“Go’aan Haddii uu Waxtar Leeyahay Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay iyo maantaba caan ku ahaa”




“Go’aan waxa uu ahaa kii uu 80-ka cod kaga tagay kursiga”


“Haddii cidi qarankan hogaamin lahayd , Madaxweynihii ugu mudnaa ayay shacabka Somaliland do orteen”

“Cali Guray waxaan Leeyahay Ummadda been ha u sheegina oo Go’a ha u ridina”


Hargeysa (TNN)-Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa jawaab ka bixiyay dhaliilo uu Guddoomiye Ku xigeenka sadexaad ee Xisbiga UCID Cali Guray u jee diyay Madaxweynaha oo uu ku tilmaamay mid aan go’aan qaadasho lahayn.

Afhayeenka Madaxtooyada oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Madaxw eyne Siilaanyo uu ku caan baxay inuu go’aano adag ka qaatay marxalado adag, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Guddoomiye Ku xigeenka sadexaad ee xisbiga UCID ayaa xalay TV-ga ka hadlayay waxa uu yidhi Siilaanyo Go’aan ma laha, Madaxweynuhu inuu go’aan leeyahay waxa ina tusaya marxaladii adkayd ee uu soo hogaamiyay ururkii SNM. Taasi ayaa go’aan iyo Hoggaamin lahayd oo xiligaasi ay marxaladihii ugu adkaa soo food-saareen. Go’aan kaas ka adkaa oo la qaad an lahaa ma jirin.”

“Go’aan qaadasho waxa uu ahaa kii uu 80-ka cod kaga tagay kursiga madaxtinimada ee uu ku aqb alay isagoo eegaya danta dalkiisa iyo dadkiisa. Kaasina Go’aan kale oo geesinimo leh ayuu ahaa. Haddii go’aan qaadasho waxtarayso oo qof magac ku yeelanayo Siilaanyo ayaa shalay iyo maanta ba ku leh,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu.

“Cali Gurey iyo raga kaleba waxaanu leenahay qaranka u tudha, waa la idin tuhmayaa oo umadani way idin tuhmaysaa, waxaad soo marteen waaya aragnimo badan, laakiin waxa la qabtay, waxa ay umadani doonayso ha ka qaldina, Xukuumada waala dhaliili karaa, oo dhaliishu waa mid jirta oo way furan tahay, laakiin dhaliisha macnaheedu ma aha in ummada rajadeeda wax la yeelo, oo go’a loo hurgufo ma aha, rajadeeda in la dhiiri geliyo ayay umadani wax ku noqonaysaa, rajadeeda in la garab qabto ayay umadani wax ku noqonaysaa, wax baynu go’aansanay oo go’aan ayaynu gaadh nay ah in qarankani uu midha dhal noqdo,”ayuu yidhi Mr. Dhuxul.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray “Waxa jooga madaxwayne ay shacabka Somaliland soo door teen, madaxwayne ay rabitaankooda kula soo baxeen, madaxwayne haddii cidi qarankan hogaam in lahayd Madaxweynihii ugu mudnaa ayay shacabka Somaliland doorteen.”

“Kuwa sidaa sheegayaa ee doonaya in ay umadda wax been ah u sheegaan, inshaalaah wakhtiga iyo waaqica ayaa u sheegi doona, xukuumadani mudada labada sano iyo badhka ah ee ay joogtay wax badan oo lagu farxo ayay qabatay, haday waxbarasho tahay, haday caafimaad tahay,”ayuu yidhi Afhayeenku.

Mr. Dhuxul waxa uu sheegay in socdaalka Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku marayo Turkigu uu ya hay mid guul ah oo ujeedadii dawladu ka lahayd laga gaadhay, waxaanu uga mahad celiyay dawl adda Turkiga sidii diiranayd ee ay u soo dhaweeyeen weftigii Madaxweynaha.

Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray in Madaxweynuhu uu kulan la yeeshay Raysal wasaare Ku xigeenka Turkiga iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada wadankaas.
Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu sheegay in weftiga madaxweynuhu marka ay ka soo laabtaan Turkiga uu soo mari doono Itoobiya, halkaasi oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxda dawladda Itoobiya.
 


Cumar Maxamed Faarax