WARSXAAFADEED
Madaxweynaha JSL Mudane AXMED
MAXAMED MAXAMUUD ( SIILAANYO) waxa uu Maanta qa sriga Madaxtooyada
ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ay hogaaminayso Kaaliyaha Xog-hayaha
Guud ee Qaramada Midoobay isla markaana ah ku xigeenka Komishanka
Xuquuqal isaanka ee UN-ka Mme Kyung-wha kang.
Madaxa Weftiga Mme Kyung-wha kang ayaa Marka Horeba Madaxweynaha u
gudbisay Ham balyo ay ka sido Madaxa Komishanka Sare ee
Xuquuqal isaanka UNka.
Madaxa weftigu waxay Madaxweynaha Si aada ugu Amaantay Go’aankii uu
ku sii daayey Dad kii Siyaasada u xidh-xidhnaa isla markii uu
talada la wareegay waxanay ku tilmaantay Madax weyne ku
dayasho Mudan.
Madaxa Weftigu Mme Kyung-wha kang waxa kale oo ay Madaxweynaha u
balan qaaday in uu Komishankeedu Somaliland kala Shaqayndoono
Horu-marinta Xuquuqal Isaanka.
Madaxweynaha JSL Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD ( SIILAANYO) ayaa
isaguna Wefti ga u bal-balaadhiyey siyaasada Xukuumada ee
Dhinaca Xuquuqal Isaanka Waxaanu Madaxwe ynuhu u sheegay
Weftiga inay Somaliland Mabda u tahay ilaalinta Xuquuqal isaanku
Xukuum aduna ay sidaa ku shaqaynayso.
Dhinaca Somaliland waxa Madaxweynaha ku Wehelinaayey kulankan
Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Prof: Ismaaciil Muumin Aar.
Xubnaha Weftiga waxay kala ahaayeen:-
1. Mme Kyung-whakang DHC (VIP)
2. Scott Campbell, OHCHR- Geneva, Africa Division
3. Fiona Adolu, UNPOS HRO
4. Joachim Schmitz, UNPOS Security Chief
5. Sandra Beidas, Head of Human Rights, UNPOS/OHCHR
ALLAA MAHAD LEH
AF-hayeenka Madaxtooyadda JSL.
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
|