BARO OO KA BOGO  Q-49aad

 

 

ASCWW, salaantaasi Islaamka iyo hambalyada ciidda marka aad guddoontaan kaddib, ku soo dhaw aada su'aal diini ah.

Su'aasheenna maantuna waxay tahay:

Sidee ayaa loo halaagey reer Caad oo ahaa ummaddii loo diray, nabi Huud?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 


Reer
Caad oo caan ku ahaa waaweyni iyo quwad jidheed, waxa Ilaahay (sw) ku halaagey; duufaanno iyo dabaylo ku socdey, toddoba habeen iyo siddeed maalmood.

Fiiro gaar ah: akhri bilowga suuratulxaaq ama Alxaaqah - si aad u fahamtid arrintan!
 


BARO OO KA BOGO  Q-48aad

 

 

ASCWW, salaantaasi marka aad guddoontaan kaddib, ku soo dhawaada su'aal diini ah.

Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:

Kumuu ahaa nabigii Ilaahay ku imtixaanay xanuunka iyo dhibaatooyin kalaba ee ku samray. Markii dambana Ilaahay dhibaatooyinkii oo dhan ka qaaday - markii uu Ilaahay baryay?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

 

Nabigii Ilaahay (sw) ku imtixaanay cudurka iyo dhibaatooyinka kalaba ee ku samray ee Ilaahay ka dulqaaday, wuxu ahaa; nabi Ayuub (cs).
 

 


BARO OO KA BOGO  Q-47aad

 

 

ASCWW, Salaan kaddib, walaalayaal ku soo dhawaada su'aal kale oo diini ah.
Su'ssheenna maantuna waxay tahay:

 

Maxay ahayd naanaystii ama magacladhniinkii nabi Ibraahiim (cs)?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

 

Magacladhniinkii nabi Ibraahiim wuxu ahaa; Khaliilulaah. Waana sababta magaca Khaliil loogu ladho, inanka loo bixiyo; Ibraahiim.

 


BARO OO KA BOGO  Q-46aad

 

 

ASCWW, salaantaasi marka aad guddoontaan kaddib, ku soo dhawaada akhristayaal su'aal kale oo diini ah.

Su'aasheenna maantuna waxay tahay:

Maxay ahayd
mucjisadii la siiyey nabi Ciise (cs)?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 


Mucjisadii Ilaahay (sw) uu siiyey nabi Ciise (cs), waxay ahayd; waxyaabo ka yaabiyey dadkii xilligiisii joogey oo ay ka mid ahaayeen:

1. daweyntii waxyaabihii ay dhakhtaradu daweyn kari waayeen oo ay ka mid ahayeen: barasta, indho la'aanta iyo wixii la mid ah! Kuwaasi oo inta uu gacanta maraiyo (masaxo) ku bogsan jirey amarka Eebbe!
2.Waxa kale oo uu amarka Alle ku soo noolayn jirey, kuwo dhintay oo ay ula yaabi jireen - intoodii waxgaraneysey. Isku soo duuboo, waxa Ilaahay siiyey; waxyaabo caqligii iyo cilmigoodiiba ka biyeeyey ama ka guuleystey!


 


BARO OO KA BOGO  Q-45aad

 

 

ASCWW, salaantaasi marka guddoontaan kaddib, walaalayaal ku soo dhawaada su'aal kale oo diini ah.

Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:

Nabigii dhalay nabi Sulaymaan (cs), kuma ayuu ahaa?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

 

  Nabi Sulaymaan (cs) waxa dhalay nabi Daa'uud (cs).

 


BARO OO KA BOGO  Q-44aad

 

 

ASCWW, Salaantaasi kaddib, akhristayaal ku soo dhawaada su'aal kale oo diini ah.
su'aasheenna maantuna waxay leedahay:

Kumuu ahaa nabigii awoodda badan Ilaahay siiyey ee xataa dabaysha loo carbiyey?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

 

Nabigaasi Ilaahay (sw) awoodda dheeraadka ah siiyey, wuxu ahaa nabi Sulaymaan (cs).

 


BARO OO KA BOGO  Q-43aad

 

 

ASCWW, salaantaasi kaddib, waa su'aal kaleoo diini ah ee walaalayaal ku soo dhawaada.

Su'aasheennan maantuna waxay leedahay:

Rasuulkii ugu muddada dheer rusushu kumuu ahaa? Waxaynnu u jeednaa, rasuulkee ayaa dhinaca dacwadda ama fidinta diinta ugu muddo dheeraa?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

 

Rasuulkii ugu muddada dheeraa, wuxu ahaa nabi Nuux (cs)

 


BARO OO KA BOGO  Q-42aad

 

 

 ASCWW, nabad iyo naxariista Eebbe ayaan walaalayaal idinku salaamayaa. Intaasi kaddib, ku soo dhawaada su'aal kale oo diini ah.

Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:

Sheeg magaca nabigii ku guuleystey, in uu koriyo
Maryam bintu Cimraan oo ahayd nabi Ciise (cs) hooyadii?
 

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 


Nabigii ku guuleystey korinta
Maryam Bintu Cimraan - markii loo qorituurtay- wuxu ahaa, nabi Sakariye (cs).

 


BARO OO KA BOGO  Q-41aad

 

 
ASCWW, salaantaasi Islaamka kaddib, walaalayaal ku soo dhawaada su'aal kale oo ka mid ah su'aalaheennii diiniga ahaa.

Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:

Kumuu ahaa nabigii nibirigu liqay ee Ilaahay (sw) ka badbaadiyey?
 

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

 

• Nabigii uu nibirigu liqay ee Ilaahay (sw) ka badbaadiyey, wuxu ahaa nabi Yuunis (Yoonis) caleyhi salaam.
 


BARO OO KA BOGO  Q-40aad

 

ASCWW, salaantaasi kaddib, walaalayaal ku soo dhawaada su'aal kale oo ka mid ah su'aalaheennii diiniga ahaa.

Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:

Kumuu ahaa
nabigii Ilaahay (sw) u soo saaray biyaha Samsamka isaga iyo hooyadii?

 


 

JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

 

Nabigii isaga oo yar Ilaahay (sw) biyaha Samsamka u soo isaga iyo hooyadii, wuxu ahaa; nabi Ismaaciil (cs). Hooyadiina waxa la odhan jirey, Haajar ama Haajarah.

 


BARO OO KA BOGO  Q-39aad

 

 
ASCWW, salaantaasi kaddib, waa su'aal kale oo ka mid ah su'aalaheennii diiniga ahaa ee ku soo dhawaada.

Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:

Sheeg laba mucjiso oo ka mid ah, mucjisooyinkii Ilaahay (sw) uu siiyey; nabi Muuse (cs)?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 


Mucjisooyinka la siiyey
nabi Muuse (cs) way badnaayeen. Waxase ugu caansan, labadan:

1. Ushiisii maska ama abeesada noqon jirtey
2. Iyo gacantiisii marka uu gosha geliyo, caddaan jirtey; iyada oo aan baras iyo balo kale toona qabin!

Ku darsoo wuxu ahaa,
rasuulka keliya ee Ilaahay (sw) toos ula hadla!
 


BARO OO KA BOGO  Q-38aad

 

 

ASCWW, salaantaasi kaddib, walaalayaal ku soo dhawaada su'aal kale oo diini ah.

Su'aasheenna maantuna waxay tahay:

Sheeg magacyada
lix nabi oo ah, inan iyo aabbihii - macnaha lababa is dhashay?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

 

Anbiyada (nabiyada) is dhalay way badan yihiin. Waxaynuse tusaale u soo qaadan doonnaa, kuwan hoosta ku xusan oo kala ah:

1.
Nabi Ibraahim iyo inankiisii Ismaaciil
2.
Nabi Sakariye iyo inankiisii Yaxye
3.
Iyo nabi Yacquub iyo inankiisii Yuusuf

Waxaynu leenahay, dhammaantoodba nabadgelyo iyo naxariista Eebbe dushooda ha ahaato. Aamiin Allahayoow.


 


BARO OO KA BOGO  Q-37aad

 

 

ASCWW, salaantaasi Islaamka kaddib, waa su'aal kale oo ka mid ah su'aalaheennii taxanaha ahaa ee ku soo dhawaada.

Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:

Ummaddii
(Qowmkii) reer Samuud (Thamoud), rasuulkii loo diray; kumuu ahaa?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Rasuulkii loo diray reer Samuud, wuxu ahaa nabi Saalax (cs).

 


BARO OO KA BOGO  Q-36aad

 

ASCWW, salaan kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal su'aal kale oo diini ah.
 
Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:
 
Kuwama ayaa ahaayeen labadii rasuul ee iyaga oo da' ah (gaboobey), Ilaahay weydiistey ubadku ama dhashu?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 


Labadii rasuul ee Ilaahay iyaga oo da' ah uu carruurta siiyey, waxay kala ahaayeen:

1. Nabi Ibraahim (cs) iyo
2.
Nabi Sakariye (cs)


 

 

BARO OO KA BOGO  Q-35aad

 

 
ASCWW, salaantaasi Islaamka kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal su'aal kale oo diini ah.
Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:

Ummaddii (Qowmkii) loo diray nabi Huud maxaa la odhan jirey? Sideese loo halaagey?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 


Qoladii loo diray
nabi Huud waxa la odhan jirey, reer Caad. Waxana lagu halaagey, dabaylo iyo duufaanno ku socdey; muddo toddobaad ah.

Ka akhriso sheekadan bilowga Suutul-xaaq.
 

 


BARO OO KA BOGO  Q-34aad

 

 

 ASCWW, salaantaasi kaddib, walaalayaal ku soo dhawaada su'aal kale oo diini ah.
Su'aasheenna maantuna waxay tahay:

Kumuu ahaa rasuulkii Ilaahay ka codsaday, in walaalkii lagu xoojiyo oo nabi laga dhigo walaalkiina?
 

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

 

Rasuulkii Alle ka codsaday, in walaalkii lagu xoojiyo oo nabi kaaliya looga dhigaa; wuxu ahaa nabi Muuse (cs). Waxana kaaliye looga dhigay, walaalkii Haaruun (cs).

 


BARO OO KA BOGO  Q-33aad

 

 

 ASCWW, salaantaasi kaddib, ku soo dhawaada su'aal kale oo ka mid ah su'aalaheennii diiniga ahaa.
Su'aasheennan maantuna waxay leedahay:

Sheeg gabadh nabi dhalay oo nabi kale u dhaxday ( u guursadey)?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

 

Gabadhaasi uu nabigu dhalay ee uu nabina guursadey, waxay ahayd; gabadhii ina nabi Shucayb (cs) ee uu guursadey, nabi Muuse (cs)

 


 

BARO OO KA BOGO  Q-32aad

 

 

ASCWW, salaantaasi kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal su'aal kale oo ka mid ah su'aalaheennii diiniga ahaa.

Su'aasheenna maantuna waxay tahay:

Imisa wiil ayuu dhalay nabi Yacquub (cs)?
 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

 

Nabi Yacquub (cs) wuxu dhalay, laba iyo toban wiil. Sidaasina waxay ku caddahay, siirada iyo tafsiirka Qur'aankaba.

 


BARO OO KA BOGO  Q-31aad

 

 
 
ASCWW, Salaantaasi kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal su'aal kale oo diini ah.
Su'aasheenna maantuna waxa tahay:
 
  • Sheeg nabi ku abtirsada saddex nabi oo kale?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Nabigaasi ku abtirsada saddexda nabi, waa nabi Yuusuf (cs). Saddexda nabi ee uu ku abtirsadaana waa:
Nabi Yuusuf (cs) waa ina Yacquub, Yacquubna waa ina Isxaaq, Isxaaaqna waa in Ibraahiim. Dhammaantoodba nabadgelyo iyo naxariista Eebbe korkooda ha ahaato. 

 

 

 

 




QORMOOYINKII HORE

BARO OO KA BOGO  Q-1aad

 

 

ASCWW, salaantaa Islaamka kaddib, maanta laga bilaabo illaa inta Alle innagu simo; waxaynnu wax iskaga sheegi doonnaa oo aynnu qaab su'aal iyo jawaab ah ka dhigi doonnaa; siiradii rasuulkeenna Muxamed (NINKHA).

Su'aasheenna koobaadna waxay tahay:
  • Taariikh ahaan, maxaa loo yaqaanney sannadkii uu nabigeennu (naxariista Eebbe dushiisa ha ahaatee) u dhashay? Si kale haddii aynnu nidhaahno, maxaa la odhan jirey sannadkaasi?

 


 

JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

 

Sannadkii uu rasuulkeennu (NINKHA) dhashay, waxa loo yaqaanney; sannadkii Maroodiga ama caamul-fiil. Ereyga Fiil oo Carabi ahi, wuxu la macno yahay afsoomaaliga; Maroodi.

Sannadkaasi waxa loogu bixiyey sannadkii maroodiguna wuxu ahaa, sannadkii ciidanka Xabashida oo maroodiyo fuushani ku soo duuleen; Kacbada

 


BARO OO KA BOGO  Q-2aad

 

 

ASCWW, bariido kaddib, walaalayaal ku soo dhawaada su'aal ka mid ah su'aalaheennii diiniga ahaa. Su'aasheenna maantuna waxay leedhay:
 
  • Imisa jir buu nabigeennu (NINKHA) ahaa, markii uu aabbihii dhintay?

 

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

 

Rasuulkeennu (NINKHA), dhawr bilood ayuu uurka hooyadii ku jirey; markii aabbihii Cabdullaahi gee riyoodey. Waana sababtoo uu kula baxay naanaysta ah, Yatiim (agoon).

 


BARO OO KA BOGO  Q-3aad

 

 

ASCWW, nabad iyo caano iyo cimri dheer ayaan akhristayaal Ilaahay idiinka rajeynayaa.
Intaasi kaddib, ku soo dhawaada su'aasheenna maanta oo leh:

Ayaa u bixiyey magaca Muxamed, rasuulkeennii suubanaa?

 


 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

 

Magaca Muxamed, waxa nabigeenna (NINKHA) u bixiyey; awowgii Cabdimudalib oo ahaa awowgii aabbo.

 


BARO OO KA BOGO  Q-4aad

 

 

ASCWW, salaantaasi kaddib, ku soo dhawaada su'aal kale oo ka mid ah su'aalaheennii diiniga ahaa ee aynnu beryahanba soo wadney.

Su'aasheenna maantuna waxay tahay:
  • Tumaa la odhan jirey rasuulkeenna (CSW) hooyadii?

 

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

 

Magaca rasuulkeenna Muxamed hooyadii waxa la odhan jirey, Aamina Bintu Wahab.


BARO OO KA BOGO  Q-5aad

 

 

ASCWW, salaantaasi kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal su'aal kale oo diini ah.
Su'aasheenna maantuna waxay tahay:
  • Ayaa koriyey oo Kafaala qaaday rasuulkeenna Muxamed (CSW) - oo weliba xilkiisii oo dhan dhabarka u ritey, kaddib markii uu aabbihii Cabdullaahi dhintay?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Geeridii aabbihii kaddib, waxa xilkii iyo xannaanadii rasuulkeenna (csw) la wareegay; awoowgii Cabdimudalib oo ahaa awoowgii aabbo

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-6aad

 

 

ASCWW, salaantaasi Islaamka marka aad dhammaantiin gjuddoontaan kaddib, waa su'aal kale oo diini ah oo ka mid ah kuweenni taxanaha ahaa. 
Su'aasha maantuna waxay tahay:

Tuma ayaa la odhan jirey, haweenaydii rasuulkeenna (csw) naaska jaqsiisey ee reer  baadiyaha ah ayd?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Haweenaydii reer miyiga ahayd ee rasuulkeenna Muxamed (csw) naaska jaqsiisey, waxa la odhan jirey; Xaliimatu-Sacdiyah.

Wuxuna la joogey muddo afar sano ah - inkasta oo la isku khilaafsan yahay oo ay jiraan muddooyin kale oo la sheegay.

Allaa xaqiiqda og.

 


BARO OO KA BOGO  Q-7aad

 

 

ASCWW, salaantaasi kaddib, ku soo dhawaada su'aal kale oo diini ah.
Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:
  • Imisa jir buu rasuulkeennu (csw) ahaa markii ay hooyadii dhimatay?
     

 


 

JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Markii ay hooyadii dhimatay, rasuulkeenna Muxamed (NINKA)  da'diisu waxay ahayd, lix jir.

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-8aad

 

 

ASCWW, Salaantaasi kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal su'aal kale oo ka mid ah; su'aalaheennii diiniga ahaa.
Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:

Imisa jir buu ahaa rasuulkeennu (scw) markii uu geeriyoodey, awoowgii Cabdimudalib?


 

 


 

JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Rasuulkeennu (scw) wuxu jirey siddeed sannadood markii uu dhintay awoowgii Cabdimudalib.

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-9aad

 

 

ASCWW, salaantaasi kaddib, waa su'aal kale oo ku saabsan sooyaalkii rasuulkeenna Muxamed  (csw). Su'aasheenna maantuna waxay tahay:

Rasuulkeennu (csw) muxuu qaban jirey, markii uu yaraa?

 

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Rasuulkeennu (NINKHA) wuxu dadka u raaci jirey adhiga oo wuxu ahaan jirey; adhijir ( shepherd). Markii dambe ee uu kuray xooglaha noqdayna, safarrada tagaya dhulkii Shaam la odhan jirey ayuu raaci jirey. Markii dambe ee uu doobka noqdayna, wuxu ganacsigeeda ka shaqayn jirey, gabadh gadisley ahayd oo reer Maka ahayd.

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-10aad

 

 

ASCWW, salaantaasi marka aad guddoontaan kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal su'aal kale oo ku saabsan; sooyaalkii rasuulkeenna Muxamed (csw).
Su'aasheennu maanta waxay leedahay: 
  • Imisa jir buu ahaa rasuulkeennu (NINKHA) markii uu guursaday?

 

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Rasuulkeennu (csw) shan iyo labaatan jir buu ahaa, markii ugu horreysey ee uu guursadey.

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-11aad

 

 

ASCWW, salaantaa Islaamka kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal su'aal kale oo ku saabsan; sooyaalkii nabigeenna Muxamed (csw).
Su'aasheennu waxay maanta leedahay:

 
  • Tuma ayaa la odhan jirey ooridii (xaaskii) ugu horreysey ee rasuulkeenna Muxamed (NINKHA)?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Xaaskii ama ooridii ugu horreysey ee rasuulkeennii Muxamed guursado, waxa la odhan jirey; Khadiija Bintu Khuweylad (radiya Laahu canhaa).

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-12aad

 

 

 

ASCWW iyo Ramadaan Mubaarak, walaalayaal marka aad salaan iyo barakada bisha Ramadaan guddoontaan; ku soo dhawaada su'aal kale oo ka mid ah; su'aalihii diiniga ahaa.

 
Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:
 
Imisa ubad (carruur) ah, ayuu rasuulkeennu (csw) dhalay? Imisa wiil iyo imisa gabdhood?

 

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Rasuulkeennii Muxamed (csw), wuxu dhalay toddoba carruur ah oo kala ahaa: afar gabdhood iyo sa ddex wiil.

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-13aad

 

 

Haweenaydii ugu horreysey ee uu  rasuulkeennu guursado, tumaa la odhan jirey? Imisa carruur ah ayaanay nabiga (CSW) u dhashay?

 

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Sidii aynnu horaba u soo sheegnay, haweenaydii ugu horreysey ee rasuulkeennu guursado; waxa la odhan jirey, Khadiija Bintu Khuweylad (rdlc). Waxayna rasuulka u dhashay, lix carruur ah oo ka mid ah toddobadiisii carruur ahaa ee aynnu hore u soo sheegnay.

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-14aad

 

 

Nabad iyo naxariista Eebbe dushiina ha ahaato, intaasi kaddib; ku soo dhawaada su'aal kale oo ka mid ah; su'aalaheennii diiniga ahaa.
Su'aasheennan maantuna waxay leedahay:
 
  • Carruurtii uu dhalay rasuulkeennu (csw), waxa jirey inan bah gooni ahaa. Inankaasi kumaa la odhan jirey? Tumaase dhashay?

 

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Inankii bah gooniga ahaa ee rasuulku (csw) dhalay, waxa la odhan jirey; Ibraahiim. Waxana dhasha y,gabadha la odhan jirey; Maariyatul-qibdiyah.

 

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-15aad

 

 

Ramadaan Mubaarik walaalayaal meel kasta oo aad joogtaanba. Bariidaasi kaddib, ku soo dhawaada su'aal kale oo siiradii rasuulkeenna (csw) ku saabsan.
Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:
 
  • • Ooriyihii (haweenkii) rasuulkeenna Muxamed (csw), marka laga eego dhinaca da'da; tumaa ugu yarayd? Kumaana dhalay ama ina ayo ayay ahayd?

 

 

 

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Haweenkii rasuulka (csw) waxa ugu da' yarayd, hooyadeen Caa'isha (rlc) oo ahayd; ina Abuubakar Sidiiq (rlc).

 

 

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-16aad

 

 

Ramadaan Mubaarak walaalayaal, bariidadaasi kaddib, waxaynnu halkii ka sii wadi doonnaa, su'aalaheennii diiniga ahaa.
Su'aasheennan maantuna waxay leedahay:
 
  • •  Sannadkii ay dhinteen rasuulka (csw) ooridiisii Khadiija (rdylc) iyo adeerkii Abu Daalib, maxaa loo yaqaannaa dhinaca siirada?

 

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

Sannadkaasi ay rasuulka (csw) ku dhaceen labadaasi geeriyood ee ku yimid adeerkii iyo ooridiisii Khad iija (rdylc), waxa taariikh ahaan loo yaqaannaa; sannadkii Murugada ama tiiraanyada ( Caamulx uzni). Waayo, rasuulku (csw) wuxu waayey oo ka dhintay, laba ruux oo hiil iyo hooba la garab taagnaan jir ey. 

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-17aad

 

 

Salaan iyo raxmadda Allah dushiinna ha ahaato. Intaasi kaddib, waa su'aal kale oo ka mid ah su'aala heennii diiniga ahaa ee ku soo dhawaada walaalayaal.

Su'aasheenan maantuna waxay leedahay:
 
  • Gabdhihii (hablihii) rasuulkeenna (csw), imisa ayaa guri yeeshay ama la guursadey?

 

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Gabdhihii uu rasuulkeennu (csw) dhalay, dhammaatood waa la guursadey oo carruur bay dhaleen. Inamadiise dhammaantood iyaga oo yaryar bay wada dhinteen.

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-18aad

 

 

ASCWW  iyo Ramadaan Mubaarak, walaalayaal waa su'aal kale oo ka mid ah su'aalaheennii diiniga ahaa ee innoo soo taxnaa.
Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:
 
  • Sheeg magacyada laba saxaabi oo guursadey gabdhihii rasuulkeenna Muxamed (csw)?

 

 

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

  • Labada saxaabi ee hablihii rasuulkeenna (csw) guursadey waxay kala ahaayeen:
  1. Khaliifkii 3aad ee khulafaa'u raashidiinka oo ahaa, Cusmaan ibnu Cafaan (rdlc)
  2. Iyo khaliifkii afraad oo ahaa, Cali bani Abiidaalib (rdlc).

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-19aad

 

 

ASCWW, Ramadaan Mubaarak walaalayaal. Waxaynnu halkii ka sii wada doonnaa, su'aalihii ku saabsanaa sooyaalkii Islaamka ee siirada rasuulka (csw). 
Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:

 
  • Imisa jir buu rasuulkeennu (csw) markii uu ka soo haajirey ama guurey magaalada Maka ee uu soo degey, magaalada Madiina?

 

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Rasuulkeennu markuu Maka ka soo haajirey wuxu ahaa, saddex iiyo konton jir. Waayo, markii waxyigu  ku soo degey; rasuulka (csw) da'diisu waxay ahayd, afartan jir. Makana wuxu  sii joogey, saddex iyo toban sannadood - intii aanu soo haajirin.

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-20aad

 

 

Ascww, Ramadaan Kariim. Ku soo dhawaada walaalayaal, su'aal kale oo diini ah.
Su'aasheennan maantuna waxay leedahay:
 
  • Asaxaabtii rasuulka (csw) ee reer Madiina laba qolo ama qaybood bay ahaayeen. Haddaba, waxad sheegtaa labadii magac ee la kala odhan jirey, labadaasi qolo?

 

 


 

JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Labadii qaybood ama qolo ee ay asaxaabtu ka koobnaayeen waxay kala ahaayeen: Muhaajiriin oo ahaa qolyihii ka yimid magaalada Maka iyo Ansaar oo ahaa qolyihii sii deganaa magaalada Madiina ee soo dhaweeyey una gargaarey qolyihii ka soo guurey Maka.

 

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-21aad

 

 

ASCWW, salaan iyo hambalyada ciidda innagu soo foolle marka aad guddoontaan, ku soo dhawaada walaalayaal su'aal kale oo ku saabsan siiradii rasuulkeenna Muxamed (csw).

 
Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:
  • Sheeg afar dagaal (Qaswo) oo waaweyn oo uu rasuulku (csw) ka qayb qaatay?

 


 

JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

  • Afar dagaal oo waaweyn oo rasuulkeennu (NINKHA) uu ka qaybgalay waxay kala ahaayeen:
  1. Dagaalkii Bader 
  2. Dagaalkii Uxud
  3. Dagaalkii  Khandaq
  4. Iyo fatxu Makah ama furashadii Maka.
     
Waxa kale oo aad sheegi kartaa, afarta kale ee aad doontid.

 

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-22aad

 

 

Ciid Mubaarak walaalayaal meel kasta oo aad dunida ka joogtaanba. Kuna soo dhawaada su'aal kale oo xiiso leh.
Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:
 
  • Afartii khaliif ee loo yaqaanney Khulafaa'u Rashidiinka, kuma ayaa ugu xukun dheeraa ama muddada uu xilka muslimiinta hayey ugu dheerayd?

JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Khaliifka ugu muddada dheeraa - dhinaca xilka- ee khulafaa'u  Raashidiinku wuxu ahaa, Cumar Bani Khadaab (rdlc).

 

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-23aad

 

 

Ciid Mubaarak walaalayaal, waa s'aal kale oo ka mid su'aalaheennii diiniga ahaa. Su'aasheennan maantuna waxay leedahay:
  • Imisa soom oo faral ah ayuu rasuulkeennu (ninkha) soomay? Ama imisa sannadood ayuu rasuulku soomay soonka bisha Ramadaan?
     

 

JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 


 
  • Rasuulkeennu (ninkha) wuxu soomay sagaal soon oo faral ah.

