
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu digreeto mad axweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2946/022015
uu isku bedel, xilka qaadis iyo ma gacaabid ku sameeyey
Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u
leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;
Markuu Arkay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu goaansaday
1. In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) laga bilaabo
taariikhda maanta uu ahaado Gudo omiyaha Gobolka Awdal ee
Jamhuuriyadda Somaliland, (Bedel Gudoomiyihii hore ee Sanaag)
2. In Mudane, Axmed Cabdi Falay, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.
3. In Mudane, Yaasiin Maxamed Shide (Yaasiin X), laga bilaabo
taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sool ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
4. In Mudane, Cali Maxamed Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saraar Jamhuuriyadda Somaliland.
Gudoomiye ku xigeenada
5. In Mudane, Maxamed Diiriye Xayd (Dibjir), laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
6. In Mudane, Xaamud Xuseen Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
Ĝ Xil ka Qaadis
1. Ku: Mudane, Maxamed Faarax Aadan
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sool
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ujeedo: Xil ka-qaadis
Mudane,
Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba
cid hanan karta loo dhiibo, wa khtigan xaadirka ahna waxa aan gartay
in xilkii Guddoomiyaha Gobolka Sool aan kaa qaado una mag acaabo
masuul cusub oo xilkaasi guta.
Sidaa darteed, waxaan ku farayaa in aad xilkaa ku wareejiso Mudane,
Yaasiin Maxamed Shide (Yaa siin X) oo aan u soo magacaabay in uu
noqdo Gudoomiyaha Gobolka Sool.
2. Ku: Mudane, Axmed Cali Nuur
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Saraar
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ujeedo: Xil ka-qaadis
Mudane,
Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba
cid hanan karta loo dhiibo, wa khtigan xaadirka ahna waxa aan gartay
in xilkii Guddoomiyaha Gobolka Saraar aan kaa qaado una magacaabo
masuul cusub oo xilkaasi guta.
Sidaa darteed, waxaan ku farayaa in aad xilkaa ku wareejiso Mudane,
Cali Maxamed Faarax oo aan u soo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha
Gobolka Saraar.
3. Ku: Mudane, Maxamed Maxamuud Yuusuf
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ujeedo: Xil ka-qaadis
Mudane,
Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba
cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay
in xilkii Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer aan kaa qaado una
magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta.
4. Ku: Mudane, Khadar Cali Cilmi
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Saaxil
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ujeedo: Xil ka-qaadis
Mudane,
Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba
cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay
in xilkii Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil aan kaa qaado una
magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta.
Ĝ Aqbalaad Is-casilaad Gudoomiye
5. Ku: Mudane, Cabdoo Axmed Aayir
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Awdal
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ujeedo: Aqbalaad Is-casilaad
Mudane,
Tixraac qoraalkaaga summaddiisu tahay XMGA/B/02/286/2015, kuna
taariikhaysan 07/02/2015, ujeedadiisuna tahay is-casilaad.
Sidaas darteed, waan kaa aqbalay is-casilaada aad ii soo gudbisay,
waxaanan kaaga mahadinayaa muddadii aad haysay xilka Guddoomiyaha
Gobolka Awdal.
Haddaba, waxaad xilka Guddoomiyaha Gobolka Awdal ku wareejin doontaa
Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo aan u soo magacaabay in
uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Awdal.
Sidaa awgeed, waxa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay
warqadani ogaysiin ugu socoto la farayaa in uu dhamaan
masuuliyiintaasi u kala wareejiyo xilka Gudoomiyeyaasha, Gudoomiye
ku xigeenada Gobolada ee kor ku xusan.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|