Aragtiyaha Reer Burco ka Bixiyeen Socdaalkii Madaxweyne Rayaale Shalay Dib uga Laabtay Duleedka Burco




Dadweynaha magaalada Burco o si weyn isha ugu hayey socdaalka madax weyne Riyaale ku jooga ee Gobolka Saaxil, isla markaana hadal-hayey inuu u soo gudbo dhinaca magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo aanu iman tan iyo intii uu hayey xilka madaxweynenimada Somaliland.

Haddaba, markii bulshada ku dhaqan magaalada Burco maqleen warka  sh eegaya in Madaxweyne Rayaale gelinkii dambe ee shalay ka noqday  deg mada Sheekh iyo buurta Gacan-libaax oo loogu sameeyey qado-sharaf, ayaa waxaa ka dhashay dareenno iyo doodo badan oo laysku waydiiyo sababta madaxweynuhu markasta uga noqdo duleedka Burco, iyada oo ahayd sannadkii 2005 markii uu booqashada ku tegay Oodweyne, kadibna halkaas ka noqday, magaalada Berberana ugu yaraan waxa uu safar ku tegay ilaa afar jeer oo aannu mar qudha bari u dhaafin.


Mr. Cabdi Xuseen-dheere oo hore badhasaab uga soo noqday Gobolka  To gdheer, kana mid ah odayaasha miisaanka ku leh Burco, isla markaana ka tirsan garabka isbeddel-doonka xisbul-xaakimka UDUB, ayaa weriyaha  Ja mhuuriya ee Gobollada Bariga Somaliland Mr. Kayse Axmed Digaale weydii yey aragtidiisa ku wajahan socdaalka madaxweyne Rayaale ee dib uga noqday xuduudka Gobolka Saaxil, waxa uu ku jawaabay; “Waxaan u arkaa in madaxweynuhu wejiga soo saari kari waayey Burco, maadaama lacagtii giimbaarta ee afarta jeer la soo daabacay lacagtii lagu beddeli lahaa la waayey, isaga oo dhawr jeer ballanqaaday inuu gobolka ka beddeli doono lacagtaas.”


“Haddii Madaxweynuhu Burco iman lahaa ma jirto guri dawladeed (Rest House) oo uu ku degi karo, gurigii martiduna wuu dunsan yahay oo dhawr jeer ayaan u qiimeeyey waxaanu noqday $54 dollar inay ku baxayso  dibu dhiskiisa dhegna looma dhigin, huteelna kuma degi karo  madaxwe ynuhu, socdaalkana wuxuu uga jeedaa oo ka qanacsan yahay inuu food ka helo gobolka, sidaa darted wuxuu iska xaaxaabanaaya meelaha uu isleeyahay waxbaad ka helaysaa, sidii loo doortayna cag soo muu dhigin oo ma iman Burco,” ayuu yidhi Cabdi Xuseen-dheere.


Sidoo kale Cabdi Maxamed Xayd (Caalam) oo ah aqoonyahan ka tirsan  ur ur-siyaasadeedka UDHIS, ayaa isaga oo ka hadlayey aragtidiisa ku  aadd an safarka madaxweynaha waxa uu yidhi; “Arrintani waxay muujinaysaa sida madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisu aanay u danaynayn  gobolk an, isla markaana madaxweynuhu ogsoon yahay ballamihii badnaa ee uu u qaaday gobolka ee aanu waxba ka oofin ilaa kuwii aafada, haseyeeshee waxay daneysaa dawladu dhibaatada iyo xasarad ka abuurida Burco oo keliya, taasoo ay tusaale u tahay kala qaybintii Burco ee dhawaan labada taliye booliis loo sameeyey.


Muhiimadda uu u tegay Gobolka Saaxil ma aha inuu dadweynaha wax u  qa bto, balse waa sidii uu qandaraasyo qarsoodi ah ula soo geli lahaa  shirka do shisheeye oo halkaa ugu imanaysay.”


Si kataba ha ahaatee, safarka Madaxweyne Rayaale oo ka laabtay  dulee dka Gobolka Togdheer, ayaa noqotay mid hadal-hayn iyo dood badan ka dhex abuurtay dadweynaha ku dhaqan Burco, iyada oo dadka qaarkiina ay sharad ku dhigteen wuu imanaya iyo iman maayo.


Ma aha markii u horreeysay ee madaxweynuhu ka noqdo duleedka  Gobol ka Togdheer, lamana garanayo waxa madaxweyne Rayaale ka hortaagan inuu booqdo magaalada Burco oo ah caasimadda labaad ee Somaliland oo aannu cagta saarin muddadii uu hayey xilka madaxweynenimo ee Somaliland.
 



Kayse Axmed Digaale

Kdigale@yahoo.com
Burco.