Ahmed Ismail: The visionless Professor, uma qalmo soo dhoweyn iyo
maamuustoona!!
Dadka kuwa ugu aqoonta, cilmiga iyo garaadka badan ayaan ku jiraa
hadana imi kuunbaan wax oga aday mid laga yeelayo professor ka maaha
ee waa in uu laba mid uun soo galaa?.
1) Waan badheedhayey oo waan ugu talo galay in xasuuqii, burkii iyo
balaayadii dhacday ee ku ha bsatay ummadda reer Somaliland aanan ka
hadal oo ka damqan.
2) Garaad iyo aqoon liŽ ayaa halkaa I dhigay, oo tacliintii iyo
aqoontii aan
sheeganjireyna waa khasaare oo waa waxba kama jiraan.
Kalmadda VISION ayaa halheys uu ku celceliyo u noqotay
Pr. Ahmed
Ismail Samatar kolka uu sharx ayo sifaha hogaamiyaha wanaagsan. Sidaa
daraadeed waxan maanta laga bilaabo anigu u hibeyna yaa Professor
magaca ah Pr. Vision/less. sobobta aan magacaa ugu doortayna hoos
ayaan ku sharaxayaa.
Sideedaba aqoonta la barto oo ay ku jirto ta theoretical ka ah ee
laga barto jaamacaduhu waa tuul(tool)
aadamahu adeegsado si uu wax
uga badalo ama ugu horumariyo noloshiisa. Laakiin waxa nas iib daro
ah hadii aadamihii adeegsan lahaa uu garan waayo ama hareer maro
habkii iyo hanaankii l oo adeegsan lahaa.
Si kale hadii aan u dhigo
tacliinta hadii maskaxdii adeegsan laheyd garaadkeedu hooseeyo waxay
no qoneysaa waxba kuma taal.
Tacliinta waxa ka mudan maskaxda
Eebaheen ku maneystay adoonkiisa. Tacliintu kaligeed waxba qaban
mayso, laakiin waxa dhici karta qof heerka tacliintiisu kooban yahay
in uu ummad dhan hogaamiyo oo uu badbaadiyo. Tusaale waxa inoogu
fillan odayaashii reer Somalila nd ka badbaadiyey burburka iyo qaska
ka taagan Somalia iyo meelo kale oo ka mid ah mandaqada Geeska
Africa, may laheyn tacliin jaamacadeed oo lagu dhererin karo ta ay
sheegtaan Ilma Ismaaciil Samatar. Mr. Visonless , Pr.Axmed, waxan
xasuusinayaa in kheyr qabayaashii dhidibada u taagay la soo noqoshada
xorriyadii Somaliland badankoodu heerka tacliintoodu aanay
gaadhsiisneyn ta isaga iyo qeyrkii gaadhsiisanyihiin. Odayaashaasu
waxa aragtidoodu (vision) tustay in haddii aanay sidaa yeellin ay
halaag ummaddu ku dhici doonto.
Mr. Visionless ,Ahmed, kolka uu ka sheekeynayo hogaamiye aragti fog
lahii isagaa si dadban isku til maamaya oo isku boqraya darajadaas.
Laakiin aragtidaa (vision) wuxu ku akhri kari waayey waaqici ga jira,
iyo mabdaŽii Somliweyn in uu ahaa khayaali, gabalkiisiina dhacay.
Wuxu imikuun ogaaday oo hambabaray kolkii loo sheegay in aanu gayin
madaxnimada Somalia. Ina Samatar kolkii uu soo taab aty gidaar ayuu
muslaxaad iyo xodxodasho kulasoo noqday wadankiisii hooyo ee aanu
teelo u dhig an burburiskiisa. Ina Samatar kolkii uu hororkii
Af-weyne iyo xukuumadiisii ummadda xasuuqayeen lagama maqal isagoo
ka damqaday dulmigaa iyo dhibaatada shacabka lagu hayey. Tolow
miyaanu arkeyn mise waabu ku faraxsanaa in ummadda sidaa loo
dhigo?Jawaabta isagaa la weydiin.
