Agaasimaha Guud ee Timacade News Network TNN ,Mustafe Cabdikar in Cali (Mustafe Future) , oo ka qayb galay xafladdii qalin jabinta ee Jaamacadda Burco

 

 

Dufcadii koowaad ee ka qalinjabisa Jaamacada Burco oo Xaflada Balaadhan Shalay loogu qabtay Xarunta Jaam acada Burco ee Gobolka Togdheer:



Burco (TNN)-Xaflad balaadhan oo loo sameeyay Dufcadii koowaad ee ka qalinjabisa jaamacada Burco e Gobolka Togdheer ayaa shalay lagu qabtay hoolka jaamacada Burco.


Munaasabadaasi oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka kala socota seddexda Xisbi qaran ee Somaliland,Gudoomiyaha Golaha Wakiida Somaliland, Maamulka Jaamcadaha Camuud , Golis iyo Nugaal, Mudanayaal ka tirsan Aqaladda Guurtida iyo Wakiilada,Salaadiin, Abwaano, culimaa,udiin, Gudida Horumarinta Gobolka , Maamulka Gobolka Togdheer iy Marti shafar kale oo aad u tiro badan.

Xafladan oo ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee lagu qabto gobolka togdheer ayaa soo jiidatay dadwayne tiro badan oo ka qayb galay xafladaasi, tirada ardayda ka qalinjabisay jaamacada oo dhanayd 93 arday oo ka kala qalinjabiyay afar kuliyadood oo kala ahaa Shareecada Islaamka, Kuliyada Ganacsiga, Kuliyada Xoolaha iyo Kuliyada Tababarka Macalimiinta, Ardayda qalinjabisay oo ku labisnaa dharka hidaha iyo Dhaqankeena ayaa ahayd mid tusaale u noqon karta jaamacadaha kale ee Somaliland.

Ugu horayn Waxaa xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Burco Pro.C/raxman jaamac Ducaale oo ka waramay Marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacadu soo martay iyo caqabadihii soo wajahay geedi socodka jaamacada Burco iyo Guud ahaanba sidii loo xaliyay, Pro C/raxman waxaa ku dheeraaday qiimaha ay leedahay Aqoonta isaga oo Xusay inay ka mid yihiin ardayda manta qalinjabisay 13 doctor oo xoolaha ah, kuliyadaha Ganacsiga iyo maaraynta, 20 Shareecada Islaamka, 31 Xanaanada Xoolaha.

Waxaa isagu Halkaasi ka yidhi Kalmadii Wasaarada Waxbarashada wasiiru dawlaha Wasaarada waxbarashada Maxamud Garaad Maxamed oo Hambayeeyay Ardayda qalinjabisay isaga oo ku dheeraaday dardaaran badan u jeediyay ardayda jaamacada burco.

Wasiiru dawlaha waxbarashadu waxaa carabka ku dhuftay khilaafyadii kala duwanaa ee soo maray Jaamacada Burco isaga oo sheegay inay dhamaantood ku dhamaadeen si nabad galyo ah.

Pro. Saleebaan Axmed Guuleed oo ah Gudoomiyaha Jaamacada Camuud ayaa isaguna halkaasi kala hadlay Ardayda Qalinjibisay isaga oo si faahfaahsan uga waramay Qiimaha ay ku fadhido Waxbarashadu iyo siyaabaha looga faa,iidaysan karo, Pro.Saleebaan waxa uu Xusay in jaamacadu ay meel walba oo dadku joogaan iyadu tagto balse aanay dadku u iman jaamacada,

