Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Berbera si wayn Loogu Soo Dhaweeyay

 


Berbera (TNN)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin, ayaa saaka galinki hore ka soo dagay gegadda diyaaradaha ee magaalada Berbera, waxaana halkaa ku soo  dhaw eeyay masuuliyin badan oo isugu jira wasiiro iyo qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ah iyo xubno kale oo ka socda maamulka magaalada Berbera.


Axmed Yuusuf oo dhawanahanba ku sugnaa dalka Fransiiska arrimo caafimaad dartood, ayaa la filaya in uu shir jaraa’id u qabto saxaafada ku sugan magaalada Berbera oo badankoodu ka  ka la yimi Hargeisa iyo Burco.


Axmed Yuusuf waxa uu ayaamihi ugu danbeyay ku sugnaa dalka Imiraatka, isagoo oo kulamo xasaasi ah la soo yeeshay jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan isu taga Imaaraatka, gaar aha an Abu Dabi. Madaxweyne ku xigeenka waxaa loo soo gudbiyay guriga martida, halkaas oo uu ugu yaraan laba ayaamood ee soo socda joogi doono.


Source:sallaxleynews