Guddoomiye Ku Xigeenka UDUB Oo Ka Digay Khataro Ka Soo Fool Leh Xuduudaha Dalka Ee Furan, Sheegayna Furida Ururaddu Inay Khatar Ku Tahay Jiritaanka Qaranimada Somaliland

 


Hargeysa, March 11, 2011 (TNN) – Madaxwayne Ku Xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, i sla markaana ah guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ayaa ka digay khataro ka soo fool leh xuduudaha dalka oo uu sheegay inay furan yihiin, kuna baaqay in ciidamadda qaranka ee ku sugan jiidaha hore in aan dib looga soo qaadin goobihii ay hore ugu sugnaayeen, taas oo uu tilmaamay inay  kee nayso in cadawgu si dhibyar gudaha dalka u soo galo.

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa kale oo uu ka hadlay furitaanka Ururada siyaasadda ee wakhtigan xaadirka ah iyo mawqifka ay xisbi ahaan aaminsan yihiin, taas oo uu ka dhawaajiyey in furitaanka ururaddu ay kh atar ku tahay jiritaanka qaranimada Somaliland, isla markaana tilmaamay in arinta ururadda buun buunin teeda dhinaca dibadda laga wado.

Madaxwayne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf waxa uu soo qaaday hoos u dhaca lacagta doolar iyo kor u kaca qiimaha miciishadda, taas oo uu sheegay inay si wayn u burburinayso dhaqaalaha shacbiga Somalila nd, waxaanu sheegay inay arintaas wax ka qaban karaan baanka dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadu hadii ay si wada jir ah uga wada hawl galaan arintaas.

Guddoomiye ku xigeenka Udub Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay galab wa rgeyska Haatuf khadka tilifoonka waraysi khaasa ku siiyey, isaga oo ku sugan Hargeysa, ugu horayna isa ga oo ka hadlaya wakhtigii uu taladda hayey Udub iyo halka ay taagnaayeen miciishadda iyo doolarku, wa xa uu yidhi “Wakhtigii aanu taladda dalka haynay, baanku arimaha miciisashadda iyo doolarka wuu xalinay ey oo doolarka oo kale meel ayuu ku hayey, kor u kaca miciishadda iyo doolarkan gaadhay halkii ugu hoos aysay run ahaantii arin shacbiga reer Somaliland si dadban u dilaya, markuu halka doolar ahaa todobadda kun, sadex kun ayaanu wax ku cashuuri jirnay, dhaqaalaha intaa leeg waxaanu u tuuri jirnay sidii uu dhaq aalahaasi si dadban shacbigayaga ugu gali lahaa. Anigu waxaan u arkaa in dhibtan dhaqaale ee shacbigee na ku dhacday in lagaga dabaalan karo, marka ay baanka dhexe iyo maaliyadu si daacad ah uga hawl gal aan arintan, inta ka horaysa wuu taagnaanayaa culayskaa ay maanta shacbigeenu tirsanayaan”.

Md. Axmed Yuusuf Yaasin mar uu ka hadlayey Mawqifka furista ururadda siyaasada iyo halka ay ka taaga n yihiin xisbi ahaan, waxa uu yidhi “Anagu hadaanu nahay xisbiga Udub mawqif ayaanu markii hore-ba ka lahayn furista ururadda, tusaale ahaan hadaan kuugu soo qaato 1997-kii markii la rabay in la furo ururad da oo la badiyo waa wakhtigii marxuum Cigaal joogaye, waxaynu ogayn in lagu soo koobay sadex xisbi oo kaliya, isla markaana uu rabay in laga dhigo shan xisbi lagana diiday oo sadexdaa lagu soo koobay, isla sa nadii 2000 mar kale ayuu madaxwayne Cigaal (AHN) soo faro galiyey waana laga diiday markaasna, taas ina waa maslaxada qaranka. 1969-kii hadii Hargeysa oo kaliya ay ka furmeen 17 urur, wadanka oo dhana ay ka furmeen ilaa dhawr iyo lixdan urur, waxa ka soo wareegay ilaa afartaneeyo iyo dheeraad. Markaad 17-kii urur ee Hargeysa ka furmay 1969-kii aad tobon ku dhufto waxay noqonaysaa 170 urur inay Hargey sa ka furmaan, arintaasi waa mid khatarteeda leh waxaanay noqonaysaa qabiilaysi, gobolaysi iyo qiimihii ururaddu hoos u dhacaan oo jifo kastaa tobon urur samaysato, taasina maaha mid dalka wadaysa. Mark aa anaga mawqifkayagu waxa weeyi wax distoorkeena lagu xadiday in aanu raacno oo kaliya, tii-baananu anagu xisbi ahaan ka duulaynaa”.

