Baaq Toos Ugu Socda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland
 

Waxaan rajaynayaa in Baaqan la wada gaadhsiiyo dhammaan xubnaha Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland ee aan hubo in ay aad ugu hanweyn yihiin dalkooda iyo aayaha dadkooda.

Waxaan xubnaha Ciidamada, Saraakiisha, Saraakiil-xigeen iyo Askarba ka codsanyaa inay nuxurka baaqan siduu yahay u gartaan, una qaataan talo iyo niyad sami ka tarjumaysa aayihii ummaddooda iyo jirtaanka Somaliland.

Waxaan rajaynayaa inay gartaan in maanta jirtaanka Somaliland maraayo marxaladii ugu adkayd, oo Ilaahay ka sakow, aan xukuumad, xisbi iyo goloyaal kale badbaadin Karin, haddii Ciidamada Somaliland aanay dhexdhexaad dhab ah ka noqon loollanka siyaasadeed ee marxaladda murugad leh maraya.

Aqoonsiga Somaliland ee sanad ka hor la filaayey, wuxuu dib ugu dhacay markii Madaxweyne Riyaale doorashadii dhagaxa hor dhigay ee muddo hal sano ah xaq darrada loogu kordhiyay. Iyada oo hantaaqadii hore weli la sii hebanaayo, ayuu maanta Madaxweyne Riyaale u badheedhay in aanay doorashadii qabsoomin isagoo gabbood ka dhigtay Gudida Doorashooyinka oo aan madax banaanayn, isla markaana ka gaabsaday in xukuumaddu saamigii ay ka bixin lahayd kharaska doorashada ilaa maanta keeni waydo, iyeeddadana la wada garan karo.

Sababta qudha ee madaxweynuhu ugu gacan saydhay Dastuurkii uu meesha ku yimi iyo golayaashii dalka, waa in uu kursiga iska sii fadhiyo ilaa inta Somaliland danaha weli qarsoon ee shisheeyuhu ka leeyahay hirgelayaan, oo aan maanta shaki ku jirin in shirqoolkaa maamulka Somaliland qayb weyn ku leeyahay.

Waxaan aragtidaa u sii faahfaahinayaa si aan ugu caddeeyo Ciidamada Somaliland xaaladu meeshay mareeyso. Hadaba, waxuu Madaxweyne Riyaale iyo ciddii kale ee ku wehelisaa ku talo galay inuu cabuddinta ummadda, iyo hirglinta ujeedooyinkiisa u adeegsado Ciidamada Somaliland iyo Maxakamadaha, sidii uu ummadda ugu adeegsaday M.S. Barre Ciidankii uu ula baxay 77.

Waxaan u sheegayaa Ciidamada “Xaasha idinku ma tihin 77” waxaa tihiin Ciidan Xalaal ah oo heegan u ah difaaca iyo jirtaanka Somaliland isla markaana dadkoodu kalsooni ku qabaan. Ma tihidin Ciidan xukuumad gaar ah, ama xisbi gaar ah ama koox gaar ahi leeyihiin oo siday doonaan u amri karaan. Waa hubaal in Taliyayaasha Ciidamad oo Madaxweynuhu soo magacaabay ay iyaga oo kursigooda eegaya u habradaan oo Madaxweynaha wax walba ka aqbalaan. Laakiin waxa hawsha fulinayaa waa Ciidanka.

Markaa waxa loo baahan yahay in Ciidanku isweyddiiyo, “Amar kasta oo Madaxweynuha ama xisbi kale, soo siiyo Taliyaha Ciidanka ma waajibbaa in sidu yahay loo fuliyo”.

“ Haddii la faro inay golayaasha oo fadhiya, ama dadweyne isku soo baxay oo aan wax dhibaato ah gaysan, rasaas mariyaan, amarkaasi xaq ma yahay, mise waa baadil?”.

Ruux muwaadinka ah ee si xeerka waafaqsan u timaama Madaxweynha ama Wasiir khaldan iyo gef uu sameeyay, sarkaalka ama garsooraha soo xidhaa, isaga oo Madaxweyne ama Wasiir soo amaray waa in uu ogaadaa in uu burburkii dalka qaybtii ugu wayneyd dusha u ritay.

Haddii Taliyaashiina ama Wasiir idiin la yimaaddo amar aan xeerka iyo Distuurku waafaqasanyn, oo ku salysan damac, siyaasad ama dano gaar ahaaneed, waxaa xaq u leedihiin inaydun si asluub iyo anshax leh ugu sheegtaan inaan arrintaaso dan ahayn. Haddii uu idinku diido ha noqonina marnaba kuwii dulmiga u adeegga ee xaqqa ka baqda.

Ninka Ciidnaka ihi siyaasadda waxa qudha ee uu xaqa u leeyahay waa codkiisa oo doorashada ninka uu doonayo ugu deeqo.

Waxaad ku badbaadi kartaan waa idinkoo xeerkii iyo diturrkii dalka ku mintida oo dhagaha ka furaysta loollanka iyo hirdanka siyaasiga ah.

Inta uu dablaha, sarkaal xigeenka iyo sarkaalku ka yaqaan xeerarka, shuruucda iyo Distuurka dalka, ayuun buu ku dhiiranaan karaa siduu ka yeelayo arrinka la soo dersa.

Sidaa awgeed, waxaan idinku baraarujinayaa inaa ku dadaashaan xeerka iyo Distuurka.

90 Sarkaal oo ka soo qalin jabiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Ethiopia, ee ilaa maanta loo diiddan yahay inay hawl galaan, waa inaa gacan siisaan wixii ay xaq u leeyihiin. Ma aqoontooda ayan loo baahnayn?. Ma markii horaa khalad loo diray? Ma qaar ka mid ah ayaa maamulku wax kale ka dhex arkay? Mise in Ciidanka tayo ku soo kordho ayaa la diidan yahay?

Waxaan maanta hadalka ku soo koobayaa oo kula dardaarmayaa CiidamadaSomaliland, qayb ay yihiinba:

Hankiina & himiladiina kuma xidhana nin kursiga u halgamaya iyo mid ku mintidiya. Wuxuu ku xidhan yahayhorumarka & jirtaanka Qarana;

Ha u eedoobina nin ama koox danahooda idinku fushada oo aan haddana dadka idinka aqaaon;

Nin noloshiisa meelaystay yuu idin sahayanin;

U heeliya ummadda aad ka dhalateeb oo ha u heelinina nin dulmi & xaqdarro idin fara;

Ha illaawina taariikhdii la soo maray, iyo meeshay ku dembeeyeen magacyadii ku caanbaxay dulmiga ummadda;

Tabashada dadweynuhu heerka maanta ay gaadsiisan tahay yio xaaladdu halkay marayso, si dhab u garta oo yaanay idinla fududaan;
Markay jiritaanka Somaliland taagan tahay ogaada in dadweynaha, qori, taangi iyo amar cimri dhere ihi midina ma joojin karo. Yaanu duqaadka badani idin hodin

Waxaan Illaahy ka baryayaa inaa noqotaan Ciidankii ummaddoodu ku faanto ee aydan noqon kuwi laga faano ee dadkooda laga horkeeno.



Waa inoo maqaalka dambe, haddi Alle ka dhigo
 

 

 

Suleiman Omar Kujoog
London , UK