Arki
jirey, maqli jirey
“Qoloqoladan
loo degey kama dhalan dadwenaha daadihiyayaashu maamulkay ku duran
yihin”. Maxamed xaashi Dhamac (Gaariye)
Akhristow sheekadan waxaa ii soo gudbiyey weedh-xayir, war-xayir
amma war dadabe kolba kaad u taqaano. Wuxuu soo akhriyey wararkii
ugu danbeeyey ee xaadhimaha internet-ka lagu faafiyey todobaadkan.
Sida aad warbaahinta ka aragteen waxaa jira shir beeleedyo bulshada
Somaliland mid waliba gaar keeda iskugu habar wacanayso, oo la
doonayo in xusbiyadii jiray looga diga rogtey hab beeleedkii hidaha
iyo dhaqankeena aan u lahayn, islamarkaana aan kuwa hor leh cidina u
furan.
Waxaa todobaadkan innagu soo fool leh, ka dhici doonaa magaaladan
London shir ay iskugu imman ayso, beesha Saaxiiliyada oo udbaheedii
iyo dhigaheedii wadata.
Shirkan oo la leeyahay coofaadh iyo heeliyo loo kala hadhi maayo,
waxaa hormood ka ah baa la yi dhi qaban qaabadiisa la taliyayaasha
Madaxweynaha ee beesha, xildhibaanadeeda, culimadeeda,
aqoonyahankeeda, gancsatadeeda rag iyo dumarba iyo weliba Gud. ku
xigeenka xusbiga UDUB iyo Xubnaha beesha ee ka tirsan golayaasha
dhexe ee sedexda xusbi qaran, iyo dabcan odayaal dhaq ameedkeeda oo
daadihiyayaal ka ah.
Shirkan oo ujeedooyinkiisa lagu qeexin warbaahinta, qarsoodi ma ah
ee waxaa Xaadir ah TV-ga HornCable , waxaa la tuhunsan yahay in la
taliyayaasha soo qabanq aabiyey ay M/weynaha adha dh ka haystaan oo
sheekadu qaybi oo xukun tahay oo ay sidaa ku heshiiyeen oo ay isla
ogyihiin, a mma ay dareemeen in uu hab beeleed M/weynuhu wax ku
maamulayo oo ay la ficiltamayaan, oo xayntooda intay goori goor
tahay isku dubaridanayaan. Waa yaabka yaabkii.
Waxaa kale oo jirta in shir aan loo kala hadheen hal iyo awrtoona ay
beesha ina Ceergaabo isla ma rkaana ah ah ina Burco, islamarkaana ah
ina Hawd , islamarkaana ah ina Salaxley, islamarkaana ah ina
Hargeysa, islamarkaana ah ina Saaxil ay isku habar wactay oo ay
shirkaa Saaxil shir la mid ah loo qaban qaabiyey. Shirkana waxaa
hormood ka ah qabanqaabadiisa shirkaa Saaxil inta soo qaba n
qaabisay dhigooda. Madaxda soo qaban qaabisay waxaa la tuhunsan
yahay in ay UDUBsan tah ay oo Qaramaysan tahay oo UCIDeysan tahay.
Waxaa kale oo intaa wararku ku dareen in Chief of Staff Mr. Xirsi,
oo ka soo jeeda beesha beelaha kor ku xusan u dhiganta ee ina
Togdheer, uu ku sugnaa magaalada Burco todobaadkan isaga oo b eesha
ku wergelinayey baa la yidhi in ay diyaarsadaan jaanleefahooda,
midiyahood, madiilahooda, tooriyahooda, galxadkooda, bilaawahooda,
warmahooda iyo eebooyinkooda, laakiin qoriga iyo ras aastu ay reeban
yihiin, isla markaana la socdaan shirarka iyo dhaqaaqyada beelaha
kale. Wuxuu u sheegay beesha ayaa la leeyahay in aan shirkii Gar
adag shir uga danbayneyn, go’aankuna kii yah ay, weli laga midaysan
yahay, hawluhuna sidii loogu talagalay u socdaan. Haddii loo baahdo
shir ka le wuxuu noqon doonaa shan sano ka dib iyo cala laheeda.
Mar la weydiiyey maxaa u dhexeeya dawladii UDUB ee hore iyo tan uu
ka tirsan yahay ee Kulmiye?
Wuxuu ku jawaabey wuu cad yahay faraqa u dhexeeyaa labada dawladood.
Tii hore waxay ka duu leysey habka saami qaybsiga (Share holders) oo
beelaha yaryar iyo kuwa waaweyniba saami bay ku lahaayeen inkasta oo
la kala badsanayey oo dhabtii libaaxa iyo xusbiga UDUB saamiga ugu
bad an lahaayeen. Habkani oo ay ku shaqayso shirkada Qaran oo aad la
socotaan in dad badani saam iyo ku leeyihiin.
Dawladan Kulmiye waa ganacsi keliyaale (Sole trade) waa sida
shirkada Dahabshiil oo kale oo ku tanaaday saami qaybsi la’aanta.
Beelahan iska dhex doon doonaya iyo xusbiyaduba may garan ha bka
dawladan cusubi ku shaqaynayso.
Mar kale waxaa la weydiiyey furashada xusbiyada maxaa laga yeelayaa?
Habka dhaqankeenu inna furayo, diinta islaamkana waafaqsan tahay,
waa habka beelaha ee aan hidaha iyo dhaqanka u leenahay oo weliba
lagu fadhiisiye xikmada ah iyada oo aan lab iyo dhidig la kala
soocayn: “Habeenkiina waa habar habar, maalintiina waa oday oday”.
Waxaa dawladu xoojine ysaa shirarka beelaha sidii kii Garadag ee
guulaha waaweyn u soo hooyey Somaliland. Berigii hore shirarka
beelaha qaarna way la xishoon jireen, qaar way ka faani jireen,
qaarna qarsoodi buu ah aa. Immikase shaaca laga qaadayaa,
go’aamadoodana warbaahinta lagu faafinaya. Markay beela ha kale
qabsadaan shirkii Gar adag oo kale waxba la isla diidi mayo.
Xusbiyadu way jiri doonaan ma gac ahaan si loo raali geliyo deeq
bixiyayaasha ku hawlan meel marinta dimoqraadiyada.
|