ٱلَّذِينَ إِذَآ أَصَـٰبَتْهُم مُّصِيبَةٌ قَالُوٓا۟ إِنَّا لِلَّـهِ وَإِنَّآ إِلَيْهِ رَٰجِعُونَ


Baroordiiq

Waxan halkan baroordiiq uga dirayaa, ehelada, asxaabta, ciidamada qaranka- gaar ahaanna guutada 17naad- iyo guud ahaanba qaranka Somaliland ee ay ka baxeen labadii sarkaal ee askarigu sida badheedhka ugu toogtey Qorulugud.
Ilaahayna waxan uga baryayaa, in uu labadoodaba ka waraabiyo durdurrada jannada.

Waxa kale oo aan halkan uga ducaynayaa, isla markaasina jecelahay in aan la qaybsado dhibta iyo dhaawaca soo gaadhey; dadweynaha reer Gabiley ee shalay iyaga oo bannaanbax nabadgelyo ah dhigaya askarta loo dalbaday!

Wixii aan arrintaa ka odhan lahaa ee aan ku odhan lahaa : xukuumadda, xisbiyada mucaaridka, dadweynaha sharafta leh ee reer Gabiley iyo Awdal; waxa ii yidhi- Ilaahay khayr ha siiyee- walaalkay Yuusuf Budle iyo abtigay Meecaad. Sida awgeed, wax kale ka odhan maayo ee waxan la qabaa labadaa mudane!
Waxanse laba erey ku odhanayaa, madaxweyne Siiraanyo iyo taliyaha ciidanka.
Mudane madaxweyne, beryahanb waxay dadweynuhu isweydiinayaan; su'aal jawaab loo la' yahay oo ah: ' Dalka yaa xukuma? Taasi waa jawaab lagaa sugayo oo aanay cid kale ka jawaabi Karin!
Raganimaduna ma aha, in aad xal raadisid marka ay arrintu dhacdo ama ay faraha ka baxdo ee ay fagaaraha timaddo!

Waxanan talo ahaan kuugu soo jiidinayaa:

Qufac aad daweeysaa
ayuu qaaxo kugu noqon!

Qofkaan awrka kuu furin
qalabkiisa yuu rarin

Qolo aad la shawrtaa
ayay qaranka baabi'in

Qabrigaagu yuu guban
sidii qowlal weynaha!

Taliya ciidamadana waxan leeyahay, waxa laga yaabaa; in aad dadaashay oo aad u xusulduubtay:


Sidii aad arrinta u dejin lahayd
sidii ninkii gacan-ku-dhiiglaha loo soo qaban lahaa
sidii Eebbe ha u naxariistee labadii sarkaal meydadkooda loo soo qaadi iyo wixii la mid ah.

Waxase ku seegtay, haddii ay kuu suurtogeli waayeen arrimihii aad wadatey- siday doontaba ha ku dhacdee- in aad eheladoodii meydadka gacanta u gelisid! Waxa kale oo ku seegtay, in aad derajadaada la aastid meydadkii saraakiisha oo aad is casishid!

Dheg buu ruuxu leeyahay
Dhawrashada ku magac lee

Dhiriqdii ku gaadhaa
Dharka way hallaysaa

Dhandhamada Allaa qoray
ee dhareerkaaga lama jaqo!

Wa bilaahi At-towfiiq

C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com