wareegayso kala fogaan iyo in dhexdooda ay wax galaan , taasuna ay noqoto  Bakte eriyo aan bugsiinaashiiyo lahayn .

Waa ayaan daro ah in aan ilaa iminka Masuuliyiinta G/Saaxil maqaankasta oo ay joogaan mid hoose iyo mid sareba , aanay weli wax war ah ka soo saarin mashaqadan dhacday ama ka  taa gan magalaada Berbera , samayn ku yeelanaysa G/Saaxil , mustaqbalka dhow iyo ka fog  hada an sida ay tahay loo waajihin.

Waana wax laga tiiraanyoodo ama laga danqado caqliga suubani uu diidayo, Qarniga maantey la joogo meel tacadi noocaasi ka dhaco .

Hadaba Anaga oo amuurtan siinayna xasaasiyadeeda kana fogaaneyna in aan damaqno boogo ayaa hadana waxaa mudan in aan damiirku qofna siin karin in laga aamuso loona baahanyahay in mashakiladii halkaas ka dhacay si laga waantoobo dib dambena aaney u dhicin, sidoo kale  b al in kuwii dhibka geystay si dhaba loo helo , ciqaabtoodana la mariyo..

Masiibadii halkaas ka dhacdey qoraal iyo laba midna laguma soo koobi karo xisaabteedana  ila ahey uunbaa qaadi kara.

Waa nasiib daro weyn waxaa dhabowdey oraahdii aheyd " god walaal ha qodin hadaad  qodo na ha dheerayn ku dhici doontee alla og"Waxaan shaki ku jirin in dhibka iyo dulmiga dadkaaga aad u geysto , ay kugu noqonayso taariikhda madow oo aad quustay! Ayaan daro ka weyn ma jirto Dad wada dhashay oo cidkale si sharciyada ka baxsan laysugu isticmaalo , Taariikhda  adu unyada kuma qorna goob maxbuus isagoo oo Koomo ku jira Guwantaamo Baay moyaane , oo katiinaysan in Maxkamad la horgeeyo, mana aqbali karno in ay Berberi ay noqoto Guwantaamo Baay cusub, aduunyada oo hormood uu ka yahay Madaxweyne Obama wuu ku guuleystay in uu alaabada u xidho Guantaamo bay , dibna looma furi karin wax la nooca .


Haayadaha Xuquuqal insaanka ee caalamka way diiwaangaliyeen muqaalka halkaa ka dhacay iyo sida ay u dhacdaybaâ.

Inkastoo aanan Doonayn inaan ku sii Dheeraado Dhibaato dhacday hadana waxaan Jeclaan l ahaa inaan Oraahdayda ku soo Gunaanado Maxay Dadka Saaxil kaga Nasankaraan  Dhibaatad da ka Jirta Gobolkooda oo saameyn weyn ku yeelan karta noqotayna Mushkilad Gaamurtay xaqiiqdi.

 

 

 

Shucayb Maxamed Gurux,Birmingham UK
Afhayeen Qurba-jooga Saaxil
email:shucayb@live.co.uk