WAR-SAXAAFADEED

 

 



Taariikh: 29/04/2016


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-3973/042016uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday, Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Taliyihii Ciidanka Badda Somaliland.

Digreetada Madaxweynuhuna waxay u dhignayd Sidan:-


1. Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Ku: Mudane, Maxamed Jaamac Abgaal,

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Og: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta



Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan ga rtay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuri yadda Somaliland.

Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad ha ysay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane, Cismaan Gara ad Soofe, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.





2. Ujeeddo: Xil-ka Qaadis


Ku: Sarreeyo Guuto, Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane),

Taliyihii Hore ee Ciidanka Badda JSL

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha



Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan g artay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.


Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad ha ysay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.





ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.