Pr. Ahmed iyo walaakii shalay may dhallan. Haddii ay aragti iyo
garaadbuuran leeyihiin sida ay ku faanaan ee ku andacoodaan maxay u
arki kari waayeen waxa ay dadka intiisa badani waayo hore arkeen.
Mise ma laga yaabaa in ay arkayeen, laakiin ay badheedhayeen iyagoo
ujeedadoodu aheyd ku xumeyn ummaddii ay ka dhasheen ee Somaliland?
Jawaabta iyagaa la weydiin.
Ina Ismaaciil Samatar wuxu ku faanaa, inkasta oo ay iyada lafteedu
dhowaan uun la yimid , Gabiley iyo Somaliland oo uu ku dhashay
laakiin inta la ogyahay lagama hayo wax tar uu u qabtay. Waxa ta a ka
marag kacaya isaga laftiisa ayaa sheegaya in aanu galabsan in si mug
leh Somaliland usoo dho weeyaan.
Waxan qabaa in soo dhoweynta Ina Samatar Lagu deg degay. Mr.
Visionless uma qalmo maamuuska heerka sare ah ee lagu qaabilay.
Imaatinka Mr. Visionless waxa ka sii darran isagoo aan wali si
rasmiya oo cad u cadeyn waxa uu ka aaminsanyahay qadiyadda
Soamliland iyo mabdaŽii aan la mahadin ee Somaliweyn. "Anigu
Somalila nd waxa aan taro mooyee wax u dhimi mayo" "Somalialnd waxan
qirayaa in ay wax qabsadeen" "Ca daalada ha xoojiyo""wax ha lawada
yeesho" Vision iyo aragti fog ha lala yimaado""Dadbaa odhana ya
malaha Axmed mabdaŽii Soamliweyn uu kasoo noqday,maya aniga wali
halkii ayey iga taagantah ay laakiin?."
Hadalada caynkaas ah iyo kuwo kale oo badanba waxa laga hayaa
professor ka imika lagu mash quulsan yahay soo dhoweyntiisa. Ninka ku
sujuuday ciida Somaliland sida muuqata wali kama hadhin
xaalufinteeda oo wuxu aaminsanyahay mabdaŽii mandaqadu, gaar ahaan
reer Somaliland, eedeen. Haddii ninka mabdaŽiisu sida mugdiga ugu
jiro aynu imaatinkiisa u raxleynay, maxeynu ka yeeli doon aa kuwii
kale ee wali iyagu kusoo dhiirran kaari laŽ in ay soo caga dhigtaan
ciida xalaasha ah ee Soa mliland? Ilma Samatar burburka Somaliland
waxaba ulamey hadhin laakiin tii Eebbe ayaanay noqon.
G u n a a n a d
Pr. Visionless iyo inta kale ee sidiisa aan ku qanacsaneyn la soo
noqoshada xorriyadda Somaliland in ay wadankooda hooyo ku soo noqdaan
waa la soo dhoweynayaa. LAAKIIN, iska soo gal uun noqon maysee waxa ka
horeeya shuruudo:
1. Professor ku ha la yimaado geesinimo oo kolka ugu horeysa ha
qirto in uu u gafay oo dambi ka ga lay reer Somaliland. Ha qirto oo
ha ka sheekeeyo godadkii uu la damacsanaa in qadiyadda Somalila nd
lagu aaso ee xag Eebbe ugasuurta galiwaayey. Kolkaa dabadeed reer
Somaliland cafis ha waydi isto.
2.
Professorku ha qirto runta oo ha sheego in waxa soo celiyey aanay
aheyn hilow uu usoo hiloobay wadankiisii ee ay tahay
gidaarka uu soo
taabatay awgeed.
Allaa Mahad leh.
Ali Omer
omeralihs@gmail.com
|