“Beesha Galbeedka
BurcoXaalkeedii Waa La Dhameeyay Markii Mansabyada Xukuumada La
Eegayayna Anagaa Daalac Nalagu Yeeshay”C/Llaahi Dhugad

Hargeysa, July 10, 2011 (TNN)-Xildhibaan C/llaahi Ibraahin Xirsi
Dhugad oo ka mid ah mudanayaasha golaah Guurtida Somaliland ayaa
xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uga digay inay is hortaagto shir arka
ay beelaha Somaliland gaar gaarka u qabsanayaan, tilmaamayna in beel
kastaa ay xaq u leedahay inay shir wada tashi yeelato, isagoo
Madaxweyne Siilaanyo-na ugu baaqay inuu beel kasta la hadlo oo uu
raali galiyto.
Waxa kale oo uu sheegay, in tabashadii hogaan dhaqameedka beeshooda
galbeedka Burco ay ka soo jeediyeen masuuliyiinta hay’adaha dawlada
ee gobollada bari laga heshiiyay.
Xildhibaan Dhugad, waxa kale oo uu sheegay in doorashooyinka
golayaasha deegaanku aanay qabso omaynin haddii aan loo hawlgalin
diyaar-garowgooda, isagoo dhinaca kalena cadeeyay in goleyaal la soo
doortaa ay badali karaan golayaasha deegaanada ee hada dhisan.
Md C/llaahi Dhugad oo xalay Haatuf khadka Telephone-ka xogwaraysi
khaasa kala yeeshay, isagoo ugu horayn ka hadlaya aragtidiisa shir
beeleedyada ay beelaha Somaliland gaar-gaarka u qabsanayaan, ay aa
waxa uu yidhi “Wakhtigii aynu dawlada qaadanay ayaa sharci la
gaadhay, maxaynu qabanaa baa la yidhi, oo waxa la dadka afka haloo
faxaso, haddii afka la qabto dadka oo la cabudhiyo waa layna
jiidha yaa, waar u faxasa ciddii iska shir shiraysa maxaa loogu
diidayaa haddii aanay dhibaato wadin, si kast aba ha u tashatee
beeshii shiraysaa waa macquul”
Xildhibaan Dhugad isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi
“Waxaan imika socdaa waa waxa weeye qolo walba waa inuu madaxweynuhu
dhabarka taabtaa, oo la la hadlaa, way is ogaysiinayaan dadku”
Xildhibaanka oo aanu waydiinay halka ay ku dambaysay tabashadii
hogaan dhaqameedka galbeedka beeshooda galbeedka Burco ay kasoo
jeediyeen mansabyada dawlada ee gobollada Togdheer iyo Sanaag, waxa
uu yidhi “Habar Yoonis xaalkeedii waa la dhameeyay, markii
mansabyada jagooyinka xuk uumadda laga xisaabtamayna anagaa-ba cid
walba ka badanay oo daalac nalagu yeeshay, nin baa la eryay ninkiina
nin kale oo beeshooda ah baa lagu badalay”
Xildhibaan Dhugad oo ka hadlaya aragtidiisa ku saabsan soo jeedintii
ay guddigii ka soo talo bixinta ur uradu ku baaqeen, in la kala diro
golayaasha deegaanada, waxa uu yidhi “Golaha deegaanka gole la so o
doortay ayuun baa badali kara, haddii muddadoodu dhamaatayna siday
doorasho u dhacaysaa had aan waxba la qaban, waa in shaqo la qabtaa
inta ka horaysa lays hortaagnaan maayee”
Source: Haatuf
|