Bandhig Suugaaneed Loogu Magacdaray Habeenka Hal Abuurka oo loo Sameeyay Abwaan Xasan Daahir (Weedhsame).




Hargeisa (TNN)-Bandhig suugaaneed lagu soo Bandhigay Suugaanta Abwaan Xasan  Daa hir Ismaaciil Weedhsame ayaa Xalay lagu Qabay Hotel Emperail ee magaalada Hargeisa.

Bandhig suugaaneedkaasi oo ay ka soo qayb galeen Abwaanka Wayn Xasan X. C/laahi (Ganay), Qoraaga Caanka Ah ee Boobe yuusuf Ducaale, Abwaano Da,yar ah oo uu ka mid ahaa Axmed Cismaan Batuun, iyo Dadwayne aad utiro badan.

Intii aanu Gudo Galin Barnaajimka waxaa madasha laga akhriyay Taariikh nololeedka  Abw aan Weedhsame oo ahaa Sidan:

Xasan Weedhsame waa Abwaan Da,yar oo illahay Hibo u siiyay Curinta Suugaanta Hal  do orka ah, Abwaanku wuxuu ku dhashay Kala-Baydh, November, 1982. Waxbarashadiisii  ho ose iyo dhexe wuxu ku qaatay dugsiga Sheekh Muxumed Warsame, Gabilay, 1991 - 1999. Waxbarashadiisii dugsiga sarena wuxu ku qaatay dugsiga Tima-Cadde 1999 - 2003. 2003 - 2005 wuxu ku biiray barnaamijkii STEPS ee jaamacadda Camuud, oo ah “Strengthening Ed ucation in the Public Sector” ee lagu tababarayay macilimiin heer dugsi sare ah halkaas oo uu ku soo dhamaystay, Diplomana kaga qaatay xisaabta iyo Pyhisics-ka. 2005 - hadda, wuxu macalin ka yahay dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa.

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil oo si wayn loo xiisaynayay Suugaantiisa, oo ay ka mid  yih iin Gabayo caan ah oo aad dhalinayradu u jeceshahay heeso tiro badan oo ay qaadaan Fanaaniinta somaaliyeed, iyo maansooyin kale oo xiiso badan, Abwaan Xasan oo  madasha asi ku soo bandhigay Maansooyin iyo Gabayo badan oo ay ka mid ahaayeen Gelmi-dhabad, Gunno-jecel, Yool, Filan-waa, dheeman, Suur iyo Taamilo

Maansooyinkaasi oo aad xiiso badanaa, murtida ereyada ku jirayna aad u Cuslaayeen  ay aa uu abwaanka sharaxaad ka bixiyay maanso walba wakhtiga ay ku dhalatay iyo waxa ay ka hadlayso, isaga oo si faahfaahsan u sharaxay Maansooyinka uu soo bandhay.

Maansooyinka Abwaanka oo aan kala dhicin waxaa ka mid ahayd maansadan magaceeda la yidhaa Suur oo ay ereyadeeda ka mid ahaayeen.


Sadarada aqoontana
Waxay sees wadaagaan
Sar-ka-dhabanka yaabkoo
Maskax suurtay waa hore
Arrin aanay suurayn
Marka aad su’aashay
Hadba surin cidhiidhiya
Ku martaa salaafooy
Sirihii ka daahnaa
Samaydooda goobtaa
Waxay suuri leedahay
Dadku suuraddoo qudha
Ama saan il qabasho leh
Kuma kala sarreeyee
Xaqiiq aan surkeediyo
Garashadu salkeed helin
Sanku aanu urinayn
Ishu aanay suganayn
Dhegtu aanay sawdkiyo
Sanqadheeda qabanayn
Sacab aanu taabayn
Muuqaalku saabkiyo
Sabadeeda uun yahay
Kala-sooci waa taa;
Waxan uga socdaa hee
Nafta ruuxa sudhan baa
Sansaantiisa qeexdoo
Fal kastuu sameeyaba
Halka laga sar gooyaa
Saldhiggeeda weeyoo
Rugteeday ka soofaan
Samihiyo Xumaantuye
Sebenkiyo ha eedayn
Dharaaraha socdaalka a’
Mataanaha sid hooyiyo
Sinnaan uur u qaybsada
Sabo qudha ku noolaa
Iyagoon mid suudalin
Dhaqan kalena saamayn
Waxa midi u saahido
Ka kalana u saaqido
Garashada ku saxataa
Waxay ugu sadqaysaa
So’du saan u ekaa
Sirta Mawle xeeldheer.


