Salaadiin, Cuqaal Kasoo Jeeda Beesha Galbeedka iyo Waqooyiga Gabiley oo Cadeeyay Inaanay Qabin Dilkii Seemaal

 

 


“Beesha
Reer Xareed waxay noqotay halka Awdal-land ta loo sii maro…”  Cumar Gudbin.



Hargeisa (TNN ):- Salaadiin, cuqaal, odayaal iyo wax garad ka soo jeeda beesha woqooyiga iyo galbeedka gobolka Gabiley, ayaa si cad u deedafeeyay in ay qabaan ama wax lug ah ku leeyihiin dilkii dhawaan ka dhacay Seemaal, waxaanay ugu baaqeen beesha deegaanka Dilla in ay nabad ku wada noolaadaan.


Salaadiintan iyo madax dhaqameedkan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hotelka Crown ee ma gaalada Hargaysa, ayaa sheegay in ay baadhitaan dhinacyo badan leh muddo bil ah ku sameey een beeshooda isla markaana ay mareen wado kasta oo lagu ogaan karo eedaha tuhunka ahaa ee la xidhiidhay falkaasi, ka dibna ay u cadaatay in aanay beeshoodu qabin tuhunkaasi ahaa in ay ka danbeeyeen dilkii horaantii bishii December ka dhacay deegaanka Seemaal oo u dhexeeya gobolada Gabiley iyo Awdal.


Xaaji Xasan Maxamuud Yoonis, oo ka mid ahaa odayaashii maanta shirka jaraa’id qabtay oo hal kaasi ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay baadhitaanka ay sameeyeen iyo wada ay u mareen iyo sidoo kale sida ay ugu cadaatay in aanay beeshoodu qabin eedaasi ama tuhunkaasi la xidhii dhay in ay ka danbeeyeen dilka Seemaal.


Waxaanu yidhi “Cidkasta oo aanu dareen ka qabnayba halkiisa ayaanu ugu tagnay, ilaa ragga qaar aanu kitaab gacanta u saarnay. Dadka waan iskugu yeedhnay markaanu baadhitaanka ku jirnay laba meeloodbaanu u qaybinay baadhitaankayaga, Beesha loo tuhunsan yahay inay ku jirto, marna iyadoo dhan oo jamac ahaan ah ayaanu iskugu yeedhnay, Wacdi iyo Waano ayaa nu u soo jeedinay, Waxaanu ku dardaarnay beeshu inay dib iskugu noqoto baadhitaan danbena aanu samayno Fal-dambiyeedkaa dhexdiisa.”

Waxaanu intaasi sii raaciyay “Waxaanu dadka u sheegnay ninka dilkaa gaystay inuu yahay Cad aw, inuu cadaw u yahay cidwalba, inuu cadaw u yahay beesha dadka laga laayay, inuu cadaw u yahay beesha dilka lagu tuhmay iyo sidoo kale inuu cadaw u yahay dhamaan shacabka reer So maliland oo dhan, Marna waxaanu u baadhnay kali kali.”

Xaaji Xasan waxa uu si cad u tilmaamay in aanay beesha Woqooyiga iyo galbeedka gobolka gabiley wax lug ah ku lahayn falkaa dilka ah ee lagu eedeeyay ama loo tuhmay isla markaana ay beri ka tahay beeshaasi “Beeshaa iyada ah faldambiyeedkaa loo tuhmay waanu ka oo waynay inay lug ku leedahay, Beesha Galbeedka iyo waqooyiga Gabiley ee loo tuhmayay faldambiyeedkii Seemaal ee dilka ahaa, arrinkaasi baribay ka tahay markaanu dhaarinay ee kitaabka gacanta u saarnay kuwaan ku tuhmanay. Maanta beeshaasi waxay umadda reer Somaliland uga fadhidaa inay diyaar u yihiin wax alla wixii dadka islaamku ku kala baxaan.” Ayuu yidhi Xaaji Xasan.


Xaaji Xasan waxaa kale kale oo uu ugu baaqay xukuumada Somaliland in iyadu keento dadka ay sheegtay in ay u hayso in ay ka danbeeyeen falkaasi, taasina ay tahay mid iyada u taalo inay baadhato oo keento, waxaanu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in beeshoodu diyaar u tahay wax kasta oo ay beeshii dadka laga laayay iyo shacab waynaha reer Somaliland ku qancayaan.

