La-taliyaha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga oo tacsi u diraaya geerida
Marxuum Fu'aad Aadan Cadde

Innaa lillaa wa innaa illeyhi raajacuun.
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane
Axmed C arwo, waxuu tacsi iyo murugo la qaybsanayaa shacab iyo
xukuumadda Soomaliland guu d ahaan geerida ku timid Marxuum Fu'aad
Aadan Cadde LA-TALIYIHII Madaxweynaha ee Gobalada Barri. Waxuuna si
gaar ah u tacsiyadeynayaa ehelka, ubadka, tafiirta, xaas ka,
qaraabada iyo qoyska reer Aadan Cadde iyo guud ahaan Goballada Bari.
Axmed oo ka waramaaya Marxuumku waxuu yidhi"waxuu ahaa nin aan cidi kaga
horre yn dhismaha qarannimada Soomaliland, isagoo dagaal maskax, maal
iyo ruuxba u huray nabadeenta iyo dhismaha qaranka. Aniga waxuu ii
ahaa macalin iyo saaxiib aan wax badan ka bartay halgankii
nabadeenta beelaha Soomaliland iyo dhismaha dawladnimo. Waxuu caan
ku ahaa run sheeg, aan xaqqa ka aamusin, mabda adag oon sida loo
badan yahay ahyn leydh raac iyo nin ka xorroobay cunsuridda qabiil
isagoo taasi ka hor joogs an inuu beeshiisa u doono xuquuqdooda.
WAXUU NECBAA QABYAALADDA AAN WAXTA RKA LAHYN"
Fu'aad Alle ha u naxariisto hana ka yeelo kuwa dhaxla jannatul fardaws,
iyadoo astaam o wacan inooga muuqdaan maalinta uu dhintay ee 29kii
Ramadaan oo ah maalin raxmad iyo naxariis leh. Illaahay heyna
waafajiyo inaynu u duceyno geesiga inaga baxay. Ehel iyo asxaabna
Alle ha waafajiyo samir iyo iimaan.
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
eci.advisor@gmail.com
|