Abu Yaasir Oo Bilaabay Faafinta Dacaayado Ka Dhan Ah Caafimaadka
Xoolaha Laga Dhoofiyo Berbera Si Sucuudigu U Joojiyo Soo Celintooda
“Wasaaradda Beeruhu Way Ku Degdegtay Go’aanka
Ay Xayiraada Kaga Qaaday Soo Gelitaanka Xoolaha Ka Yimaada Dalka
Somaliland Ee Gooni Goosadka Ah”
Wargeyska Al Riyadh
Al –Riyadh, February 01, 2010 (Timacade News) - Ganacsadaha xoolaha
ee Abu Yaasir ayaa isaga oo adeegsanaya Warbaahinta bilaabay olole
uu ku faafinayo dacaayado ka dhan ah caafimaadka xoolaha dekedda
Berbera looga dhoofiyo dalka Sucuudiga, waxaa nu Wasaaradda Beeraha
ee dalka Sucuudiga ku dhaliilay xayiraadii ay dhawaan ka qaa
day soo gelitaanka xoolaha Soomaalida, taas oo uu ku tilmaamay inay
ahayd talaabo la gu degdagay iyada oon marka hore la hubin in
xoolaha la soo mariyo dekedaha Berbera iyo Bossaso ay ka caafimaad
qabaan cudurka Rift Valley Fever iyo cudurada kale ee ku dhaca
xoolaha ee khatarta ku keeni kara caafimaadka dadka cuna hilibka
xoolahaas.
Abu Yaasir oo ah maalqabeen Sucuudi ah oo ka ganacsada xoolo
dhoofinta waxa uu ha atan gacanta ku hayaa maamulka maxjarka
Djibouti waxanu in muddo ahba ku dedaala yay isaga oo la
kaashanaya shirkadda Indho-Deero inuu Maxjar ka dhisto Berbera. Hase
yeeshee waxa arrintaasi kula tartamay ganacsade kale oo Sucuudi ah
oo magiciisa la yidhaahdo, Al-Jaabiri, kaas oo aakhirkii ku
guuleystay in xukuumadda Somaliland siiso ruqsad fasax ah oo uu ku
dhiso Maxjar lagu baadho caafimaadka xoolaha ka hor intaan loo
dhoofin dalka Sucuudiga.
Haddaba Abu Yaasir ayaa haatan u muuqda nin ka qancay in xukuumadda
Somaliland sii so ruqsad uu ku furto Maxjar u gaar ah, waxanu
bilaabay inuu Wargeysyada Sucuudiga ku faafiyo dacaayado uu ku
sheegayo in xoolaha laga soo dhoofiyo dekedda Berbera iyo Boosaaso
ay dalka Sucuudiga soo galaan iyada oon la hubinin inay caafimaad
qabaan iyo in kale.
Dacaayadaha Abu Yaasir ka faafiyo caafimaadka xoolaha ka dhoofa
Berbera waxa u da mbeeyay maqaal dheer oo arrintaas ku saabsan
oo uu maalmihii dorraad iyo Shalay uu soo daabacay wargeyska Al-Riyaadh
oo ka soo baxa caasimadda dalka Sucuudiga, maq aalkaas oo uu
wargeysku ku dhaliilayo Wasaaradda Beeraha ee Sucuudiga inay
ogolaa tay inay xoolo kasoo waaridato wadan aan la aqoonsaneyn oo
gooni goosad ah isla markaana aanu ka jirin wax nidaam iyo kala
dambeyn ahi.
Maqaalka dorraad ee uu wargeyska Al Riyaadh soo bandhigay waxa uu ku
sheegay Ma xjarka Berbera inuu yahay mid aan dhameystirnayn oo
aan laheyn imkaaniyaadkii caafi maad iyo farsamo ee loo
baahnaa “ Maxjarka Berbera waxa laga dhisay magaalada Ber bera
dhexdeeda halkii ay ahayd in uu ka fogaado meelaha ay dadku ku nool
yihiin, waa na wax lala yaabo in Maxjarkaas oo ka kooban 42 xero oo
qudha ku filnaado baadhitaa nka caafimaadka 480 kun oo neef
muddo 8 maalmood ah, sida dhacday Mawsimkii Xajka, taas oo
muujinaysa in xoolaha Sucuudiga soo galay ee Berbera ka yimid ay
badankoodu ahaayeen qaar aan Maxjarka la soo marin oon
caafimaadkooda la baadhin”.
Warageyska Al Riyaadh ma sheegin ilaha uu macluumaadkaas ka soo
xigtay balse waxa uu daliil uga dhigay Document uu soo daabacay oo
ah warqadii caafimaadka xoolo dho ofinta ee Wasaaradda
Xanaanada Xoolaha Somaliland, taas oo ay Wasaaraddu ku ogol
aanayso 21/11/2009 in shirkadda Gulf International ee maamusha
Maxjarka ay dalka Sucuudiga u dhoofiso 6000 neef.
Haddaba baadhitaan uu Wargeyska Haatuf ku sameeyay arrintan ayaa
waxa uu ku oga aday in shirkadda Indho-Deero ay 6000 ee neef
ay qaaday doonida la yidhaahdo Al-Re hmat ee uu ruqsadii lagu raray
uu soo xiganayo Wargeyska Al Riyaadh.
Al Riyaadh waxa kale oo Wasaaradaha Beeraha iyo Ganacsiga ee dalka
Sucuudiga ku d haliishay inay tixgelin waayeen warqad uu u soo
qoray 21/6/2009 Wasiirka Ganacsiga ee xukuumadda Sheekh Shariif,
taas oo uu kaga dalbanayay in dawlada Sucuudigu wixii ku saabsan
xoolaha Soomaalida ee uu Sucuudigu soo waaridto ay kala soo
xidhiidhaan oo keli ah xukuumadda Federaalka ah ee dhexe oo aanay
kala xidhiidhin cidda gacanta ku haysa maamulada iyo Maxjarada
Berbera iyo Boosaaso..
Maqaalkan oo nuxurkiisu ahaa in dawladda Sucuudigu ay xayiraad ku
soo rogto xoolaha ay ka keensato Berbera, waxa uu inta badan ka
koobnaa macluumaad ay Wargeyska si iyeen Abu Yaasir iyo ninka
Masriga ah ee u shaqeeya ee magiciisa la yidhaahdo Saalax Al Hindi.
Source:Haatuf
|