Beeneyn: Guddiga Ololaha Qurbajooga ee Xisbiga Kulmiye

 


Waxaanu qoraalkan ku cadaynayanaa kuna beenaynaa annagoo ah dhammaan muwadiniinta reer Somaliland ee hoos ku xusan in lanaga been sheegay, laguna buuxsaday  magacyadaya da iyadoon wax ruqsada ahna loo helin u ololaynta xisbiga Kulmiye.

Waxaannu aad uga xunahay in Guddiyo loo abuuray xisbigan iyadoon wax ogaal, ama wada tashi ah aan la ogaysiin dadkan hoos ku qoran ee la iskaga buuxsaday guddiga ololaynta  qur baha ee xisbiga Kulmiye.

Waxaanu faraynaa dhamaan xubnaha iyo maamulka xisbigan inay ka taxadaraan ku kacidda falalkan aan sharci ahayn. Waxaa mar labaad aanu beenaynayaa inaanan ka mid ahayn  gud diga ololaha qurbajooga Kulmiye anagoo kala ah:



Prof. Mohamud Muumin
Xasan Ali Wayd
Fadxiya Jama
Xuseen Ducaale
Saleebaan H. Cige

 


hassanwayd@yahoo.com