Berbera University: Jaamacad Cusub oo si rasmiya looga furay Magaalada Berbera

 


Berbera (Longlivesomaliland News)-Waxaa shallay si rasmiya looga furay  mag aalada Berbera Jaamacad loogu magac-dara Berbera University oo lagu  midee yey Kulliyadii Culuumta Badda Berbera iyo Jaamacadda Gollis University oo  qa yb cusub ka furtay Berbera, kana mid ah jaamacaddaha gaarka loo leeyahay ee sida wanaagsan uga hana-qaaday Somaliland, taasoo Xarunteeda ugu  we yni ku taalo Hargeysa.

Munaasibadda furitaanka jaamacadan cusub oo lagu qabtay Dhismaha  Kulliya d ii Culluumta Badda, ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuulliyiinta gobolka  Sa axil oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha gobolka Maxamed Cabdillaahi Maxamed, Duqa Berbera Cabdalla Maxamed Carab, Xildhibaan Naasir Xaaji-Cali shire oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, Hormoodka Jaamacadda Gollis University Prof. Siciid Axmed Xasan, Xoghaya Guud ee Xisbiga Ucid Muj. Maxamed Axmed Xasan (Baashe) Faadumo Siciid oo ka tirsan aas-asayaashii Kulliyada Berbera iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamed Cabdillaahi Maxamed oo furitaanka  Jaa macadda Berbera ka hadlay, ayaa si diiran u soo dhaweeyey jaamacaddan  cu sub ee ay ku midoobeen Kulliyadii culluumta Berbera iyo jaamacadda Gollis, isa goo sheegay inay maamul ahaan gacan siin doonaan hirgelinta iyo sidii ay  jaa macada Berbera University u noqon lahayn mid hano-qaada.

Guddoomiyiha Gobolka Saaxil waxa uu ka waramay ahmiyada waxbarashadu ay u leedahay aadamaha, iyadoo taas la raacayona loo baahanyahay in la helo  g oobo waxbarasho oo heer-jaamacadeed ah.

Maayarka Magaalada Berbera Cabdalla Maxamed Carab, ayaa sheegay  faa’iid ada ay ku leedahay waxbarasho kaamacadeed amma fursad ay dadka reer  Sa axil u helaan tahay mid muhiimad gaara u leh dadka deegaanka, isagoo  ballanq aaday in Golaha Deegaanka Berbera ay qayb weyn ka qadan doonaan dardargelinta Jaamacadda Berbera University.


Guddoomiyaha Jaamacadda Gollis Prof. Siciid Axmed Xasan Hormuudka  Jaama cada Golis University ee Magaalada Hargeysa oo kamid ahaa xubnihii  madash aas ka hadlay ayaa ugu horay waxa uu uga mahad naqay rerr berbera sida ay usoo dhaweeyeen Jaamacada Golis taasoo uu sheegay in ay tahay  maalin  taa rikhda geli doonta maadaama oo ay Golis hore uga Furayd Gobolka Maroodi  je ex oo keli ah Balse ay manta (shalay) Golis noqon doonto Jaamacadii kowaad ee ka hirgasha laba Gobol oo Dalka Somaliland kamid ah “Ilaahay Baa Mahad  l eh aad baan ugu faraxsanahay sida aad noo soo dhaweyseen Madaxiyo  shac biba waana idiinka mahad clinaynaa waxa kale oo farxad ii ah inay tahay manta maalin taarikhda geli doonta Jaamacada golis hore waxay uga hirgashay  Gob olka Maroodi jeex oo keli ah maantse waxay noqotay Jaamacadii kowaad ee ka hirgasha Laba Gobol oo kamid ah Somaliland sidaa darted waa maalin taariikhi ah” ayuu yidhi Gudoomiyaha Jaamacada Golis isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi raaciyey “hadaanu nahay Jaamacada Golis waxaanu  jecel  nah ay inay dadkeenu wax bartaan gaar ahaan da’yartu oo weliba halkan  (Somalil and) ka helaan wax barashadii iyo cilmigii ay u tegi lahaayeen Dibadaha si ay ula baratamaan Bulshada caalamka ee dhigooda ah Jaamacada Golis waxa  bar tilmaameed u ah ah oo ay door bidaysaa in ay dadku ka helaan aqoon anfacda oo ku salaysan baahida cilmi ee dalka si ay markaaswadankana uga saaraaan baahidaas cilmi uguna shaqaystaan taas darted waxa Golis ahayd Jaamacdii kowaad ee lagu barto cilmiga Engineering-ka taas oo aanu doonayno in  wada nkeenu helo wadooyin fiican iyo guryo qiimo Jaban ku dhisma oo cilmiyeysan Golis waxa kale oo aanu hada ku darey in lagu Barto Cilmiga Telecommunication Engineering-ka Information Technology-ga” ayuu Yidhi

Marwo Faadummo Siciid oo ku hadlaysay magaca Kulliyadii Culluumta Berbera, kana tirsan shakhsiyaadkii aas-aasay Kulliyadaas, ayaa si qoto dheer uga  wa rantay dedaalkii dheeraa ee ay iyada iyo shakhsiyaad kale u soo mareen sidii ay u suurta-gelin lahaayeen in Berberi jaamacad yeelato ““mudo badan  ayaa nu halgan ugu jiray sidii ay jaamacadani u meelmar lahayd qalabkaas iyo  dhism ahan uu kamid yahay Hoolkan aynu maanta fadhino ee quruxda badaniba dhib badan iyo dhulbadan baanu u maray waxa ilaahay mahadii ah in aad nala  arag taan sida Dadkeenu ka yahay wax qabad iyo dedaal ay dadkooda iyo  deaan kooda u qabtaan sidaas ay xildhibaanadii la doortay noogaga baxeen Marti  qa adkii ayaa dhab ah dhibkaas ayaa naga haystay maanta waxaan leeyahay maamulka Heer gobol iyo Degmaba waxaanu doonaynaa inaad sidii hore aad noola wadeen iyo si kasii badanba ugu kacdaan waayo hore waxay u ahayd kuliyad maantase waa jaamacadii Berbera wasaarada waxbarashada iyagana waxaan leeyahay Hore waad gabteen oo gabteen oo ganbteen kaalintiinii Please and Please waxaanu idinka codsanaynaa inaad maanta guntiga dhiisha iskaga dhigtaan oo horseed ka noqotaan horumarinta Jaamacada anaguna waanu idin garabtaaganahay oo waxkasta oo aanu qaban karo diyaar ayaanu idiinla nahay” ayay tidhi Marwo Faadumo.

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka mid mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay gobolkma Saaxil oo isaguna munaasibadaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu leedahay “Aqoon  la’a ani waa iftiin la’aan, caalamkan aynu ku noolahay waxa laysku dhaafay waa aqoonta” sidaas waxa yidhi Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire.


Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire waxa uu masuuliyiinta Gobolka Saaxil ee  mad asha ku sugnaa ka codasady inay mideeyaan qulluubta Reer Berbera oo la isku dayo sidii wakhtiyadii hore Berbera ay mid u ahayd laga dhigo, isagoo soo  jee diyey in Masuulliyiintu ay maal-geliyeen shir laba cisho ah oo laysugu yeedho aqoonyahanka Gobolka Saaxil, si loogu lafao-guro asbaabaha dib-u-dhaca weyn ku keenay Berbera.


Source:Berberanews