Bandhigii Buugga Garta Dhaqanka,Agaasimkii Halkaraan Readers Club
iyo Wacdarihii Madasha ee caawa

Burco (TNN)- Waxaa caawa lagu soo bandhigay Hotel Barwaaqo ee
magaalada Burco, Buug la yidhaa Garta Dhaqanka oo uu Qorey
Abwaan-Macalin C/salaan Maxmed Xirsi (Ina Caara dhuub), Buugan oo
gebi ahaantiisba uu abwaanku ku soo bandhigay erayo aad u tir badan
oo dhaqankii ah, iyo weliba suugaan, wuxuu abwaanku buugan kaga
hadlay garta iyo sida loo naqo oo dhaqanka soomaaliyeed ku salaysan
kuna salaysnaan jirtay.
Munaasibadan uu abwaanku ku soo bandhigayay Buugga oo agaasimkeeda
uu lahaa Naadiga Akhristayaasha EE HALKARAAN READERS CLUB , waxa ka
soo qaybgalay Abwaan Cisman Ib rahin Warsame (Hurre Walanwal)
Maxamed Jamac Cabdi oo ahaa Masuul ka socday Ciidam ada
Qaranka,C/raxman Cali X.xasan oo isna ahaa Masuul Ka socday
Shirkadda Xawaaladda Ee Dahabshiil Iyo Shirkadda Isgaadhsinta ee
SOMTEL, Abokor Cumar aadan oo isna Ka socd ay Xisbiga
Kulmiye,Foosiya Axmed Maxamed (Foosiya Hormuud) awbaanad ,Qoraa ahna
fannaanad.
Hadaba waxa ugu horayn munaasibadda ka hadlay Maxamed Maxmud Haybe (M.Tajir)
oo ka mid ah Xubnaha Naadiga Akhristayaasha ee Halkaaran Readers
Club, wuxuuna sharaxaad kooban ka bixiyey Naadiga iyo waxyaabihii
loo aasaasay iyowaxyaabaha uu soo qabtay, wux uuna dadka ku booriyey
inay wax akhriska badsadaan,aqoonta u badanna laga helo wax akhris.
Kadib waxa ka hadlay munaasibadda Abwaan Hurre walanwal oo
munaasibadda ka jeediyey Khudbad Kaftan u badnayd oo dhammaan dadkii
madasha fadhiyey ay mar qudha afka isku dari waayeen, wuxuuna dadka
u sheegay faaidada uu leeyahay Buugan uu soo bandhigay Caawa Abwan
ina caaradhuub, Qosol badan kadib waxa madasha ka hadlay Abwaan
C/sala an Caaradhuub oo ah Qoraaga Buuga GARTA DHAQANKA wuxuuna
halkaas ku soo bandhigay Buuggii, wuxuuna dhammaan dadka u macneeyey
erreyo aad u tiro badan oo buugga ku qo ran.
Waxa iyaguna madasha ka hadlay Dhamman ba masuuliyiintii ka soo
qaybgashay munaasiba dda Bandhiggan Buugga uu qoray
abwaanka,macalinka ahna qoraaga C/salaam Maxamed Xirsi (C/salan
Caaradhuub), waxayna Dhammantood soo dhoweyeen Naadiga
Akhristayaa sha Halkaaran Readers Club iyo Buuugan uu qoray Abwaanku,
waxay sheegen in akhriska iyo qoraalku faaido badan leeyahay lana
dhiiri geliyo wax akhriska, Masuulka ka socday xisbi ga
Kulmiye Mr.Abokor Cumar adan aya isagu ballanqaaday in Geed iyo
dheer iyo mid gaaban ba uu u fuuli dono sidii loo samayn lahaa
qaamus ay dadku ka faiidaystaan, oo dhaqankii iyo soomaligii asalka
ahaa ku qoran.
Ugu danbayntii Buuggan Gaarta dhaqanka ay dhowaan lagu so bandhigay
Magaalada Harga ysa, waxana gebogabadii xafladda shahaado
sharaf la Guddonsiiyey Abwaan C/salaan Caa ro-dhuub, isagoo
abwaankuna Buugga uu qoray nuqullo ka mid ah Guddonsiiyey Naadiga
Akhristaayasha ee Halkaraan Readers Club.
Hibo Jamac Cali
Timacade News Network TNN
Burco Somaliland
hibo008@hotmail.com
|