''Awdal Kama Jiraan Wax Raadad Ah Oo Lagu Xusu usto Xukuumadda Maanta Dalka Ka Jirta"

Waxaan La Yaabay Cabsida Reer Boorama Ka Qabaan Xukuumadda
Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan
 


Boorama, November 16, 2009 (Timacade News) - Musharraxa mansabka  Mada xweyne ku xigeenka xisbiga UCID Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan oo haatan Boorama ku jooga

booqasho hawleed ayaa dadweynaha reer Awdal ugu baaqay inay kala  saara an dhaliilaha xukuumadda Rayaale looga jeedinayo dhinaca horumarinta iyo  w axqabadka oo ay dib uga dhacday Madaxweynaha, loona qaadan in markastoo Madaxweynaha loo soo jeediyo eedo ku saabsan dib u dhaca dalka, in aan reer Awdal loo jeedin, sidaa darteedna loo baahan yahay in la kala saaro qaranka iyo qabyaaladda.

Musharrax Madaxweyne ku xigeenka UCID Prof. Maxamed-rashiid Sheekh  Xas an oo waraysi siiyey Wariyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed Cumar Sheekh ayaa sidoo kale waa uu ka warramay ujeedada socdaalkiisa gobolka Awdal iyo arrimo ku saabsan taageerada xisbiga UCID iyo nidaamka maamul ee maanta dalka ka jira iyo hawlaha looga baahnaa ee baylahay.

Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-

S: Waxaad nooga warrantaa ujeedada socdaalkaaga Boorama?

J: Waxaan u imi, waxa jira xidhiidh naga dhexeeya aniga iyo bulshada reer  Aw dal, ayna waajib igu tahay inaan u imaaddo mar kasta oo aan wakhti u helo. Doorkan si gaar ah ayaan ugu imi inaan la kulmo dhinacyo gaar ah po ka mid ah bulshada, anigoo kala hadlaya dhinaca kaambaynka ololaha  doorashooyin ka. Waxa ii qorshaysan dad khaas ah oo aan kala hadlayo mustaqbalka  siyaas adeed ee dalka iyo gaar ahaan kan gobolkaba. Dhinaca kalena waxaan u imi  m asuuliyiinta xafiiska xisbiga ee gobolka oo aan doonayo inaan wada fadhiisano, kana arrinsano arrimaha siyaasadeed ee xisbiga iyo doorashooyinka, anigoo socdaalkaygan muhiimadda siinayo dhalinyarada iyo haweenka oo inta badan taageerada xoogga leh siiya xisbiga UCID.

S: Beesha Aad ka soo jeedo ee Habar Carfaan odayaasha hormoodka u ahi  w axay sheegeen in ay madaxweyne Rayaale si weyn u taageersan yihiin, Adigu taageero intee leeg ayaad ka haysataa shacabka ku dhaqan gobolka Awdal/

J: Marka beel lasoo qaado waan anigu ka dhaqaaqaa waa aabaha iyo  hooyad a, labada dhinacba aadbaan u qaddariyaa, siiba dhinaca hooyada oo ay soo galaan Abtiyaasha, Ilmo abtiyaasha. Haddaan dib ugu noqdo doorkii  siyaasiyii nta iyo hogaamiyeyaasha dhaqanku kasoo qaateen dhismaha Somaliland iyo dawladnimadeed, waxaan soo qaadan karaynaa oo tusaale fiican u ah alla u naxariistee Sheekh Muuse Jaamac Goodaad waa la ogyahay doorkii xoogga  la haa ee uu kasoo qaatay nabadda iyo dib u heshiisiinta Somaliland iyo dedaalkii isaga iyo Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar u galeen siddii lagu keenay  xukuu madda maanta dalka ka dhisan ee uu madaxaweynaha ka yahay Daahir  Raya ale, hase yeeshee aanu xidhiidhkoodu fiicnayn ilaa xukuumaddii Marxuum  Ciga al, lana xusuusan yahay in aanay isku dhaweyn xukuumadda, labadooduna ma filayn in tacabkii dawladdaasi ka galay uu u shaqayn waayo siday filayeen.

