War Deg Deg Ah: Golaha Wakiilada oo Doortay Gudd oomiye Ku xigeen Koowaad iyo G-ku xigeen labaad


 

Baashe Maxamed Faarax


Golaha ayaa fadhigoodii maanta waxa ay Guddoomiye ku xigeenka koowaad u dorteen.......

Hargeysa (TNN)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta doortay Guddoomiye ku xigeen kowaad iyo Guddoomiye labaad, ka dib markii Guddoomiye ku xigeenkii Koowaad uu iska cas ilay Wasiirka Maaliyada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale markii Wasiirka loo doortay, halka Guddoomiye ku xigeenka Labaadna uu iska casilay Baashe Maxamed Faarax Si uu ugu tartamo jagada Guddomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha.

Fadhigan Maanta oo ay ka soo xaadireen 63 Mudane, isla markaana shir guddoominayey guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa waxa uu Gudd oomiyuhu halkaasi ka xaadiriyey magacyada mudaneyaasha ku sugan Golaha, iyada oo fa dhiga wejigiisa koowaad lagu bilaabay ansixinta xeerka baanka dhexe ee Somaliland, waxa ana wejigii labaad ee fadhiga loo codeeyey mudaneyaashii ku tartamayey Xilalka banaan.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad waxa loo doortay Baashe Maxamed Faarax, halka Gudd oomiye ku xigeenka labaadna loo doortay Cali Yuusuf.

Baashe Maxamed Faarax oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay Somaliland ku dhisan tahay Dimuqraadiyad, balse aanay ku dhis nayn Qabiil..
 

 



C/raxmaan Muuuse Yuusuf
Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland