BAAQ KU SOCDA GOBOLKA SAAXIL

 



Hadaan ahay qurba jooga gobolka saaxil markaan arkay waqtiga aynu joogno iyo ololaha  doora shada oo bilaabmaya 3/06 2010 ayaan go’aansaday inaan baaqan u soo jeediyo .walaalayaal  um adwalba waxa ku waajib ah oo xilka saran yahay dhulka ay ku uuman tahay markaa waa inaynu alaalinaa masiirka iyo aayaha dhulkeena iyo umadeena sidaynu u ilaalinaynaa?

Waa inay  wax gar adkeenu inoo dooraan oo inoo sahamiyaan hadba wixii fiican umadana u soo bandhigaan wixii  um adu u baahan tahay hadaan hoos ugu soo dego hadalka dulucdiisa waxa  do orasha walba la inagu badowsanayay Dekedaa la wanaajinayaa iyo warshadaa sibidhka iyo dhu xul dhagax kolba   dhagax baa meel la dhigayay mid walbana iskeed bay u gudhaysay taariikh bay noqotay dhagaxa meel walba la dhigay hadaba umadii lama yaabana kuwa dhagaxa meesha dhigayaye waxa lala yaaban yahay kuwa ilaa imika dhagixii sugaya ee aan weli ka hadal.

Hadana taa waxa ka sii daran kuwa maalinkan maanta ah lagu beer laxawsanayo udub ina  Cigaal baa sameeyay iyo idinkaa leh xusbigan oo haday daan idinku dhisin socon mayo ee kolna Cawil loo soo dirayo kolna la odhanaayo Madaxwayne ku xigeenka u tagoo i doorta dheh waar waxan indin odhan lahaa hurdada ka kaca oo intaad baraarugtaan dadka wax halala qaybsado. oo yaan  mar kale laydin odhan Berberi sodoh noqonmayso oon lacagaha Berberi soo saarto laydin dhaafin ilaa madaxtooyada,reer berberina ka qatanaan.

Intay goori goor tahay udub jirimayso oo magaceeda waa laga xanaaqi doonaaye yaan cidlo laynagaga tegine hala soo dhaweeyo xusbiyada kale ama kuwa soo bixi doona halaga dhursugee kuwan maanta jooga meesha ina dhaafiya ee xukuumed isku sheega ah.



Asalaamu calaykum

Alaa casaawajala ah

 

 

 

Abdi  Elmi