Cumar Barkhad Bulaale (Cumar Gudbin) oo ka mid ahaa oday dhaqameedyadii shirka ja,aaid ka hadlay ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay gardaro cad la fuushay beesha Woqooyiga iyo galbeedka gabiley ee loo tuhmay inay dilkaasi ka dambaysay.

Waxaanu yidhi “Hadaanu nahay beesha Reer Xareed waxaanu diyaar u nahay oo dadka reer Somaliland u sheegaynaa, oo culamaa,udiinka u sheegaynaa arrinkaa dilka Seemaal in aanaan Qabin gefna nagu dhacay, wixii ka banaan ee tuhunka falkaasi la xidhiidhana dhaarbaanu ka ogolahay. Beesha Reer Xareed waxay noqotay halka Awdal-landta loosii maro, Mid kalena way dhacdoo dawlada lafteeda si ay Awdal-land u awdo waxay go,aansatay inay Reer Xareed Gawracaan, Dabku gees walba wuu ka baxayaa Somaliland.”

Waxaa kale oo isna shirkaasi jaraa,id ka hadlay Oday Cumar Muxumed Sayre oo sheegay in shir kaasi jaraa,id ay u qabteen si ay u cadeeyaan dilkii Seemaal ka dhacay ee beeshooda lagu eed eeyay in ay gaysatay, isaga oo Md Cumar si cad u sheegay in aanay qabin beesha Reer Xareed ee uu ka soo jeedo falkaasi lagu tuhmay.

“Bani-aadamka haddii baadiyi ka halawdo calaamadbaa lagu baadi goobaa. Umadani waxay iska xilsaartay 32 cisho gudohood inay kusoo baadho dhibaatadaa dhacday, ee Seemaal ka dhacd ay, ee anaguna aanu ku jirno ee cid bani aadam ah oo naga tacsiyadaysay aanay jirin. Anaku waanu tacsiyadaynay dadkii walaalahayo ka dhintay waayo waa dad islaam ah oo aanu walaalo nahay. Waxaanu iska xilsaarnay muhmalkaa oo aan soo qayaxnay, eenu dhinacwalba ka waree gnay, ee aanu arinkaasi aqoonyahan, salaadiin, culumaa,udiin waxaanu ogaanay inaananu arin kaasi lug ku lahayn.” Ayuu yidhi Cumar Muxumed Sayre.

Oday Maxamuud Aw Daahir, Caaqil Axmed Xuseen Kaahin iyo Cali Cismaan Aamin (cali Atum), oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantoodba si adag u daadafeeyay in aanay wax lug ah iyo raadtoona ku lahayn dilkii bishii hore bilawgeedii ka dhacay deegaanka Seemaal ee ka tirsan gobolka Gabiley gaar ahaana deegaanka Ceelbardaale. Waxaanay Odayaashani ummada reer Somaliland ugu baaqeen inay diyaar u yihiin wax kasta oo ay ku qancinayaan beesha ay oodw agaadta yihiin ee reer Dilla, xataa in ay u dhaartaan iyo sidoo kale in ay fulinayaan wax alla wax lagu kala boxo ee ay beeshaasi dadka laga laayay ku qancayaan.

Sidoo kale odayaashani waxay sheegeen in ay ogol yihiin dariiq kasta oo ay ku daw bixinayaan beesha Dilla, sidoo kalena waxay dhamaantood ugu baaqeen dadkii sadexda nin laga laayay ina y iyaga oo aanay cidi u dhaxaynin si fool ka fool ah u kulmaan, si ay iyagu dhexdooda u xalista an una dhamasytaan wax kasta oo tabasho ama tuhun ah ee ka dhexeeya.



Hadalkan ka soo yeedhay Salaadiinta , cuqaasha, odayaasha iyo wax garadka ka soo jeeda be esha woqooyiga iyo galbeedka gobolka Gabiley, ayaa ku soo beegmay wakhti dadka reer Soma liland dhamaantood u dhag taagayeen in wasiirka Arrimaha Gudaha Somalialand soo bandhigo dadkii uu sheegayay inuu hayo, iyadoo gudidani in badan duurka u galeen sidii ay usoo xaqiijin lahaayeen ciddii ka danbaysay dilkaasi, gaar ahaan reerkooda Reer Xareed oo laga doonayay inay keenaan ciddii dilkaasi ka danbaysay, iyadoo la filayay uun inay dadkii keenaan iyo inay dhaartaan.







Ahmed Biito
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland