Gudoomiyaha Gudida Horumarinta G.Gabiley oo Deeq Lacage ed soo
Gaadhsiiyay Cabdi Muxumed oo ah Nin Mucjiso ah oo Wajaale ku
Dhibaataysan.

Tog-wajaale (TNN)-Gudoomiyaha
gudida horumarinta Gobolka Gabiley ayaa shalay soo gaadhsiiy
ay deeq lacageed Cabdi Muxumed Aw Xasan oo ah Nin Mucjiso ah, Indho
la,aan iyo Dhago la,aani isugu biirtay isla markaana lugaha wax ka
qaba, Maqalkii dhagahana illaahay Amarkii loogu badal ay inuu
Baabacooyinka Gacmaha wax ka Maqlo.
Kulanka Deeqdaasi oo ay Goob joog ka ahaayeen Mustafe C/kariin Cali
(Mustafe Future) iyo Kha dar Cabdi Muuse oo ka mid ah Maamulka
Shabakadda Wararka ee Gabiley News iyo
Timacade News, waxay Ku wareejiyeen
$300 oo ay soo direen
Jaaliyada reer Somaliland ee
Finland, waxa kale oo iyana isla shalay soo gaadhay
$181 oo ay soo kala direen:
Hodan Maxamed Cirro
$50
Rashiid Xasan Ibraahin
$50
Cumar Looyar $81
Isku gayn Deeqdaasi waxay dhantahay $481 oo ay ku Caawiyeen
walaalkooda dhibaataysan oo aan lahayn Cid iyo ciirsi toona.
Sh.Maxamuud Yuusuf X.Cabdi ayaa ugu Baaqay bulshada reer Somaliland,
Dhamaan Dadka musli miinta ah ee Awoodi kara inay wax taraan
Ninkaa mucjisada ah ee Miskiinka ah, ee ku dhibaatay san
Degmada Wajaale inay illaahay Dartii u soo caawiyaan, kaasi oo uu
sheegay in aanu haysan Xataa hoy (Guri) Rasmi ah uu ku noolaado, cid
qaraabo ah oo wax siisa, sidaa darteed umadda muslimiinta ahi gacan
qabtaan.
Sh.Maxamuud waxa kale oo uu sheegay in Mucjisadani tahay mid lagu
cibro qaato, isaga sheegay inaanu rumaysnayn markii hore in ninkani
Gacanta wax ka maqli karo balse markii uu tijaabiyay u u aad
ula yaabay mucjisooyinka illaahay ku sameeyay adoonkaasi.
Axmed Muxumed oo ah nin ay walaalo yihiin oo isagu ah ninka kaliya
ee haya ninkaa mucjisada a h, cuntadana u kariya ayaa sheegay
in uu ku dhibanyahay meesha, aanu ushaqo tagi Karin walal kii
oo laxaad la, mar walbana u baahan garab iyo cid la joogta, waxaanu
bulshada muslimiinta ah ka Codsaday Bisha barakaysan ee Ramadaan in
Illaahay Dartii wax loogu qabto.
Cabdi Maxamuud Aw Xasan ,waa nin dhalinyaro ah oo laxaadka Aragga
iyo Maqalkaba beelay is agoo 7 sanno jira.Taa waxaa u dheer,
in dhammaan qosyskoodii aabihii,hooyadii ,walaalihii ,ay ge
eriyoodeen, kana nool yihiin oo keliya isaga iyo inanka walaalaha ay
yihiin ee immika isaga gacan ta ku haya, walaw walaalkiina uu
yahay nin iska dhibaataysan , oo isaguba gar gaar u baahan. Cabdi
waxaa uu wax ka maqalaa Baabacooyinka Gacmaha marka aad afka saarto
gacantiisa ayaa uu gaadhayaa hadalkaagii, taasi oo ilaahay ugu
Badalay Maqalkii dhagaha. Waa arin illaahay sab abay waana
Mucjiso ku Cusub Gayiga somalida.
Ilaahay subxaana watacaale, nimcooyinka uu inna siiyey waxaa ka mid
ah lixda laxaad, markaan dhexdeenna isku gar gar gaarnana, wuxuu
inoo fidinayaa nimcooyinkiisa faraha badan een la qiy
aasimkarin.
Hadii Aad Rabto inaad la xidhiidho Ama Aad wax tarto Ninkaa
miskiinka ah fadlan kala xidhiidh Telephonadan hoos ku qoran:
002522-4423109 ama 002522-4464004.
Mustafe Future
Timacade News Network (TNN)
mccfuture@hotmail.com
Hargeisa/Somaliland.
|