WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed
Siilaanyo waxa uu dig reeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-3670/112015
ku magacaabay Guddida Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka taagantahay ee
Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Xubnaha Gudida:-
Ku: Mudane, Xasan Axmed Aadan,
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka
Ku: Mudane, Maxamed Faarax Xirsi,
Guddoomiyaha Akaadamiyadda Nabadda iyo Horumarka
Ku: Mudane, Axmed X. Cali Cadami,
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
Ku: Mudane, Axmed Muxumed Madar,
Guddoomiyaha Guddida Maamul Wanaagga
Ku: Mudane, Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif),
Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda SOLNAC
Og: Hoggaanka Xisbiga KULMIYE
Og: Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE
Og: Murashaxiinta Ku tartamaysa Xisbiga KULMIYE Dhexdiisa
Ujeeddo: Magacaabid Guddida Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka
taagantahay ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, waxa Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka dhashay
muran iyo cabasho la xidhiidha qaabka loo agaasimayo Shirka Golaha
Dhexe ee u muddaysan 10/11/2015-ka, cabashooyinkaasi oo ay saldhig u
yihiin:
1. Liisaska Xubnaha Golaha Dhexe iyo qaabka loo diiwaangaliyey.
2. Buuxinta xubnaha bannaanaaday iyo habka loo maray.
3. In xubnaha qaarkood wax-ka-beddel lagu sameeyey sifihii asal
ahaan ay kaga mid ahaayeen Golaha Dhexe.
Anigoo ka duulaya qodobbada kor ku xusan, waxaan la kulmay xubnaha
Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee metelaya dhinaca cabashadu ka timi,
isla markaana ka dhegaystey waxa ay ku qotonto cabashadoodu. Sidoo
kale, waxaan dhegaystey doodda xubnaha kale ee Hoggaanka Xisbiga ka
tirsan ee metelaya dhinaca laga cabanayo.
Haddaba, waxaan ku qancay inay lagama maarmaan tahay in wixii tuhun
iyo mad-madow ah laga saaro habsami u socodka hawsha diiwaangalinta
xubnaha Golaha Dhexe, si loo helo madal loo siman yahay oo cid
waliba ku tartami karto.
Sidaas darteed Mudanayaal, waxaan idiin magacaabay in aad si
madax-bannaan u hubisaan in uu jiro wax khaladaad ah, idinka oo u
kuur-galaya arrimaha cabashadu ka jirto oo dhan.
Ugu dambayn, waxaan idiin rajaynayaa in aad masuuliyaddan u gudan
doontaan si xilkasnimo leh.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. |