“Waxa jira waxyaabo badan oo u baahan wakhtiga wadankeena la Ictiraafo in la amba qaado, tusaale ah aan 82-ka xildhibaan ee ku jira golayaasha numberkaasi inuu meesha ka baxo, oo la xadido tirada golaha wakiiladda lagu soo galayo, ama la kordhiyo oo 70, 90 ay sidaa u socdaan. Waxa jira waxyaabo badan oo distoorka jabiyey ayaa jira oo ay mid tahay distoorku, way faro badan yihiiin laakiin waxaa wax loo taab an laayahay waxa ay nahay dawlad yar oo aan la aqoonsanayn in heerkaasi burbur inagu keeno, markaa anigu waxa aan qabaa hadii maanta la furo ururadda in qaranimadeenu khatar galayso, waxaanan qabaa waliba in arinkan xaga dibada laga wado”.

Mar uu ka hadlayey siyaasada daakhiliga,waxa uu yidhi “Siyaasadda daakhiligu waa arin mihiim ah, markaa waxaan leeyahay arintaas halka ay maanta taagan tahay sare ha looga soo qaado oo halkii ay joogtay wakhtigayagii ha la soo gaadhsiiyo, waliba waxa aan leeyahay waatan imika uu dagaal ka socdo Xamar, waxaanan filayaa sida la sheegayo in hada Al-shabaab bur bur ku dhawdahay, markaa maanta hadii ayn aan isku tashan oo aynaan amnigeena sare u qaadin waxa aan dalkeena uga baqanayaa in uu burburkaa Xamar ka soo socdaa in uu inaga inagu danbeeyo hadii aan laga sii feejignaan, waxaanan leeyahay dawla da iyo shacbiba ha la digtoonaado. Waxa mihiim ah in la ogaado marka ay meel burburto in khataraheedu na ay saamayn wayn ku yeeshaa meelaha u dhaw oo dhan, imika aduunkii koonfurta xoog ayuu saaray, waataas oo afartii jihaba dagaal ayey kaga kiciyeen, markaa hadii aynaan ka sii gaashaaman dhibaatooyi nka waawayn ee ka soo socda Muqdisho khatarteeda ayaa ina soo gaadhi doonta aakhirka”.

Mar uu ka hadlayey sida loo xalin karo dhibaatooyinka ka taagan Buuhoodle, waxa uu yidhi “Waxaan aa min-sahay oo aan soo jeedinayaa in dadka reer Buuhoodle la dajiyo oo arintaas aan la inoogu soo dhex dhuuman, isla markaana arinta loo kala saaro arin qabiil iyo arin qaran. Anigu waxa aan si wayn uga soo horjeedaa in dib loo soo celiyo ciidanka qarank, anigu waxa aan qabaa in ciidankeena qaranku ay xaq u leeyihiin inay gabi ahaanba dhulka Somaliland isku fidiyaan oo ay goobta ay doonaan tagaan, in la yidhaa ciidankeena dib ha loo soo raro maaha. Waxa loo baahan yahay in dawladeenu garato hadii aanu xadkee nu inoo xidhnayn in khatar waliba gudaha inoo soo gali karto. Anigu waxa aan qabaa in arinta dirir ah ee dhexmartay labada beelood ee walaalaha ah in ay galaan odayada iyo madaxdhaqmeedku, balse aan la faro galin hawsha ciidanka qaranku hayaan, mana aha xadkeenu in uu gorgortan galo”.

Madaxwayne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlayey sida ay u arkaan xisbi ahaan mucaawinadda dawladda Ingiriisku sheegta inay siinayso Somaliland, waxa uu yidhi “Waxa aad moodaa in aynaan fahan-sanaynba mucaawinadda Somaliland la siiyo, ma jirto mucaawino toos ay Somaliland u siiya an dawladdaha deeqaha bixiyaa, waxa marka hore la soo mariyaa deeqaha hay’addo markaas ayey Ke nya soo martaa, taasi waa mid ina haysatay waligeenba, run ahaantii way wanaagsanaan lahayd hadii mucaawimadda 40 malyan ee Pound ee ay sheegeen ay toos inoo siinayaan, waana runtii mid ku filnaan lahaydba miisaanadiyadeena. Aynu aragno bal waxa ay dawladdahaasi sheegeen ina ay ina siinayaa, laak iin anigu figriyan waxaan qabaa uun inay hay’adahaas uun soo marinayaan, waxaan qabaa ta ugu wanaa gsan ee ay samayn karaan waa inay Intarnational NGO-yadooda ay keenaan Somaliland oo ay ku soo hag aajiyaan iyaga deeqahaas, aduunkana ha la ogaado inayna jirin lacag gacanta la iska galiyaa”.

Source:Haatuf