“Qolada KULMIYE berigii hore marka loo yeedho may iman jirin xafla
ddaha oo waxay moodi jireen in belaayo fadhido, laakiin…” Gud do
omiye kuxigeenka xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin……Waraysi
Hargyesa, 10, April 2011 (TNN)-
Ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka xisbiga
mucaaradka ah ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa guud ahaanba
shacabka reer Somaliland ee ku kala dhaqan daafaha dunida ugu baaqay
inay isku duubni ku muujiyaan qadiyada madax-banaanida Somaliland.
Axmed Yuusuf Yaasi in waxa uu carabka ku dhuftay inay beesha
caalamku hagratay Somaliland oo 20 sano dimuqraadiyad iyo nab ad ku
soo naaloonaysay, isla markaana waxa uu xasuusiyay in haddii
Somaliland la ictiraafo ay dejin doonto dalka Soomaaliya. Guddoomiye
kuxigeenka xisbiga UDUB Axmed Yuusuf shalay u waramay shabakada
Internet-ka ee Hadhwanaagnews, waxa uu sheegay in xisbiga hadda
talada dalka haya ee KULMIYE waqtigii uu mucaara dka ahaa uu sas ka
qabay Madaxtooyada, isla markaana ay sabab la’aan uga baqan jireen
kulamada dadka iyo dalkab
a dantu ugu jirtay. “Dabcan, maanta waxa la joogaa 20 guuradii ay
Somaliland la soo noqotay xornimadeeda, waxaanay taagan tahay waqti
ninkii dhashay uu maanta qaan-gaadh yahay, waana maalin wayn oo
qiime iyo qaayoba inoo leh, waxaana la inooga baahan yahay inaynu
adduun weynaha tusno sida aynu uga rabno ictir aafkii caalamiga ahaa.
Adduunku maanta way ina gabeen, waayo waxay inala sugayaan cid aan
jirinba, markaa adduunkana waxaan leeyahay, marka aad icitiraaftaan
Somaliland ayay wax badan ka qaban doontaa dhibta ka taagan
Soomaaliya, haddii Somaliland la Icitiraafo iyada ayaa u
dhuun-daloosha inay wax badan ka qabato degenaansho la’aanta weli ka
taagan Soomaaliya,” ayuu yidhi. Waxa kale oo uu guddoomiye
ku-xigeenka UDUB ka dhawaajiyay in waqtigoodii ay wadeen xusaska iyo
ictiraaf raadinta Somaliland. “Waqtigii aanu xukunka haynay waanu
wadnay, waa laga yaabaa inay qolooyinkan kale cago jiidi jireen,
laakiin anagu hadda waxaanu doonaynaa in mucaarad iyo muxaafidba in
la wayneeyo oo waxa loo socdaa waa qadiyad, waana mid runtii qof
kasta oo Somaliland ah dusha ka saaran, isla markaana khusaysa,
maaha in mucaarad iyo muxaafad la isu jiid-jiito, laakiin tani waa
mid aynu ugu halgamayno qaranimadeena,” ayuu yidhi Axmed Yuusuf
Yaasiin.
Source:Wargeyska Ogaal
|