Cuqaasha Iyo Waxgaradka Beesha Awal Bari Ayaa Ku Taageray Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Taageradii Xisbiga Kulmiye, Qirayna Inay Taagersanyihi
 


Burco (TNN)-Waxaa saaka shir ballaadhan ku yeshay Hotel Barwaqo ee magaalada Burco, cuq aasha salaaiinta, odayasha iyo waxgaradka beesha Awal Bari, waxaana shirkaasi goob joog ka ahaa Guddomiyaha Awal Bari X.C/laahi Maxamed C/raxman, xildhiban siciid cilmi rooble iyo Cuqaal ay ka mid yihiin Chief-Caqil Cabdi Maxamed Siciid, Caqil Cabdi Maxamed Cigaal, Caqil Cab di Siciid Maxamed, Caqil Cumar ibraahin Maxamed, Oday Axmed yasiin, oday Cabdi Cisman, Oda y Curaagte siciid, iyo weliba Guddomiyah Besha Cabdalle Cabdule (C/lle Qoyan) Saleban Cawil Abokor.

Shirkan oo oo lagu taageryay hadaladii Suldaanka Guud ee Subeer awal Suldaan Xasan  Suld aan Cabdilaahi Suldaan C/raxmaan Ee uu ku sheegay in beesha subeer awal taagero la garab taagan tahay xisbiga kulmiye ayaa waxa dhinaca xisbiga Kulmiye u fadhiyey shirka, Xildhibaan cali mareexaan, Mujahid Maxamed, Dr.cabdi aw daahir, Xildhiban Sicid Cilmi roble, iyo weliba  s hariif ka tirsan Golaha fulinta ee xisbiga kulmiye.

Ugu horayn waxa shirka ka hadlay Chief-Caqil Cabdi Maxamed Siciid oo sheegay sida ay u  taa gersanyihiin uguna raacsanyihiin hadalada Suldanka Guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xa san Suldaan Cabdilaahi Suldaan C/raxmaan.

Caqil Cabdi Maxamed Cigaal iyo Caqil cabdi siciid maxamed aya iyaguna halkaas ka qiray kana caddeeyey taagerada ay beel ahaan u hayaan xisbiga kulmiye, waxay caddeeyen cuqaashani in maanta ay ua arkaan in xisbiga kulmiye waxqabad iyo horumar dalkan iyo dadkan u  horsee di karo, mar ay cuqaashu ka hadlayeen dhinaca amniga waxay xuseen in amniga ilaahay  keen ay, shacabkuna nabadda ka shaqeeyeen, iyagoo ku eedeyey xisbiga UDUB iyo xukumadda  Ray aale mid wadda naxli abuur iyo colaad, iyo weliba dagaal sokeeyo, waxay sheegeen in  ballanq aadyo badan oo been ah uu u sameeyey shacabka reer somaliland siiba Gobolka saxil ayay yidhaahdeen, kuwaasoo ay shegeen inay ku barteen beentii.

Caqil Cumar Ibrahin Maxamed iyo Sh.shaakir Bashe C/laahi ay si kulul u weeraray xisbiga UDUB iyo xukumadda Rayale waxayna labadooduba sheegeen in xisbiga UDUB uu Kaambayn u  noqd ay soo fadhista iyo ku hal qabsiga maytida, waxaanay sheegeen in hadalkooduba isugu soo ururay in wax ka daba yidhaahdaan Madaxweynihii xaqa ahaa ee Geesiga ahaa Maxamed  X. Ibrahain Cigaal waa sida ay hadalka u dhigeene, waxay dhanka kale ku cambaareyeen  xukum addu in ay beelaha walaalaha been iyo isku dir ku afuufayso, isla markaasna ay ku  sheekeey an Wasiiro Waaweyni in Beesha Ciise Muse Berbera laga qaadi doono haddii ay xisbiga Kulmiye taageeraan, waxay sheegeen in waxaasi yihin isku dir ee cid cid wax ka qadi kartaa anay jirin, caqil cumar ibrahin waxa hadaladisii ka mid ahaa " WAXANU TAAGERSANAHAY< GARAB TAAGANAHAY,DHIIGANA U SHUBAYNAA MUJAHID AXMED MAXAMED MAXAMUD SIILAANYO" Ayu yidhi….