Qoraaga Caanka ah Boobe yuusuf Ducaale oo ka tirsan Academiyada Nabada iyo  Horum arinta ayaa ku hambalyeeyay Abwaan Weedhsame Suugaanta uu madasha ku soo  band higay isaga oo xusay inuu Afayeen u noqon karo dhalinta manta isaga ku cabiraya  daree nkiisa suugaan.

Boobe yuusuf ducaale oo ka Hadlay doorashooyinka fooda inagu soo haya iyo sidii  dhalin yarada uga qayb qaadan lahaayeen waxaanu sheegay inaanay Awoodi shaqaynayn balse Cod wax lagu kala dhacsan doono
Boobe waxa uu ayaan daro ku tilmaamay dhalinyaradda la kala iibsanayo ee habeen walba Tv-yada la sii daynayo ee la leeyahay xisbi hebel ayay ka soo bexeen, xisbi hebelna way ku biireen, waxaana uu sheegay inay tahay ayaan darro ku habsatay dhalinyarada noocaas ah.

Boobe waxaa uu ka waramay geedi socodkii Babadgalyada Somaliland soo martay iyo  doo rashooyinkii kala duwaanaa ee ay ka soo gudubtay isaga oo tilmaamay in si nabad galyo ah looga qayb qaato, qof walbana kaadh kaliya qaato oo aanu kaadh labaad qaadan.

Boobe Waxa uu kula dardaaramay dhalinyarada inay Awoodooda muujiyaan oo ay ka qayb qaataan Doorashooyinka fooda inagu soo haya iyaga oo dhawraya nabadgalyada waxa kale oo uu komishankana u soo jeediyay inay Illaaliyaan cadaalada oo ay ka war hayaan in Qof walba qaato kaadh kaliya.

Abwaanka Da,da yar Axmed Cismaan Batuun oo Saaxiibo yihiin Abwaan Weedhsame ayaa isagu halkaasi ka soo jeediyay maanso la yidhaa kambal daaq oo ka hadlaysay sida ay  aa nay dadku war isugu haynin ee ay u ilaaween danohooda waxa aanay shaqo ku lahayna isku mashquuliyaan isaga oo tusaale u soo qaatay labada dumar ah oo sheekaysanayay oo midi tidhi inankaygiibaa Xalay dhintay tii kalena tidhi anigaba inankaygii kabaa ka  kuln tay.

Abwaanka Wayn ee Xasan X.C/laahi (Xasan Ganay) ayaa aad ugu mahadnaqay Abwaan Weedhsame Erayada iyo murtida maskaxdiisa ka soo maaxanaysa Darteed isaga oo  shee gay inaanu islahaynba Dhalinyarada wakhtigani waxa ay ka gabyi karaan Xidigaha iyo  wi xii la mid ah Balse ay tahay Wax illaahay loogu mahad naqo in ay inoo soo kacaan  Dhaliny ar murtidaasi Xambaarsan.

Abwaan Xasan Ganay ayaa u Qiray Weedhsame inuu yahay Abwaan illaahay ku manaystay Suugaan, uguna Duceeyay in Illaahay Maskaxda u daayo, In illahay Il iyo Cariba ka hayo, Abwaanku isaga oo qiiraysan ayuu yidhi “ Wallaahi Waxa uu inankaa yari sheegayo anagayagaa Waawayni ma Odhon karno, Adeer Afku Kuma Go, Ill iyo Cariba la, aw” ayuu yidhi Xasan Ganay

Abwaanku waxa uu amaan usoo jeediyay Dhalinayaradda Suugaanta haysa ee Badalaysa jiilkoodii hore uu sheegay inay yihiin Abwaano buuxin kara kaalmohoodii, Waxaanu soo jeediyay in si dhab ah loo qaato ee aan inta la dhagayso lagu dhaqmin sidii iyagaba ku dhici jirtay, waa sida uu abwaanku yidhiye.

Gabogabadii barnaamijka waxaa Su,aalo Laga waydiiyay Abwan Weedhsame Suugaantiisa iyo Qaar ka mid ah Heeso jacayl ah oo uu tiriyay, Sababihii uu u tiyay iyo su,aalo kale oo badan, Waxaanu dhamaantood uga jawaabay si faahfaahsan isaga oo aad uga qosliyay dhalinyaradii xalay ka qayb qashay bandhigaasi.





Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
Timacade News Network TNN
Hargeisa/Somaliland
mccfuture@hotmail.com