Mas’uuliyiinta Metela Beelaha H/Yoonis oo ka Tashanaya Xukuumadda Siilaanyo.!!





Tabashadda iyo Falalka Aargoosigu kuma koobna Deegaanadaasi oo keliya, Balse.....


Hargeysa(TNN)- Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland [Guurtidda iyo Wakiiladda], u gu jira Beelaha Galbeedka Burco, ayaa shalay shir ku yeeshay Huteelka Ambassador ee Magaalada Harg eysa. Majiro warka kasoo baxay oo si cad daboolka uga qaaday ujeedada Kulankaas.

Haseyeeshee, sida ay Wargeyska "Yool" u xaqiijiyeen ilo ku dhowdhow, waxa ujeedada kulan ku ahayd mid Mudanayaasha isku xaafada ah ee labada Gole ay kaga arin sanayeen argtiyo isasoo tarayey oo la xidhiidha Xukuumadda iyo Beeshooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin in Xukuumaddu si gaar ah u takoorayso Beesha ay ka soo jeedaan iyo sedkii ama saamigii ay ku lahaayeen dawladda oo Xukuumaddu meelo kale ku waraabinayso.

Waxa kaloo, ilahaasi tibaaxeen in Xildhibaanada labada Gole ee kulanka yeeshay oo Tiradoodu ahayd Lab aatan Xildhibaan, kuwaasoo ay Siddeed ka mid ahi ka tirsanaayeen Golaha Guurtida, halka Laba iyo Tobb ana ay yihiin Golaha Wakiiladda. Sidoo kale waxa madasha kulan ka dhacay kasoo qayb galay Siyaasiyiin, Ganacsato iyo Xubno dhalainyaro ah. Waxaa kaloo wararku intaa ku darayaan in shirka si qoto dheer lo ogu falanqeeyey Xilalka Xubno Beesha ahi hayeen, balse Xukuumadda cusubi ka takhalustay, waxaana intii dooda arintaasi Socotay Xunaha badidoodu carabka ku dhifteen Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Toddobaakan gudahiisa Madaxweyne Siilaanyo Xilka ka eryey.

Waxaana wararku sheegayaan in gabagabadii kulanka Xildhibaanada iyo Xubanahii kale isla ogolaadeen in ay aragti midaysan ka yeeshaan Talaabo iyo go’aankastoo ay u arkaan in uu lid ku yahay danaha Bees hooda, isla markaana ay meel uga soo wadajeedaan arin ksata oo wax tar u leh Beesha, geesta kale wa xay isla qaateen in la joogeeyo kulamadda iyo shirarka noocan ah, iyadoo kani noqon doono midkii u hore eyey, balse aanu noqon doonin kii u danbeeyey.

Xubanaha Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamanka ee kulanka ka qayb galay, ayaa sida ila werrdyad u noo xaqiijiyeen, waxa ka mid ahaa Xildhibaano badan oo ka mid ahaa Ragii ugu fadaloda cadaa Xisbiga KULMIYE xiligii uu mucaaradka ahaa, waxaana ka mid ah xubnaha ilahaasi Carabka ku dhifteen Xildhibaan Dhuged, Xildhibaan Duur iyo Xildhibaan Waabeeyey, waxa kaloo la sheegay inay kulankaa Goobjoog ka ahaayeen Xildhibaan Axmed Gacan, Cali Xaaji iyo Xildhibaan Maxamed Saalax.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid si dhab ah u shaaca uga qaaday asbaabaha kalifay Shirkan, haseyeeshee wa xa loo badinayaa in kulan ku ahaa mid ka dhashay tabashooyin isasoo tarayey oo muddooyinkan danbe kasoo yeedhayey Xubno kala duwen oo Beeshooda ka mid ah.

Si kastaba ahaatee Taabadan ayaa u muuqata mid si cad uga turjumaysa heerka uu gaadhay cilaaqaad ka Hogaanka talada haya iyo ka dhexeeyey Xubnihii hore u taageeri jiray ee dhiig iyo dhqanba u huray sidoo kalena waxa jira warar kaloo tibaaxaya Tabashooyin kuwan oo kale ah oo ay Xukuumadda ka tirsa nayaan Beelo iyo Shakhsiyaad Hore u taageeri jiray, kuwaasoo ay ka mid yihiin deegaan ka Gobolka Gab ilay, iyaguna hadda qaba Tabashooyin aan ka dhicin kuwan aynu kor kus oo sheeganay waxaana ka mid ah arimihii u danbeeyey ee uu ka cabanayey deegaan ka Gabilay Xilkaqaadistii Madaxweynuhu kula kac ay Cabdi Cilmi Xassan oo ka mid ahaa Garsoorayaashii Maxkamadda Sare ee dhowaan Madaxweynuhu eryey, isla markaan ku jiray Xubnihii ugu waayo argnimadda Badnaa isla markaana aan waligii lagu xam an Laaluush Qaadasho.

Marka arimahaa oodhan laysku soo xooriyo, waxa cad in Xukuumadda Siilaanyo durba cagta saartay dha bihii kala qaybinayey Xukuumadda iyo Bulshada, haseyeeshee waxa Madaxweynaha horyaal fursado badan oo uu wax walba ku sixi karo inta ay curdin yihiin, taasina waa fursad ku xidhan go’aan qaadasha da shakhsiyadeed ee Madaxweyne Siilaanyo ku wajaho xaaladaha ku gadaaman.
 

 


Wargeyska Yool