Guddomiyaha awal bari Xaji C/lahi aw maxamed aya isna sheegay in Danta dalka iyo dadkuba halka ay ku jirtaa tahay xisbiga kulmiye, wuxuuna sheegay in xukuumaddani caadadeedu  noq otay qabyaaladda oo ah waxa ugu xun ee dalalka jarka ahi ku halaagmeen, wuxu sheegay in xusbiga kulmiye noqon doono kii qabyaaladda inaga tirtir lahaa.

Xildhiban Cali mareexan ayaa isna munasibadda ka sheegay in marxuum cigaal iyo axmed  sii laanyo ay saddex iskaga mid yihiin, Siilanyo iyo Rayaalena ay saddex ku kala duwan yihiin , isagoo ku sheegay saddexda cigaal iyo siilanyo iskaga midka yihiin waayo aragnimada, halgan ka, Nabadaynta ama nabad jacaylka, saddexda ay ku kala duwanyihiin rayaale iyo siilaanyona ku sheegay, Ballanta sida fudud uu u galo madaxweyne rayaale ee aanu fulin, hawlkarnimo la’aan oo uu ku sheegay in aanu madaxweynuhu waddankisaba war ka hayn kana soo degin daarta uu saaranyahay, isago siilanyo ku sheegay masuul xafiiskiisu isago xisbi ah aan ka maqnaan jirin 8da subaxnimo iyo bu yidhi musuqmaasuq badan, isago sheegay in madaxweyne rayaale ay si gaar war ugu hayaan isaguna uu 5 sano ahaa Guddiga dhaqaalaha ee  barlamaa nka, wuxu sheegay in axmed siilaanyo aanu musuqmaasuqas shaqo ku lahayn.

Dr.cabdi aw daahir ayaa isna halkaas uga hambalyeyey dhammaan ba cuqaasha iyo dayaasha subeer awal, wuxuuna u sheegay in madaxweyne rayaale iyo wasiirada ganacanyaraha u ahiba ay ku hadaaqaan H/jeclo sidanbay yeelaysaa iyo waxan bay samaynaysaa, isago yidhi waar habarjeclo xoogweyna !!!!!

Wuxuu dhammaanba shacabka ku booriyey in hadalada dicifika ah ee xukumadda rayaale aan dheg loodhigin, waxaanu ku sifeeyey masuuliyiin aan ku hadlayn wax nin weynu ku hadlo.

Maxamud cali hayste (Ramaax) oo ka mid ah qurbajooga somaliland aya isna sheegay in  Mada xweynaha imminka xilka hayaa uu madaxwynwe cigaal ku aamini waayay Dalka ,mar uu safar u baxayey, waxaanu soo bandhigay warqaddi uu Marxuum cigaal u qoray Rayaale berigii uu ka dhoofayey Dalka warqaddaasoo ay ku qornaayen 6 wasiir oo uu ka mid ahaa Dr.cabdi aw dahir,skerse,c/lahi darawal, iyo silanyo isagoo yidhi " Madaxweyne cigaal alle ha u nxariistee wuxu ku aamini waayay dalka Madaxweynaha imminka talada haya, waxanu ku yidhi isagoo markaas ku xigeen u ahaa ina cigaal , talada dalka kugu aamini maayee 6daas nin ha kula  sha qeeyaan oo siyaasadaha iyo farsamooyinka iyagaa garanayee la shaqee" waxaanu ramaax warqaddii u soo bandhigay saxaafadda, magacyadii 6 wasiir iyo warqaddii oo hammaystiranna waa kuwan hoos ka muuqda...


Ugu danbaynti waxa beesha awal bari cuqaashoodu shirkan saaka ku caddaysay inay si  rasmi ya madaxa iyo mijoba taagersanyihiin lana barbartaaganyihin taakulayn iyo taageeroba  axm ed siilaanyo, waxana munaasibadda sidoo kale fadhiyey xubno badan oo ka mid ah dhalinyarta awal bari.





Source:Hadhwanaagnews