BARNAAMAJKA KULMIYE IYO ASTAANTA KULMIYE
CODKAAGA KU CIIL BAX Q 24
Ahmed Arwo

 

Hor iyo horaan aan hanbalyo iyo bogaadin u gudbiyo Komishanka Doorashooyinka ee soo afjaray  c aqabadihii horjoogay doorashada una noqday marmarsiiyo doorasho diidka Soomaliland. Haddaba waxaan leeyahay waxaad muujiseen daacadnimo, hawlkarnimo iyo geesinimo aydaan xilkiina uga  b aqan darafyada ku loolamaaya hogganka dalka, eegayna danta qaranka iyo badbaadada ummadda. Waa xil idiin gaara ilaa imikana waxaad muujiseen xilkasnimo, Alle waxaaan idinka baryayaa inaydun inta hadhsana sidoo kale ku qaabishaan. Dariiqa aad raacdeen eed taladiina ka yeesheen mid aan ka taganayn la-tashiga bulshada bal se aan go'aanka leydinla yeelani waa dhabbo xalaal ah oo nin kasta oo daacad ihi arki karo. Ha ka leexanina, noqdana qaar magacoodu ka galo taariikhda dhinaca midigta. Weli hawli ma dhammaan, indhaha ummadduna dushiina ayey saran yihiin. Alle haydinla  qa bto hawsha inta idiin hadhsan.

Inta aanan gudagelin dulucda maqaalka, aan wax ka idhaahdo hab-dhaqan isa soo taraaya oo loo fahmay in been abuur iyo ceebeyni tahay xeelad siyaasadeed oo lagu adeegto. Waxa xaqiiq ah in beentu tahay aafo bulshada baabiisa, una horseeda dhaqan xumo ku dambeeya musuqmaasuq iyo cadaald darro. Ma cimri dheera, kolka la ogaadana waxay u keentay kii maciinsaday wajigabax iyo guul darro culus. Waxay dhalisaa in laga aamin baxo oo waa tii la yidhi beentaada hore, runtaada dambe ayey wax yeeshaa. Islaamkuna waxuu u arkaa dambi culus iyo masiib laga digtoonaado. Ras uulkeenu SCW waxuu sheegay in muslimku dambiyo badan fali karo, bal se aanu noqon Karin  been aale. Ilaa xadkaas ayey dambi ahaan culustay. Waa aafo dagaal dhalin karta, bulshada u horseedi karta baa'ba iyo burbur.

Waxa xaqiiq ah in siyaasaddu tahay xeelad iyo xerfad la barto oo leh mabaadii asaasi ah. Waxa kow ka ah hogaamin-wanaag, dabci wacan iyo akhlaaq suuban, waxa taas qasab ka dhigta waxa ruuxa siyaasiga ahi rabaa inuu soo jiito dadweyne ay tahay inuu tuso wax ay ku soo hirtaan iyo qanac ay aaminaan. Waxa loo baahdaa waa aftahnimo qancin karta dadka oo uu ku soo bandhigi karo  damac iisa oo ka dhex muuqda danta guud ee dadweynah uu hogaankooda rabo. Waxa ka mid ah  sifooyin ka hogaaminta fiican: Dulqaadnimo, dabacsanaan, hawl-gudbin ( Delegation), Qorshe wacan, odor or, sahamin, xidhiidhiye, dhegaysi wacan, samir, tilmaam wanaag, aaaminaad, iyo ilaalinta wadajirka kooxdiisa, (Teamwork), IYO AFTAHAN AAN AFMIISHAAR AHAYN.

Siyaasiinta Afrika weliba kuwa aqoonta yarI waxay si toos ah oon gabad lahayn been iyo balan soo noqnoqda ayey sheegaan, waayo xerfad siyaasadda ayaa marti ku ah. Ma suurtagasheen inay  xuk uumaddaasi dal horumaray ay xukunto maamul looga bartay been iyo balan la'aani. Ma laha  barna amaj iyo qorshe ay dadweynaha soo hordhigaan. Waxay ka werwareegaan wax kasta oo qoraal ah, xataa ma laha ajende iyo go'aamo ka soo baxa shirarka kala gedisan ee ay qabtaan .

