Jaaliyadda Somaliland ee degan Dalka Ingiriiska oo si weyn ugu soo baxday xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee May 18,2011
London, May 18,2011 (TNN)-Guriga Baarlamanka ee looga taliyo Dalka Ingiriiska hortiisa, kuna yaalla magaalada L ondon, ayaa isku soo bixi ugu weynaa abid ,ay isugu yimaadeen dhammaan muwaadin iinta ka soo jeeda Dalka Somaliland ,ee degan Dalka Ingiriiska munaasabadda 18 May awgeed, oo ay ka soo wareegtay muddo 20-sannadood ah , ka dib markii Somaliland la soo noqotay Qaranimadeed ii.
Jaaliyadda Somaliland , waxay halkaa ku muujiyeen dareenkooda wadaninimo,taageerada calankood a iyo siday uga go'an tahay inay aqoonsi buuxa ka helaan bulshada caalamka. Isu soo baxaasi oo si heer sare ah loo soo qaban qaabiyey,ayaa wuxuu ku soo gaba gaboobay jawi habsami ah, dadweyn ahana ay wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo qiiro wadaninimo.
|