Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay Labadii Wasiir ee u Horreeyey
Xukuumaddiisa

Magacyada iyo Xilalka loo Kala Magacaabay
Labada Wasiir ...... .....
Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha dhawaan la
doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axm ed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),
ayaa magacaabay labadii wasiir ee u horreeyey xukuum adda
cusub ee la filayo inuu soo dhiso.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa sida ilo xogogaal ahi Jamhuuriya u
xaqiijiyeen waxa uu si hordhac ah u sii magacaabay labada wasiir,
kuwaas oo kala ah Wasiirka Arrimaha Dibada iyo
Iskaashiga Caalamiga ah oo loo magacaabay
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo
hore u ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibada ee xisbiga KULMIYE, halka
Proff. Ismaaciil Muumin Aar uu u maga caabay Wasiirka
Wasaarada Biyaha, Tamarta iyo Macadanta.
Inkasta oo aannu jirin qoraal rasmi ah oo Madaxweynuhu ku shaaciyey
magacaabista wasiira dan oo warbaahinta loo gudbiyey, haddana
waxa wararku sheegayaan inuu si hor dhac ah u sii magacaabay labadan
wasiir, iyadoo Wasiirka loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha
Diba da iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillaahi uu hadda
ku sugan dalka Kenya, isla markaana uu shir halkaasi ka dhacay kaga
qaybgalay maamuuska xilka wasiirka Khaarajiga.
Tan iyo intii ka dambaysay markii xisbiga KULMIYE ku guulaystay
doorashadii Madaxtooyada e e dhacday 26-kii June, waxa si weyn
looga foolinayey xukuumadda uu soo dhisi doono Madax weyne
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), hase ahaatee waxa la filayaa in
maalmaha soo socda uu si dhammaystiran ugu dhawaaqo golihiisa
wasiiradda xukuumadda cusub, iyadoo gu ddi Madaxweynuhu u
saaray inay ka soo talo-bixiso qaab-dhismeedka dawladda cusub soo
je edisay in golaha wasiirada laga dhigo 15 xubnood, halkii ay
markii hore ka ahaayeen 26, arrint aas oo si weyn dadweynuhu soo
dhaweeyeen.
Source:Jamhuuriya Online
|