Marwada Koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland,Aminawer is Sheekh Maxamed Jirde waa marwo dalkeeda iyo dadkee daba u hagar baxday,Cadceed soo baxdayna sacab laguma qarin karo .... Qormadii Koowaad

 

 

Marka hore waxaan salaan kal & laab ah u dirayaa dhammaan shacabka Somaliland meel kast oo ay joogaanba.

Laga soo bilaabo tan & maalintii ay  marwo Aminaweris noqotay Marwada Koowaad ee Jamh uuriyada Somaliland,waxay dadal joogto ah & tacab dhumuc leh ba ku bxisay inay ka shaqay so horumarka dalka iyo daryeelka agoomaha,dan yarta & inta jilicdasan.Waxaa iyana aan la hilmaami karin gurmadka ay ka geysato kolba xaalada dalka wixii ku soo kordha,sida Abaarah aha,iwm.Sidaa darteed Aminaweris Sheekh Maxamed Jirde waa marwo dalkeeda iyo dadkeed aba u hagar baxday,Cadceed soo baxdayna sacab laguma qarin karo.

Marwaqa Qaranka Somaliland,Aminaweris,waxay mar walba taakulaysaa,gacan weyna ka ge ysataa sidii loo xanaaneyn lahaa caruuraha agoomaha,ahna waajib dhammaanteen inna wa da sarran,Diinteena suubanina ina farayso,waxay si aan kala go' lahayn ay  kormeero xogo gaal u noqosh ah ku tagtaa xaruumaha lagu xanaaneeyo agoomaha,mar walbana gar gaar u fidisa kana farxisa caruurta agoomaha,waxaanad arkaysaa iyaddo waqtiyada Ciidaha u qaybi naysa dhar  & neefafkii maalinta loo karin lahaaa.

Waxaynu ognahay in maanta dalkeena ay ka jirto abaar baahsan oo dad iyo duunyaba saam eysay.Marwada Jamhuuriyada Somaliland, Aminaweris waxay intii awoodeeda ah gurmad u fi disay dadka abaaruhu saameeynee,markii ay dhawaan safarka ku tagtay Gobolka Gabileyna, waxay ugu tabarucday in 100 Booydood oo Biyo ah dadka la gaadhsiyo.

Naxariista,u damqashada,ka war haynta,daryeelka & xanaaneynta ay Marwada Jamhuuriya da Somaliland u fidiso dadkeena baahan,waa mid soo jiidatay quluubta iyo dareenka shacab ka Somaliland gudo iyo dibadba.Walaw aan qormo kaliya lagu soo koobi karin,wax qabadka & samo falka Marwada Koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland, waxaan ku soo af meerayaa, Ami naweris Sheekh Maxamed Jirde waa marwo dalkeeda iyo dadkeedaba u hagar baxday,Cadce ed soo baxdayna sacab laguma qarin karo .


Waxaan idinku dhaafayaa dhammantiba Heestii qiimaha badnayd ee loo sameeyey Marwada
Qaranka,"ku iloobi maynee Aminawerisay,ha ku dhawro Mawluhu."

 

 





La soco qormada labaad haddii Allaha awood lihi innagu simo,oo aynu diirada ku saari doono kaalintii libaax ee ay ku lahayd dib u xoreyntii gayiga Somaliland.






Mujaahid Adan Muse Cilmi (Shiine)
Gabiley,Gobolka Gabiley
15 February,2016