WARSAXAAFADEED

 

 





23/03/2012




Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isa ga oo ka tiiran-yeysan, waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo guud ahaan shacbiga soomaaliya ee uu ka baxay Madaxweynihii hore ee Somaliya MARXUUM CABDILAAHI YUUSUF AXMED.

MARXUUMKA oo ku geeriyooday imaaraadka Carabta gaar ahaan Abu-Dubai 23/03/2012.



Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabi yo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga soomaaliya ee uu ka baxay na Samir iyo Imaan ka siiyo.





IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Cabdilaahi Maxamed Daahir
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.