 


BARO OO KA BOGO  Q-24aad

 

 

Imisa jeer ayuu rasuulkeennii Muxamed (csw) soo xajiyey intii uu noolaa?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Rasuulkeennii Muxamed (csw) mar keliya ayuu weligii xajiyey. Xajkaasi waxa loo yaqaannaa; xajkii sagootiga ama dardaaranka ( xajatuwadaac).

 


BARO OO KA BOGO  Q-25aad

 

 

ASCWW, Salaantaasi Islaamka kaddib, ku soo dhawaada su'aal kale oo ka mid ah; su'aalaheennii diiniga ahaa.
Maanta laga bilaabana, waxaynnu diiradda saari doonnaa; su'aalo la xidhiidha
Anbiyada - gaar ahaanna inta Qur'aanka la innoogu sheegay.

Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:

Kumuu ahaa nabigii ugu horreeyey?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Nabigii ugu horreeyey ee ifka lagu arkaa wuxu ahaa, aabbaheen Aadam (cs).

 


BARO OO KA BOGO  Q-26aad

 

 

ASCWW, salaan kaddib, waa su'aal kale oo ka mid ah su'aalaheennii diiniga ahaa.
Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:
  • Kumuu ahaa rasuulka loo yaqaanno aabbaha anbiyadu? Maxaase magacaasi loogu bixiyey?

JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Rasuulka loo yaqaanno aabbaha anbiyadu, waa nabi Ibraahim (cs). Sababta loogu bixiyeyna waxay ahayd, dhammaan rusushii isaga ka dambeysey; waxay ahaayeen tafiirtiisii.

 

 


BARO OO KA BOGO  Q-27aad

 

 

ASCWW, Salaantaasi kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal su'aal kale oo mid ah su'aalaheennii diiniga ahaa.

Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:
  • Imisa wiil ayuu dhalay, nebigeennii Ibraahiim (cs)? Sheeg magacyadood, haddii aad garanaysid?

 


 

JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

  • Nabigeennii Ibraahim (cs) wuxu dhalay, laba wiil oo kala ahaa:
  1. 1. Nabi Ismaaciil (cs) iyo
     
  2. 2. Nabi Isxaaq (cs)

Fiiro gaar ah: Labadoodaba wuxu dhalay, isaga oo gaboobey oo da' ah.

 


BARO OO KA BOGO  Q-28aad

 

 

ASCWW, salaantaasi kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal; su'aal kale oo ka mid su'aalaheennii diiniga ahaa.

Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:
  • Nabi Ismaaciil (cs) hooyadii tumaa la odhan jirey?

 


 

JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Nabigeennii Ismaaciil (cs) hooyadii waxa la odhan jirey, Haajar - inkasta oo ay dad badani u yaqaa nnaan; Haajarah.

 


BARO OO KA BOGO  Q-29aad

 

ASCWW, Salaantaasi kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal su'aal kale oo ka mid ah su'aalihii diiniga ahaa ee aynnu beryahanba soo wadney.
Su'aasheennan maantuna waxay leedahay:
 
  • Nabi Isxaaq (cs) oo ina Ibraahiim (cs) ahaa, tumaa dhashay?

 

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

  Nabi Isxaaq (cs) hooyadii waxa la odhan jirey, Saara(h). Waxayna ahayd, haweenaydii malaa'iktu ugu bushaaraysey; in ay wiil dhali doonto - iyada oo da' ah oo ay iyada nabi Ibraahiim (cs) gaboobeen.



 


BARO OO KA BOGO  Q-30aad

 

 

ASCWW, salaantaasi Islaamka kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal su'aal kale oo diini ah.
Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:

• Naanaystii nabiyulaahi Yacquub; maxay ahayd? Ama sheeg naanaystii nabi yacquub (cs)?

 


JAWAABTA SU'AASHENII SHALAY

 

 

Naanaystii nabi Yacquub (cs), waxa la odhan jirey; Israa'iil.