BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM


Baaq taageero iyo nabadayn ah.


OO KA YIMID BEESHA CIIDAGALE EE U.K.



KU : XUKUUMADA SOMALILAND
KU : GOLAHA GUURTIDA
KU : GOLAHA WAKIILADA
KU : SALAADIINTA BEELAHA,CULIMAA-UDIINKA
KU : AQOONYAHANADA IYO DHAMAAN WAXGARADKA SOMALILAND



Hadaanu nahay Gudida beesha ciidagale ee uk iyo aqoonyanka,  culimaaudiin ka, iyo dhalinyarada, waxaanu si buuxda u taageeraynaa heshiiski lagu soo afjaray khilaafaadkii xisbiyada ee dhawaanahan hadheeyey J.S.L. Hadaba  wa xaanu kulatalinaynaa Xukuuumada,golayaasha qaranka, Xisbiyadaba in  la qa dariyo heshiiska sida ugu dhakhsaha badana loo dhaqangaliyo.

sidaas oo kale waxaanu xukuumada,golayaasha qaranka, aqoonyahanka, culi maa-udiinka iyo dhamaan waxgaradka iyo inta arinkan wax ka qaban karta ee reer somaliland ugu baaqaynaa in la soo afjaro khilaafka u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah ee dhawaan ka dhacay ceel-bardaale.khilaafkan oo in mudo ah soo jiitamayey una sii gudbaya meel halis ah,waxaanu ka digaynaa hadii si dhakhso ah wax loo ga qaban waayo in cawaaqib-xumada kadhalataa ku baahi karto dhamaan gayiga somaliland, nabada guudna wax udhimikarta.

sidaasi darteed waa in si deg deg ah oo cadaaladi ka muuqato wax loo gaqa bto looguna gurmado.

soomaliland waxay halkaa ku gaadhay in khilaaf kasta oo beelaha ka  dhex  dh aca loo gurmado nabadna lagu soo afjaro iyodoon cidna garabka la saarin oo ilaahayna ku guuleeyn jiray.

waxaanu labada beelood ee walaalaha ah ee isku deegaanka ah ee marnaba kala gu'i karin ka codsanaynaa in dulqaad iyo samir badan la muujiyo lana  dh awro nabadgalyada inta arikani si buuxda wax looga qabanayo colaadna  wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho.

waxaa baaqan soo saaray.

1 Sheekh ibraahin yusuf
2 Maxammed xasan jafaL
3 Abokor maxammed shukri
4 Fowsi xaaji yuusuf
5 Maxammed yusf diirqadhaadh
6 Faysal jaamac haadame
7 Axmed jaamac taarwale
8 Aaden mooge (ingiriis)
9 Eng. abdilaahi xasan amey
10 Abdi dheere
11 Jaamac xasan
12 Csmaan cali caraale
13 Cabdilaahi camuud gurey
14 Mustafe abdilaahi
15 Ismaaciil maxamuud danbas
16 Abdi abdilahi mooge
17 Maxamuud laba raad
18 Cali maxammed rooble
19 Maxamuud lugweyne
20 Maxammed macalin yonis
21 Xasan xuseen muumin
22 Maxammed yusuf amey
23 Maxamuud sheekh axmed ali weerar
24 Sheekh muuse axmed jamac
25 Xasan macalin cusmaan
26 khadar koodbuur
27 ciise xuseen

wa bilaahi towfiiq.