pro. Saleebaan waxa uu si qoto dheer uga waramay taariikhda waxbarasho ee Dalka Somaliland iyo heerka ay manta taagantahay, isaga oo soo dhaweeyay in ay bataan jaamacadaha dalku si ay aqoontuna u korodho, waxaa uu aad ugu faanay inu ku qanacsanyahay macalinimada oo ku soo dhex jiray muddo dhan 42 sanno ilaa maantana jecelyahay inuu ka faa,iideeyo Aqoontiisa.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng.Faysal C/waraabe oo madashaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in Xisbiga ucid ahaan ay soo dhawaynayaan Horumarka Gobolka Togdheer, Faysal Cali waraabe waxa uu ku dheeraaday waxyaabaha ay qaban doonaan hadii ay ku guulaystaan talada dalka isaga oo sheegay inay awooda saari doonaan Aqoonta.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid waxa uu balan qaaday hadii ay talada dalka qabtaan inay wasaarada Xanaanada Xoolaha burco ka dhigi doonaan isaga oo xusay inay wasaarad walba halka ay ku haboontahay ay ka dhigi doonaan.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo madashaasi ka hadlay ayaa hamalyo udiray Ardayda Qalinjabisay iyo Guud ahaanba Dadwaynaha Gobolka Togdheer waxa uu sheegay in dadaalka oo la badiyo lagu gaadhi karo guulo la taaban karo.

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo sheegay inay Xisbiga kulmiye ahaan u soo xuleen Doorashada soomaaliland Ciyaaryahan ruug cadaaya oo lagu soo tijaabiyay ciyaar hore (Halkagankii SNM) sidaa awgeed hadii ay wadi kari waayeen kooxdii ka horeeyay, Dalku waxa uu ubaahanyahay buu yidhi Ciyaaryahano wata tababare la soo tijaabiyay oo hanan kara guusha la raadinayo, isaga oo xusay in hore loo siiyay Hogaamiyohooda koobkii nabada.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Udub Jaamac Yaasiin Faarax oo isaguna Madashaasi kalmadii ka jeediyay waxa ka waramay qiimaha aqoontu leedahay iyo waxyaabaha hortaagan aqoonta Somaliland isaga oo ku dheeraaday faa,iido darada qabyaalada iyo saamaynta ay ku yeelan karto da,yarta soo koraysa.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada C/raxmaan Cirro ayaa balan qaaday inay Gole ahaan ugu deeqi doonaan jaamacada burco $3000 isaga oo tirxraacayay Codsi uu madasha ka jeediyay Xildhibaan Cali Mareexaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha wakiilada oo u soo jeediyay inay jaamacada Gacan ka gaystaan Masuuliyiinta ka soo qayb galay xaflada isaga oo xildhibaanku ku deeqay lacag dhan $1000 oo ay wada jir ku yidhihiin isaga iyo xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac Cabdulaahi Biin oo Xidhitaankii Xaflada Hadal kooban ka jeediyay halkaasi ayaa ka waramay Guud ahaanba waxbarashada Gobolka togdheer iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay isaga oo Jawaab ka bixiyay Hadal uu muuse biixi meesha jeediyay oo uu ku tilmaamayay kulmiye xulka qaranka hanan kara, waxaanu mahadnaq usoo jeediyay dhamaan marti sharaftii faraha badnayd ee ka kala socotay Dhamaan Gobolada Dalka Jamhuuriyada Somaliland,

Badhasaabka Gobolka Togdheer waxaa uu kula dardaamay Culimaa,udiinka Somaliland inay wax u sheegaan Qofka aqoon darada diineed hayso sida kuwa isqarxinaya oo kale isaga oo xusay hadii aanay u sheegi karayn inay iska dhigaan kitaabka ay sitaan.

Madashan oo kulmisay Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Marti sharaf Tiro badan oo ka kala socday Gobolada Dalka Jamhuuriyada Somaliland, ugu danbayntii waxaa shahaado Sharafyo lagu Gudoonsiiyay Masuuliyiintii iyo Dadwaynihii kaalinta laxaadka leh ka qaatay oo ay ka mid ahaayeen Gudida horumarinta Gobolka, Gudoomiyihii hore ee jaamcada Burco Pro.C/salaa, iyo Wasiirkii hore wasaarada Horumarinta Reer miyiga.

 



Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
Timacade News Network TNN
Burco/Somaliland
mccfuture@hotmail.com