Markaa waad garan kartaa mawqifka beeshu inuusan ahayn sida aad  moodey saan, oo aanay waxba ka dhaxayn xukuumadda, waxaadse sax ku tahay  wakh tigii marxuum Cabdi Xasan Buuni uu ka tirsanaa golaha wasiirada, isagoo Cabdi xasan Buuni ahaa nin weyn oo siyaasi ah wuxuu xukuumadda beesha uga soo jiiday taageero badan, sidaa darteedna markaad dhinacyadaasi ka eegto   bee shu way ku kala qaybsanayd taageerada xukuumadda oo dhallinyarada iyo haweenkuba aniga ayey ila socdeen, ilaa maantana ila socdaan, sabatoo ah waxay donayaan waa isbeddel siyaasadeed oo aan anigu ku hogaaminayo, iguna raacsan yihiin, haddii isbeddelkaasi dhacana gobolka ugu baahi badan leh isbeddelkaasi waa gobolka Awdal oo intii aan joogay magaalada Boorama anaa meelo badan soo maray, dad badana waraystay anaana la sheekaystay, waxaanse la yaabay sida ama wax lala yaabo ah sida daweynaha magaaladu uga baqaan dawladda. Waxaan dareemay sidda qofka aan dawladda ku xidhnayn uga baqayo in la terorise gareeyo. Masuuliyiinta dawladda, ardayda, baayac mushtarka ayaad arkaysaa inay gabanayaan marka lasoo hadal qaado dawladda. Waxa caalamka dalalka kale Madaxeyneyaashoodu ugu faanaan degaanada ay kasoo jeedaan ugana sameeyaan wax lagu xusuusto, haduu yahay Obama iyo haduu yahay madaxeyne kale oo afrikaan ah, meelaha ay kasoo baxaani waa kuwa miisaan culus ku leh dawladahaasi, laakiin maamulka xukuumadda Rayaale wax calaamad ah oo uu ku leeyahay Gobolka Awdal ma jirto, inta badana aad moodayso in aanay wax xidhiidh ah lahayn. Tan saddexaad marka lasoo qaado arrimaha horumarka tacliinta, dhaqaalaha, deegaanka iyo wax kastoo lasoo qaadaba wax kasii dhaca mooyee wax u kordhay ma jiraan toddoba sano kaddib markii la doortay xukuumada maanta.

S: Waxay inta badan beelaha reer Awdal ay ku celceliyaan in taageero weyn ay u hayaan Madaxweyne Rayaale iyo xisbiga UDUB, Adigu taageero intee le’eg ayaad ka haysataa xisbiga UCID ahaan?

J: Waxyaalaha qaarkood markay dhacaan,way iska dhacdaa in madaxweynaha oo an lug ku laayn lagu eedeeyo ,madaxweynuhu waa madaxweyne qaran ee maaha madaxweynaha reer awdal,ilaa xukuumaddi marxuum Cigaalna ay jirtay fikirka dhaliisha ee beel amam gobol lagu nisbeeyo,waxan arrimah caynkas ah keenay xukuumadda oo ad moodayso inay wax xidhiidha la lahayn shicib  ,fikirk a caynkas ahna ka dhaadhicin lahayd ,halka dadka qaarkoodna anay weli  fah min qarannimada .Haddii dadku waayaan waxa lagu qabtay cashuurihii laga qaaday ,waxa laga qabtay shaqo la'aanta iyo waxa kasta oo xukuumadda looga baahnaa hadii dadku waayo dhaliil oo keli ah maahaa waxay xaq u  leeyih iin inay mudaaharadaan ,sharciga iyo dastuurkuna u bannaynayo,marka  dare enka caynkaas ah wax sababu ah xukuumadda oo gudan weyday xilka dadka ka saaran ,iyo dadweynaha qaar ka mid ah oo an fahmin dawladnimada.la soco cadadka dambe .

 

Source:Haatuf