BARNAAMAJKA XISBIGA

Waxa adag si ay mucaaridku u helaan xog ay ku saleeyaan barnaamaj ay dadka ka iibiyaan ooy  tu saan sida ay uga duwan yihiin kuwa hoggaanka haya. Dal aan lahayn xarun laga helo tirokoobyada (Statistics) maamul dawladeed u baahan yahay, sida tirada dambiyada sanadkii oo kala nooc ah, iyagoo gobalaysan, sidoo kale ardayda, waxbarashada khraska ku baxa gobol kasta iyo degmo  kas ta, caafimadka, dakhliga iyo khrashak hay'ad kasta. iwm.

Taas oo jirta ayuu Kulmiye ku guulaystay inuu ummadda u soo bandhigo barnaamaj buuxa oo  taab ta hawl kasta oo dalku u baahan yahay, min caafimaad iyo difaaca, waxbarasho, beero, kalluumeys iga, kheyraadka kale, xoolaha, dhirta, warbahinta, kor-u-qadka garsoorka iyo dhammeystirka  dast uurka iyo geedi socodka dimuquraadiyada.

Barnaamajka xisbigu waxuu ku salaysan yahay xuuran iyo baadhis culus oo muddo dheer qaadatay, ayna ka qayb qaateen aqoonyahano ku xeel dheer qaybaha ay ka hawl galeen. Waxuu yahay murti laga soo uruuriyey rayiga taageerayaasha oo ka turjumeysa rabitaanka bulshoweynta. Waxaa  sal dhig u ah mabda' faca weyn ee wada-tashiga, waxaa aasaas u ah dastuurka qaranka, iyo  dhaabay aasha dimuquraadiyada.

Waxuu yahay tilmaam wacan oo laga dheehan karo sida hoggaanka xisbigu diiradda u saaray kala-horumarinta waaxyaha hawl-qabadka xukuumadda. Waxa ku cad sida isha loogu hayo tacliinta, caa fimaadka iyo arrimaha horumarinta dhaqaale iyo bulsho ee dadweynah. Intaas oo dhan waxa la soo qorsheeyey, iyadoon xog iyo xisabtan midna laga hayn xukuumadda, ay waajibkeeda ahayd inay bulshada ka dhergisu odoros miisaaniyadeed oo bileysan, gobalaysan, oo qaybaysan, iyo tirkoobyo lagu muujiyo waxqabadka waaxaha wasaaradaha iyo hay'adaha, si loo arko halka ay mudnaanta siisay, ayna u helaan mucaaridku barnaaaj ka duwan oo ay tusaan dadweynaha, kaas u  suurageli naaya inay ku kala doortaan shacbiga ka dheregsan wax-qabad la'aanta xukuumadda iyo balamadii lagaga baxay.

Waana mid waajib ka dhigaaya dul saran dal dimuquraadi ah, oo ku arooraaya mabda'a in awood  k asta ay la socoto la-xisaabtan ( Authority and responsibility). Hab maamul-wanaaga waxaa udub-dhexaad u ah, daahfurnaan (Tranparency). Dalka taas laga waayaa waa dal u marti ah nidaam  mus uqmaasuq oo ragaadiya horumarka iyo dhismaha dhaqan, dhaqaale iyo bulsho ee dadweynaha. Waa furaha cadaalad darrada, kuna biyo shubta deganaansho la'aan iyo qalalaase joogta ah.

Anigoon gees garaacin, waxna ku talaalin aan idinku dhaafo barnamajka xisbiga ood ka heli karto kolkaad gujiso linkan:

https://docs.google.com/fileview?id=0B2ihL4hM00JYZjk2MDI0YjQtM2YyOS00ODZmLTgxNDItOTYzNDAxOGYwYWI1&hl=en_GB


Kulmiye maxuu kulmiyaa? Astaanta Kulmiye maxay u taagan yihiin?.


