Gobolka Awdal Iyo Xukuumada Cusub Ee Madaxweyne Siilaanyo Kala War
Isuma Hayaan. !
Awdal waxay doonaysaa waxii ay uga baratay xukuumadii inankoodu gadh
wadeenka ka ahaa, taas oo naas nuujis iyo dheef gaar ah ku qabtay oo
aan Gobalada kale ee Somaliland la qabin.
Hadaba, Waxaa hada Awdal gubanaya meelihii bartay macaanka aan kala
go’a lahayn ee ay ku qabtay xukuumadii Riyaale, xeebaha Galbeedku
waxaa laga sameeyay Dekedo suuq madaw ah
oo laga masruufo dad gaar ah oo reer Awdal ah, taas uu Gobolku ka
heli jiray dhaqaale gaar ah oo aan ku soo
xaroon jirin khasnada dawlada, xukuumadii Riyaalena u
xalaalaysay Gobolka Awd al ,waxaa Madax
ay ka dhigteen oo ay geeyeen booskaas nin danahooda fuliya waa
Captain Xudhuun , oo
Daahir Riyaale isku reer yihiin.
Sheekadaasi way sii durugtay ka bacdi markii loo isticimaalay xeebta
wadooyin khalad ah sida in laga dhoofiyo dad
tahriibaya iyo in laga soo dejiyo alaab
kootara baan ah oo uu xitaa hub ku jiro
ilaa aakhirkii cuptan xudhuun ka soo
dejiyay ONLF.
Intaas wixii ka danbeeyay xeebaha
galbeedka iyo weliba gobalka Awdal waxay xukuumada go,a ansatay in
ay gacanteeda ku soo noqdaan, maantana talaabada dawladu qaaday
waxaa weeye in xeebaha iyo Awdalba loo diray askar badan iyo weliba
tikniko dagaal oo loogu tala galay hadii reer Awdal isku dayaan in
ay qalalaase abuuraan talaabo sharciya laga qaado
Ibrahim Jama
ibrahimjama2004@hotmail.com |
|