BBC: Prof  Axmed Ismaaciil Samatar iyo Prof Max amad Cabdi (Gaandhi) oo amaanay ragii xasu uqa ugu wayn u gaystay reer Somalailand!!

 

Waxa ay igu noqotay dhaygag iyo u qaadan waa ! Inuu nin mudokar ah oo weliba aqoon sheeganaya, yaqiinsana diinta Suuban ee islaamka iyo  iimaank eenu, uu daadafeeyo oo weliba dafiro xasuuqii ka dhacay Somaliland 1988-kii ee lagu dilay dad ku dhaw 100,000 oo qof oon waxba galabsan, ninka sidaa sameeyay waa ninka ugu magacaaban waxa loogu yeedho dawlada midnimada qaran ee Soomaaliya wasaarada gaashaandhiga, ee magaciisa la yidhaa, prof, Maxamad Cabdi '' gaandhi''.

Dhawaan mar idaacada maraykanku leeyahay ee'' somalivoa '', ay ka  wara ysanaysay shir uu u qabanqaabinayay ninkan wasiirka ahi, gacan ku  dhiiglay aashii xasuuqay dadka reer Somaliland (saraakiishii milatariga ahaa ee  dawl adii Siyaad Bare) oo hada ka socda dalka Maraykanka, oo la waydiiyay su' aalo badan ayaa waxa waydiimahaa ka mid ahaa, in ay yihiin saraakiishan milatarigii dawladiii Siyaad Bare ka hadhay, niman ceeb ka saliim ah oon iyagu ka qayb qaadan dhibta ka dhacday waxii la isku odhan jiray Soomaaliya?, ayaa waxa uu ku jawaabay ninkan wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya '' gaandhi'' in nimankan saraakiisha ahi yahiin, niman aan haba yaraatee wax danbi ah ka galin cidnaba!

Isla waraysigaasi mar la sii waydiiyay su' aal kale oo la yidhi magacayada qaar ka mid ragan milatariga ah ee hada USA aad ku shirsiinayso, ayaa dadka qaar ku eedayanayaan inay bani-aadanimada danbi ka galeen, waxa uu ku  jawaa bay, isaga oo qosolna ku daraya, maxkamada caalamiga ah ee ku taal the Heague ( Holland) weli cid la geeyay maan arag! Waxana isaga oo sii wata mr, Gaandhi amaanta nimankaa hawlgabka milatariga ah ee ka sii qiiqaya maamulkii gacan ku dhiiglaha ahaa uu yidhi, waa niman wadaniyiin ah oo daacad ah oo u halgamay qaranka Soomaaliyeed, oo daafacay, oo u shaqeeyay. oo.... oo ..... iwm, kamana ay qayb qaadan dagaalkan Sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya ayuu yidhi!!!

Toloow kuwii diyaardaha iyo madaafiicda ay ku dukhaynayeen nimankan hada la amaanayaa ee tarab tarab loo mooraduugay ma Nasaari iyo Yahuud bay ahaayeen? Waxa kale oo is waydiin mudan, toloow dagaalka sokeeye muxuu u yaqaanaa ninkani ? ma ka qabiilka ee ka socda Koonfurta ex-Soomaaliya ayuu u yaqaan?

Waxa kale oo aad la fajacaysaa marka ay kuwa madax isku sheega ah ee  Koo nfurtu ka sheekaynayaan xiligii uu bilaabamay dagaalada ka dhacay/a waxii la isku odhan jiray Soomaaliya, ee ay yidhaahdaan ama leeyihiin Soomaaliya waxay dagaal ku jirtay 18-sano, iyaga oo ujeeda, in dagaalku bilaabmay markii Siyaad Bare ka tagay dalka ( 1991), taasi waxay cadaynaysaa inaanay  ahay nba dad wax ka garanaya taariikhdii dalkii la odhan jiray Soomaaliya, ama  yaq aanba Soomaaliya/nimadu waxay tahay ! waxad is waydinaysaa waar tollow maanay ogayn in xiligan ay iyagu u yaqaanaan bilowga dagaalka, imeelo ka mid ahaa dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya lagu kala calaf qaaday oo dawga la kala maray, oo rag rag ahi libinta la hadhay deetana ku turqadeen caradoodii waa Somaliland-e, calan midabyo leh oo magaciisa la yidhaa '' sedex-midab-leh''.


