Madaxweyne Siilaanyo oo xilkii ka qaaday Badhasaabkii Gobolka Saaxil, Xamarji-na dib u magacaabay

 



In Mudane, Cali Maxamed Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee.............


Hargeysa (TNN) - Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa goor dhawayd xilkii ka qaaday Badhasaabkii Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxaanu u Magacaabay Badhasaabka Saaxil Xoghayihii dawladda hoose ee Berbera Cali Maxamed Cilmi (Cali-gadheer).

Sidoo kale, Madaxwayne Siilaanyo waxa uu Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex dib ugu mag acaabay Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji).

Digreetooyinka Madaxwayne Siilaanyo ku Magacaabay Xanarji isla-markaana uu xilka kaga qaaday Ramaax ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Ax med Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu caawa soo saaray waxa uu ku mag acabay labada badhasaab ee Gobolada maroodi-jeex iyo saaxil, waxaanu sidoo kale digreet adaasi uu xilkii kaga qaaday Badhasaabkii Gobolka Saaxil.



Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu ku Qancay: Aqoontooda, Kartidooda iyo hufnaantooda shaqo;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland

2. In Mudane, Cali Maxamed Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.



XIL KA-QAADIS

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Gudoomiyaha Gobolka Saaxil aan kaa qaado una magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta.

Sidaa darteed, waxaan ku farayaa in xilkaa aad ku wareejiso Mudane, Cali Maxamed Cilmi oo aan u soo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil.

Waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Gudoomiyaha Gobolka Saaxil.



ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.