War-saxaafadeed

 


Taariikh: 08/07/2011
 

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku guda jira Safarkiisa uu ku maraayo wadamada Ethiopia, South Sudan oo uu ka degay isla maanta 08/09/2011 ayaa Kulan waxa uu la yeeshay intaanu ka dhoofin Dalka Ethiopia Wasiirka Arrimaha Debeda ee Britain oo bookhasho ku talo gal ah oo ahayd mid qorshaysan oo aad looga soo shaqeyey wakhtigeeduna aad u koobnaa oo ahayd Shan-saacadood ku yimid Dalka Ethiopia, waxa uu bookhashadan oo balanku ahaa in uu la kulmo Madaxweynaha JSL, mudane Siilaanyo waxa uu kulankani u dhacay sidii la rabay waxaanay ka wada hadleen labada dhinac sidii looga wada tashan lahaa nabad-gelyada Geeska ama Mandaqadan aynu ku noolahay iyo Sidii Somaliland ay uga mid noqon lahayd wadamada caalamka ee la aqoonsan yahay oo ahayd runtii muhiimada koowaad ee kulankani ku salaysnaa, taasi oo runtii si weyn la isula gartay oo laysula meel dhigay.


Wasiirka oo ku dheeraday hadalka waxa uu aad ugu nuux-nuuxsday heerka nabad-gelyo iyo horumar ee ay Somaliland iyo shacbigeedu gaadhen oo ay tahay in ay maanta beesha caalamka kaga hesho Ictiraaf buuxa kaasi oo ah mid loo baahan yahay in lagu qiimeeyo waxqabadka shacbiga Somaliland ay qabsadeen ee ay ku go’aansadeen in ay iskood isu maamulaan waxna ku qabsadaan iyaga oon cidina garab ka helayn.

Wasiirku waxa kale oo uu la kulmay mudadaa gaaban ee uu joogay Ethiopia Raysal wasaaraha Wadanka Ethiopia Mr. Melez zinawi, markii ay u dhamaadeen bookhashooyinkaasi wasiirku waxa uu dhoofay wadankiisa oo uu markii horeba ka soo kicitimay.


Dhinaca kale Weftigii uu hogaaminaayey Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamed Siilanyo waxa ay gaadheen Wadanka Cusub ee 09/07/2011 ku soo biiraya Wadamada Dunida gaar ahaan Afrika, halkaasi oo uu ku qaabilay madaxweynaha Koonfurta Suudaan ( South Sudan) iyada oo uu Casho Sharaf ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyada South Sudan in ka badan Afar Madaxweyne oo kala ahaa Madaxweynaha Eretria, Madaxweynaha Simbawi, Madaxa Qaramada Mr. Ban-kin-moon iyo Madaxweynaha Somaliland, halkaasi oo berina lagu dhawaaqi doono madaxbanaanida Juba.