- Waxa iyana iga yaabisay oon la fajacay, amaan kale oo ka timid meel aanan ka filayn oo ku socota isla nimankan milatariga ah ee ka soo jeeda ( maamulkii milatariga ahaa ee dhagar qabaha ahaa ee Siyaad Bare) ee hada shirku uga socdo Maraykanka, amaantaasi waxay ka timid nin u dhashay Somaliland, oo magaciisa la yidhaa,prof, Axmed Ismaaciil Samatar, oo degan dalka  Marayk anka, ninkani waa nin inta badan aan ka maqalno war-fidiyayaasha ay  daad ihiyaan ama leeyihiin, dadka ku wataada wax riyo beri inagu ahaa oo laga toosay hada, oo laga tagay oo la yidhaa Somaliwayn, waana wax laga wada dheregsan yahay inuu Prof-ku yahay nin ka mid ah raga ka ololeeya jiritaanka Somaliland.

Taasi dhib ma leh oo waxa la odhan karaa waa aragtidiisa siyaasadeed oo qof kastaana waa uu u madaxbanaan yahay malahiisa e, waxanse saluugay prof-ku amaanta aan qaban meesha ee xadi dhaaftay ee uu u yeelay nimankaa Miltariga ahaa, ee dad Soomaaliyeed oo hooyooyin, caruur, ciroole , iyo biri magaydoba lahaa xasuuqay, kuna xasuuqay magac qaran Soomaaliyeed ! waxa Prof- Axxmed Ismaaciil Smatar oo shirkooda ka qayb galay, uu waarysi ay BBC-du la yeelatay ku sheegay inay yihiin nimankaasi milatariga ahi, niman Soomalinimadu daacad ka tahay, oo wadaniyiin ah, oo dadkooda u soo  shaqe eyay, oo xalaal ah, oo leh tayo aan looga maarmi karin qaranka Soomaaliyeed dhismahiisa iyo soo celintii midnimadii iwm! waxad markaad hadalada noocaas oo kale ah is waydiinaysaa, horta waa ayo Soomaalidu, yaaanse Soomaali ahayn ee laga sheeganayaa? markase kii xasuuqay dad Soomaali ah uu prof- Axmed Ismaacill Samatar ku sheego, wadani xalaal ah, maxuu noqonayaa kii la xasuuqay?.ma xaaraami qaran dumis ah!

Gabo gabo,- Allah magane xiligan ( waayahan) hada lagu jiro laba midnaba ma ahayn inuu yeelo Prof-ku, mar hadii uu ciriq ku leeyahay Somaliland, isla mar ahaantaasna uu ogyahay dadka walaalaha ee degan Somaliland xumaantii iyo cadaawadii ay nimankan Milatariga ahi kala dhex dhigeen, iyo sida dadka walaalaha ah ee reer Somaliland dhamaantood ugu dadaalayaan maalin walba in nabarkaasi bogsado, oonay dib danabena u dhicin xumaan la mid ah tii hore u dhacday..

1- Inuu la shiro ha joogto-e in laguba arko meeshaa ay niman dad ehelkiisa ah xasuuqay ku shirayaan, Prof, Axmed Ismaaciil Samatar qodhaa iyo xeradaa may ahayn. Cawo darose waxa ah inuu ka qayb galay shirkaasi!

2- Inuu si hoose oon muuqan haduu ka qaybgalayana sameeyo ayaa  haboo naa, ee inuu kaga lalabo IDAACADAHA SIDA UU UGU FARAXSAN YAHAY  SHI RKAA IYO KA QAYBGALISTIISA, iyo weliba qadarinta uu sheegay inay mudan yahiin nimankaasi gacan ku dhiiglayaasha ahi meesha may qabanayn.

Isku soo duuboo waxan ku xidhayaa, cadawga Somaliland meel uu joogaba hala iska jiro.
 

 


Guul iyo gobanimo

Dr. C/nuur Xaaji
mrxarago@hotmail.com