War-Saxaafadeed

 

 


Isku soo bax Balaadhan oo lagu taageerayo madaxbanaanida Qaranimada Somaliland

 


Taariikh: 11.04.20111 Summad: JSUK/04/01

Isku soo bax lagu taageerayo madaxbanaanida Qaranimada Somaliland “Kaaley taageer 20 guurada wadankaaga” Arbacada, 18-ka May 11:30-17:00



Sida aynu la wada socono 18-May ee sannadkan 2011, waxay ku beegan tahay labaatan guuradii madax-banaanida Jamhuuriyada Somaliland. Haddaba Guddida qabanqaabada xuska 20-tan guurada qaranimada Somaliland (18-ka May) oo ay hormood ka yihiin xisbiyada qaranka, ururada reer Somaliland ee UK, wakiilka dawladda Somaliland ee UK iyo hal doorka ku dhaqan UK, ayaa dhawaan go’aan ku gaadhay shir loo dhamaa in dabaaldega maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May lagu xuso sida.:



Isku soo bax balaadhan oo ku salaysan ictiraaf raadinta Somaliland iyo ahaanshaha Somalilandimada

Muujinta Madax-banaanida Somaliland iyo Qaranka Somaliland waxyaabihii u qabsoomay muddadaa 20-ka sanno ah.

Damaashaad iyo xafladayn ay dadweynaha reer Somaliland ku soo bandhigaan farxadooda ku aadan maalintan qiimaha badan.



Guddida qabanqaabadu waxay shacbiweynaha reer Somaliland ee UK ku dhaqan ugu baaqayaaan in ay si mug leh uga soo wada qayb galaan isku soo baxan loogu dabaadegayo 20-tan Guurada maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May. Waxaanay ku guubaabinayaan dhamaanba Shacbiga reer Somaliland ee guddaha iyo dibaduba in ay si mideysan u muujiyaan qiimaha iyo qadarinta ay mudan tahay maalintan taariikhiga ah ee 20-jirkeedii loo dabaaldegayo. Dadka reer Somaliland ee ku dhaqan UK waxaanu ku adkaynaynaa in ay isku duubni isku soo baxan ku muujiyaan cududooda iyo taageerada wadankooda hooyo ay u hayaan.



Maalinta (Arbaca) : 18.05.2011

Goobta : Old Palace Yard Westminster (ka soo horjeedka Baarlamaanka) London (SW1)

Wakhtiga: 11:30-05:00

Gaadiidka: Westminster Tube Station

Wixii faahfaahin ah fadlan kala soo xidhiidh Guddiga qabanqaabada xuska 18-Ka May emailkan hoos ku xusan g20guuradasomaliland@yahoo.co.uk


 

 


Guddida Qabanqaabada ee Xuska 18-ka May

Ururada Reer Somaliland ee UK, SSUK, Xisbiga Kulmiye, Xisbiga UCID, Xisbiga UDUB, Somaliland Mission.

Wa Bilaahi Tawfiiq