Allaha U Naxariisto Aqoontii Samaroon:
Maqaal Been Abuur aha
a



 Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |UK & Holland|

 


Samaroon Aqoontii Lagu Ogaa Ilaahay Samir iyo Iimaan ha ka Siiyo:
Boramanews.com
Allaha U Naxariisto Aqoontii Samaroon: HiilDan.com (with picture)



Nabadgelyo korkiina ha ahaato dhamaanba ummadda Somaliland iyo warbaahinta xorta ah.

Aniga oo ah Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) waxaan halkan ugu caddaynayaa  ummad da reer Somaliland iyo akhristayaasha sharafta leh ee shabakadaha wararka, in  maqaa ka cinwaankiisu kor ku xusan yahay uu ahaa mid been abuur ah oo lagaga been abuuray magacayga, muuqaalkayga iyo fikirkaygaba. Ma ihi: kii soo diyaariyey ama qoray, ama la xidhiidhay ee u diray ama ku yidhi labadaa shabakadood soo daabaca maqaalkaa. Ha  noq oto fikirka ka dambeeya iyo farriinta uu soo gudbinayo maqaalkani, xumaan iyo  samaanti isa, dhalliil iyo ammaanba, haba yaraatee ma jirto wax aan anigu shaqo ku leeyahay  maq aalkaa isaga ah.


Maqaalkan isaga ah waxaa lagu daabacay labada shabakadood ee kala ah  Boramanews.com (25.02.2010, oo aanu sawirkaygu la socon) iyo shabakad aanan hore u maqal oo la yidhaahdo HiilDan.com (26.02.2010, oo sawirkaygu la socdo). Cinwaannada barta internetka ee laga heli karo maqaalkanna waa sidan:

 

http://www.boramanews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=3665:samaroon-aqoontii-lagu-ogaa-ilaahay-

samir-iyo-iimaan-ha-ka-siiyo/ iyo http://hiildan.com/2010/02/26/allaha-u-naxariisto-aqoontii-samarroon/
 


Waxaan gef iyo meel ka dhacba u arkaa in la iga been abuuro, magacayga iyo  muqaalkay gana loo adeegsado si qaldan. Waxaanan ka dalbanayaa shabakadaha Boramanews.com iyo HiilDan.com in ay arrintaa xaqiiqada iyo runtaba ka sheegaan, akhristayaashoodana u soo bandhigaan Magaca iyo Muuqaalka saxda ah ee Qoraaga Maqaalkan!


Inuu qofku fikirkiisa cabiro ama soo bandhigo odhaahdiisu waa xuquuqda aasaasiga ah ee uu leeyahay ee aan cidina ka qaadi karin. Balse qofkii raba inuu fikirkiisa soo bandhigo, w axaa habboon in uu lahaado kalsoonidii, kartidii iyo badheedhihii uu fikirka uu qabo ku  dif aacan lahaa.

Waxase ah arrin lala yaabo isla markaana gef iyo meel ka dhacba ku ah damiirka iyo  caqli ga suuban, qofka casrigan aynu joogno ina leh wax baan sheegayaa, waxaanse  adeegsa nayaa magac iyo muuqaal qof kale leeyahay!!!

Dhinaca kale, shabakad kasta ama rug kasta oo warbaahineed waxa ka dhigi kara mid  m agac leh, caan baxda oo leh akhristayaal aan xad lahayn waa: xilkasnimadeeda, dhex-dh exaadnimadeeda, hubinta xaqiiqada wararka, ku dhaqanka xeerarka u dhigan war-baahi nta iyo dhawrista karaamada iyo sharafta qofka, qoyska, beesha iyo ta bulshadaba.

Balse been abuurka iyo baahinta wararka xaqiiqada ka fogi waa astaamaha lagu yaqaano xarumaha iyo shabakadaha warbaahineed ee iyagu is xadeeya kuna dhisan caadifadda , kuwaasoo ku guul darraysta kasbashada akhristeyaasha aan xuduuda lahayn.

Guntii iyo geba-gebadii waxaan mar kale halka ka caddaynayaa in aanan ahayn qoraaga maqaalka cinwaankiisu ahaa:
‘Samaroon Aqoontii Lagu Ogaa, Ilaahay Samir iyo Iimaan ha ka Siiyo’!
 

WA BILLAAHI TAWFIIQ

 

 

 

Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)