Xisbigu waa geed hadhac ah ooy hadhsadaan bulshoweynta Soomaliland ee gobal kasta iyo degmo kasta leh, waxuu kulmiyaa aqoonyahan nooc kasta leh, waxuu isu-keenaa da'yar iyo da'weyn, wiil iyo waalid, reer magaal iyo reer miyi, xoolo-dhaqato iyo beeraley, ganacsade iyo shaqaale.

Calaamadda xisbiga ee labada kacmood ee isa salaamayaa, waa qacan qaadkii beelaha Soomaliland ay ku aasaaseen qaranka Soomaliland 1991 ee Burco...labada gacmood waxay matalayaan Beelihii SNM iyo kuwii aan ahayn oo intay gacanta is-qabsadeen xididka u taagay Qaranka Soomaliland. Kul miyaa astaan ka dhigtay, si uu u muujiyo midnimada bulshoweynta Soomaliland.

Waa mabda' xisbiga Kulmiye in la helo xukuumad loo dhan yahay, isku-dheelitiran, xuquuqda  muwa adinku ka dheertay eex iyo kala-sooc, dal cadaaldu tahay midda hawl kasta lagu saleeyo, qaran dastuurka ku hawl-gala, sharci hago, xukuumaddu tahay shaqaalaha dadweynha kuna shaqaysa daah-furan iyo la-xisaabtan joogta ah.

Waa adigoo labada gacmood ee bulshoweynta Soomaliland isku-salaantay 1991 ka dhabeeya oo ku soo biira xisbiga mustaqbalka iyo xukuumadda horumarka iyo cadaaladda.

Guusha labada gacmood iyo labada midab ee matalaaya labada garab ee dadweynaha Soomaliland ee sida buuxda ugu midoobay 18 May 1991 iyo madashii Burco.

Waa Burco oo Boorame gacmaha qabsatay, Waa Hargeysa oo Hadaaftimo u gacan haadisay, waa Berbera oo Boocame u baaqday, waa Salal iyo Sool oo gogol wada fadhiya, waa Ceerigaabo iyo  Ca yn oo hadhuub wadaagaaya, waa madashii Kulmiye oo kulmisay Soomaliland min Lawyacaddu ilaa Ceelaayo, Waa calankii labaa midab le oo meel walba ka muuqda. Wey midowday oo wey tashatay, wey israacday oo wey tuurtay qabiil, wey dhaqaaqday oo wey diiday yuurur aan horumar lahayn, wey qubtay qudhun iyo laaluush, wey kala garatay danayste iyo daacad.Waxaanu cagta saarnay dhabbadii guusha ee Allow nagu gargaar wanaaga aanu raadinayno.

Ugu dambayn aan xuso abtigay Maxamed Gaxnuug Cabdilaahi (KIDIFAAR), oo wiigan lagu aasay  Ha rgeysa. Waxuu ahaa macalinkii ummadda isagoo gobal kasta ka shaqeeyey ilaa 1959, dhowaana  ah aa Agaasimaha Agoonta Hargeysa oo aabbe iyo hooyaba u ahaa inta waalidka weyday iyo cid  mar ada huwisa. Waxuu ahaa aftahan kaftan badan, carabkiisu aanu cidna waxyeelin, saaxib bulshaawi ah oo ruux walba dhoola-caddayn iyo gacmo furan ku qaabila, nin xarago badan oo xishood huwan, deeqsi aan waxba la hadhin, magaca iyo maamuska ilaaliya.

Waxaan ka baryayaa intii taqanay iyo inta maqashayba inay saamaxaan, u duceeyaan ooy Alle uga baryaan naxariis iyo dambi dhaaf isaga iyo maytida Islaamka oo dhan. Aamiin.

Aan dinku dhaafo Alle aamin, nabad iyo caano iyo nooli kolantee.

Mahad oo dhan Alle ayaa leh.

Join SAMOTALIS on facebook

http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf
 

 

 

 

 

 

 

Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
http:/samotalis.blogspot.com