JAWAAB: Beenin War La Soo Geliyey Mareegayaasha Intern et Ka Oo Lagu Sheegay In Salaadiinta Beesha Subeer Awal Taageereen Go’aankii Saleebaan Gaal


Beenin War La Soo Geliyey Mareegayaasha Internet Ka Oo Lagu Sheegay InSalaadiinta Beesha Subeer Awal Taageereen Go’aankii Saleebaan Gaal,Ina Macalin & Siilaanyo soo go’aansadeen ee lagu sheegay go’aanGuurtida Somaliland soo saartay, taas oo umada Somaliland maanta wada
ogtahay in go’aankaasi ahaa go’aan sadex nin oo isku reer ahi soo maleegteen, laguna sheegi karin go’aan Guurtida Somaliland ka soo saartey khilaafkii Xisbi Xaakim ka Kulmiye.

Tusaale na waxa kuugu filan go’aanka qodobkiisa Koowaad oo odhanaya Gudidii Fulinta & Gudidii Golaha Dhexe ee Xisbiga ee la iskaga magacaabay si ka baxsan xeerka u yaala Xisbiga Kulmiye iyo Go’aankii Guurtida ee odhanayey inta aan waanwaanta ku jiro, labada dhinacba waa in aan ey qaadin wax talaaba ah oo ka hor iman karta waanwaanta, in sideeda loo daayo khaladkaas dhinaca Xukuumadu ku dhaqaaqdey. Taas oo macnaheedu ka dhigan yahay sharciyada Xisbiga oo lagu tuntaa waa Muqadas, iyo Awoodii Gudoomiyaha Xisbiga oo la maroorsaday, waa iska
caadi. In dib loogu noqdo oo la saxana looma baahna, waayo waa sidii uu doonayey Siilaanyo, waananu u sharciyeynaynaa. Hadii si kale aan hadalka u dhigo, tartar Siilaanyo xisbiga dhexdiisa lagula tartamaa,wax macna ah oo ay samaynaysaa majirto. Waayo inta wax dooranaysaa waa
intii iyagu doonayeeen. Waxaanan idiin sii sheegidoonaa talaabadooda xigtaa waa gudoomiyihii Xisbiga waan badalay. Waxaas waanwaan miyaa lagu tilmaami karaa? Inta caqliga leh ee Somalil and iyo Xisbiga danaysa ayaan u dhaafayaa jawaabta.

Hadii aan u soo noqdo qormadan iyo wixii igu kalifay, waxa aan doonayaa in halkan aan uugu cad eeyo umada Somaliland in warkaas nimankaasi isku sheegeen in ay yihiin Madaxdhaqameedkii re erka in uu yahay waxba kama jiraan; nimankaa meeshaa iskugu yimid cid ay metelaan oo caleem a saartey majirto. Mana matalaan Beesha Subeer Awal, oo ka weyn lacagta xaaraanta ah ee uu u qeybiyey Jana Kabood, oo si uu shaqadiisa u illaashado isku deyey in uu isticmaalo magaca od ayada beesha. Beesha Subeer Awal mawqifkooda dhabta ahi waa kii haweenka,dhalinyarad a iyo qurbajooga reerku ba ay sheegeen, oo ay ku taageereen Muj. Muuse Biixi Cabdi. Kulmiye loo diid ey in uu Muj. Muuse Biixi Cabdi ka noqdo Musharaxna, waa Kulmiye aan xaafadu ku jirin, oo diga
rogoshadiisii ay hada ka tashanayaan.

Sida aad wada ogtihiin; shirkii haweenka beeshu qabsadeen, ee dhawaaqiisii sida fiinta dawlada Siilaanyo uuga qaylisay, ayaa looga dhigayey jawaab, baaqa odayaal isku sheegan, oo ay maahm aahdii Soomaaliyeed ee odhan jirtay “Nin Soori Kaa Qaaday Waa Nin Seefi Kaa Qaaday”. Waxaanan leeyahay odayaal isku sheegaas “Dhaqashiyo Mar Bay Kaa Yihiin Dheregu Xaaraane”. Aakhiradiina u tudha, oo ka baqa Weynaha idin Abuurey. Haweenka reerku waa sii sheegeen, in rag lagu ururiyeyguri ku yaal xaafada 26 ka Juun, oo lacag loogu qaybiyey, si looga dhigo in bees hu taageero la barbar taagan yihiin Siilaanyo, oo weliba diyaar u yihiin in ay dib u doortaan. Warkaas wax ka jiraa majiro,waxana tusaale idiin ku filan markii ay isku dayeen in ay shir ku qab sadaan Mansoor Hotel, in dhalinyaradii Subeer Awal u diideen in magacooda niman aan metelin isticmaalaan oo been fariimaan mawqifka reerka. Beenta kale ee ay sheegeena waxa ay aheyd in ay Mansoor Hotel ku qabteen Shirka iyo Baaqa ay iclaamiyeen niman ku yimid sixir barar oo aan reer ka metelin, oo hungurigoodu kala weyn yahay Masayrka reerk a ay magacooda rabaan in ay isticmaalaan. Warkaas na waxba kama jiraan, oo markii loodiiday in ay Mansoor Hotel ku shi raan, ayaa guri lagu ururiyey oo la yidhi dhawaaqa sida Eyda.

Waxaan ku soo gunaanadayaa in Saxaafadu warka sidiisa u sheegaan, oo sheegaan in dad la soo kiraystay magac reer rabaan in ay isticmaalaan,laakiin cid ay metelaan aanay jirin. Waydiiyaana cida ay metelaan iyo maxaa hadii dhab tahay waxa sheeganayaa dadkii ay lahaayeen waan met elaa, waxa aanay meesha lagu qabanayo shirka u joogin. Kuwa Illaahay na aan ka baqeyn,aakhir adoodana aan u tudhaneyn, ee sida AWRKIRAALAHA la soo KIREYSTAY, ha ka waantoobaan ma gaca reerka in ayisticmaalayaan.

Wabilaahi Tawfiiq

Ahmed Ibrahim

Qurbajooga Subeer Awal North America