Marwada Koowaad ee Madaxweynaha oo furtay xarun lagu daryeeli doono caruurta Agoomaha ah

 


Hargeysa October 6, 2010 (TNN)- Marwada kowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, ayaa maanta xadhiga ka jartay xaruun cusub oo lagu daryeeli doono caruurta agoonaha ah, taas oo laga hirgaliyey deegaanka biyo macaan oo ka tirsan degmada Arabsiyo.

Munaasibada loo sameeyey furitaanka xaruntan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay waxa ka soo qaybgalay Wasiirada arimaha gudaha, waxbarashada, diinta iyo awqaafta, badhasaa bada gobollada Maroodi-jeex, Gabiley, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Xafladan waxa ugu horeyn hadal ka jeediyey guddoomiyaha gobolka Gabiley Rashiid Cumar Sheekh iyo Maayarka Gabilay Aadan Muxumed Bade, kuwaas oo u mahadnaqay ganacsade X. Axmed  Daa hir Cumar [Baxsane] oo isagu maalgaliyey xaruntan lagu daryeelayo caruurta agoonta ah. Waxaanay labada masuul ka warbixiyeen xaalada guud ee wakhtigan ay ku sugan yihiin  dadweyn aha ku dhaqan gobol Gabiley waxana ay tilmaameen inay aad u fiican tahay.

Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Faysal Cali Sheekh oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay dadweynaha deegaanka ku dhaqani yihiin beeralay oo ay inta badan beeraha ku mashquulsan yihiin, waxaanu ugu baaqay wasiirada caafimaadka iyo waxbarashada  i nay deegaanka Biyo-macaan u sameeyaan dugsiyo iyo xarumo caafimaad, taas oo uu sheegay  in ay baahi weyn u qabaan dadweynahaasi.

Ganacsade X. Axmed Daahir Cumar [Baxsane] oo munaasibada hadal kooban ka jeediyey, ayaa  sh eegay inuu sii wadi doono arimaha samo-falka ah ee uu wax ugu qabto caruurta agoomahaa iyo dadka danyarta, taas oo mar kasta loo baahan yahay wax u qabashadooda.

Baxsane waxa kale oo uu halkaas ka sheegay inay Marmada Madaxweynaha Somaliland isku af-g arteen sidii daryeel joogto ah oo taabanaya dhinacyada nolosha caruurtaas loogu fidin lahaa.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa isaguna sheegay in  diin ta islaamku ina fartay dadka jicilsan iyo caruurta agoomaha ah, waxaanu ugu baaqay  ganacsat ada kale inay ku daydaan Baxsane oo ay gacan qabtaan dadka jilicdasan.

Wasiirada arimaha gudaha iyo waxbarashada Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Marwo Samsam  Ca bdi Aadan, ayaa soo dhaweeyey hirgelinta xaruntan lagu daryeelayo ubadka yar yar ee  agoom aha ah.

Marwada Madaxweynaha Aamina Waris, ayaa sheegtay sida shacab iyo xukuumadba xilka uga  sa aran yahay caruurta agoomaha ah ee ku dhibaataysan dalka gudihiisa iyo dadka kale ee jilicsan, waxaana ay sheegtay inay samaysanayso xafiis samofal oo la socon doona waxna u qaban doona caruurta agoomaha ah iyo dadka kale ee tabaalaysan.



Source: Horn Cable TV