Baaq qurbo jooga kuna sahabsan sidii gacan weyn looga geysan lahaa dhismaha cusbitaalka tog-wajaale

 


Marka hore salaan iyo duco balaadhan ayaan u dirayaa muwaadiniita reer somaliland ee kartida iyo lexe jeclada wayn u qaba dalkooda iyo dadkoodaba, gudo iyo dibadba.

Halkan , warbaahinta  waxaan hawada u marinayaa  cid walbba oo jecel horumarka gayi geena gudo iyo dibadba , inay gacan weyn oo dhaqaale ka  geystaan dhismaha Cusbitaa lka magaalada Tog-wajaale .

Baaqani  wuxuu ku socdaa dhammaan shacabka Somaliland ,weliba waa in qurba joogu do or muhiima ka qaataan . Magaalada Tog-wajaale,waa Halbowlaha Dhaqaalaha Somaliland, kumanaan qoys oo reer Somaliland  ihina ay noloshoodu ku xidhan tahay .

Waxaan ka rajaynaynaa guud ahaan shacabka Somaliland, in ay  horumarka Dalka Hooyo qayb libaax ka qaataan , khaasatan qurba jooga daafaha dunida ku kala nool ,oo kaalinto odii la filaayo in ay  wax badan ka tari doontaan .

 


Allaa mahad leh

 


Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdi Raxmaan Suldan Diiriye

Suldaanka Guud ee Beesha Habar Awal